Monday, September 21, 2009

Gacan ka Hadalkii Golaha Guurtida, Gardarrada Bardaale iyo Gagab-socodka Maamulka!!

 

Waxa Dalka Maanta ka dhacayaa, maaha  arrimo Siyaasadda ku shaqo leh ee waa barnaamij Danaysi Gaar ah leh oo ay Madaxtooyadu hoggaamineyso, una adeegsato dad aan soddoneeyo Gaadhin oo labada Gole ee Sharci-Dejinta ku kala jira, dhawr wasiir iyo

Ciidanka Booliska oo ay ku  muquuniso sharci-drrada iyo Dastuur jebinta!! Waa barnaamij Sumcadda Wanaagsan ee Ummaddu Gudo iyo Dibadba samayatey , lagu wiiqayo, Shicibka Somalilandna, lagaga faaiideysto degganaaansho iyo Nabad jaceylkiisa oo hadba  xaalad aan Dastuuri iyo Sharci midnba ahayn , lagu dhabar garaaco, Nabadgelyada ayaa lumeysa, kuwa  sedan lihina,  laftoodu yihiin kuwa luminaya !!

 

Dhacdooyinkii labadan toddobaad ee inna dhaafey, kuna dhacay ogaal, Amarka ama Abaabulka Maamulku, waxay ummadda u sheegayaan in waxan ay Maamul iyaga u adeegaya ay moodayaan, meesha  aanu ku hayn dan qaran ee  ay yihiin koox  ku bahawdey dano gaar ah , si  aynaan fahminna falalkoodu u adeegayaan dano Xuduudeheenna ka baxsan!! Akhristaha  ayaan uga tegayaa in uu isaga laftiisu xallilo cidda ay dhacdooyinkanu u dan ahaayeen, Ma Somaliland Mise Qolyo kale oo aan Dalkan u dhalan?!!

 

 

  1. Golihii Xildhibaannada ee ay Ummaddu sida Xorta ah u soo dooratey ee Xildhibaankii UDUB  Baastooladda ka Mamnuuca ah Golaha  in lala galo , Ula soo baxay ee dhagarta ku sigtey in uu galo, iyada oo Boolis dhoobnaa gateka weyn ee laga galo , Goleyaasha Sharci Dejinta ee uu ku dheggan yahay boodhka weyn ee qeexaya , in hubka aan lala geli Karin, Dib haddaan u yar raacnana, Xildhibaankan oo qabqablaha lixdii Xildhibaan ee Xeer-hoosaadka Golaha dhawrka fadhi lagu ganaaxay, Maamulkuna amray in Boolis hubeysani Gelbis awoodeysan ku fadhiisiyaan Golaha!!? Bulshadii soo dooratey Xildhibaannaduna

Wacdaraha ka dhigtey , difaaca Dastuurka sidii la doonaba loo jiidhey, ee dhimashada iyo dhaawacuba ka dhasheen, Maamulku geystey !!

 

 

  1. Weerarkii  habeen afraadkii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu, shqadii Nabad-Suguidda ee habeen weerarka , isku deyey in uu afduubo 32 Xildhibaan oo Guriga Xildhibaanka  Dr. NacNac  shirk u lahaa , si jeelka loo geeyo looguna wanjalo, Mooshinka Socda  ee Wadhidu ka raacdey, markii raamoolayaashi  haadhka ka hayey Guriga lays waajahay ee ay ku yidhaahdeen , Xildhibaanno Maamuus Diblomaasiyadeed huwan , Askari  maaha kuwa loo soo diraaye , dhiiggiina xun nagala taga , idinka iyo ka idin soo dirayba ambad  baad tihiine !! ee Wasiir Cirro markii  shirka jaraa'id lagu wareystey ku shegey in qabqabashada Xildhibaannadu u suurta geliweydey, Ciidan Beeleed  loo sii dhigey, Booliskuna isku dhac aanay dooneyn ( Illeyn qarsoodi iyo sharci-darro ayuu hawlgalku ahaaaye) . Deegaankan  oo  lala wada socdo  sidii ay Maamulkii Cigaal  isaga hortaageen Sagaal Suldaan oo ay soidan oo kale , isugu deyeen in ay qabtaan , kuwaas oo dab-demis ugu hawlanaa  Dabkii , Dagaallada  Sokeeye ee Wasiirkii Caddaaladda e waqtigaas oo ahaa  Cabdillahi Jawaan oo Deegaanka ahaana shaqadaba isaga casiley. tanina dhacdadii labaad ee Mas'uuliin ka gam'i-waayey ,  Xeeladaha Madhan ee  Maamulku  khasab in uu  ku melmarsado muddo-kordhin aan waxqabad iyo Maamul  shuruucda iyo Dastuurka ku dhaqma ee dano  kale  hadba ku jaah-wareerinayaan Dalka lagaga bedbaadshey Afduub Siyaasadeed oo lagu joojinayey, Dacwadda xaqa ah ee kaga socota Madaxweyne Riyaale iyo Ku-Xigeenkiisa, Golaha Xildhibaannada, dhicisowdayna!!

 

  1. Gacan ka hadalkii Golaha Guurtida ee Dorraad ka dhacay Golaha markii ay       dhawr Xildhibaan oo  UDUB ka socdey , soo jeedin muddo kordhin sannad hor leh oo Riyaale Xilka loo Kordhiyo ay la kaceen !! markii loo sheegey in aan  muddo kordhis dambe dhaceynna , Sidii ay Golaha Xildhibaannada uga dhaqmeen , kana ka bilaabey , halkaas oo xildhibaannadii kale kula kaceen oo labo-laba laysu qabsadey !!

 

  1. Xukuumaddu  Xukunkii Afraad eek ku dhacay beel k mid ah labada beelood ee shaqaaqadu ku dhexmartey Bardaale, qaraarkii ay ka soo saartey in Goobtaasi ay ka ka dhigtey, Goob milateri oo hubka ka caaggan , Ciidankana geysay,  kliya wuxuu ka ahaa Duudsiga Xukunka Beesha loo Xukumey , Ciidankuna hoosaasin looga hoos duso!! Alle ka Baqda oo tuma sacabka ah!! Weerarkii Gaadmada ahaa,

 

Dhimashada Mydkii laga yaacay iyo Dhaawacba iyo qidhimta Maamulku uu kaga aamusan yahay , wax ka sheegga dhacdadani yey dan u tahay ?!!

 

  1. Kala Hadalkii Fayal Cali waraabe ee  ku dhiirri geliyey Xildhibaannada UDUB inay sidii ay sidii dhiggooda Golaha Xildhibaannada yeelaan, muu ahayn wax Sudfd ku yiid ee bal eega  sidii iyo Waqtigii , Mshruuca Diiwaan-gelinta loo soo dhiibey, iyo  sidii uu ahaa sababta , sannadkan dhammaadey loogu kodhiyey xilka Riyaale!! Faysal ma Madaxweyne Xil-Suge ahbaa , mise waa  "catalystka" Siyaasadaha  muddo kordhinta Riyaale!!  UCID ha noolaato, faysalse aqoon  baa ummadda ugu dhiman!!!

 

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed



No comments:

Post a Comment