Monday, September 7, 2009

War-Saxaafadeed: Ururka Somaliland Forum iyo mawqifkiisa....

War-Saxaafadeed: Ururka Somaliland Forum iyo mawqifkiisa ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka soo waajahday

HARGEISA, 7 September 2009 (Somalilandpress) – Ururka Somaliland Forum isaga oo aad uga walaacsan xaaladda siyaasadeed ee la soo daristay Jamhuuriyadda Somaliland iyo muranka ka dhashay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka Madaxweynaha ee foodda inagu soo haya, si weyna uga werwersan ismaandhaafka ka dhex-aloosan, xukuumadda, axsaabta mucaaridka, guddida doorashooyinka ee ku fiday ilaa Golayaasha xeer-dejinta waxa uu halkan ku soo bandhigayaa qodobbo hor-dhac u ah mawqifka uu ururku ka taaganyahay arrimaha la isku maandhaafsanyahay.

1) Ururka Somaliland Forum wuxu aaminsanyahay in dariiqa keliya ee lagu daweyn karo ismaandhaafka siyaasaddu uu yahay sida ku cad dastuurka qaranka Qod.9aad (1) ee qeexaya "Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan".

2) Iyada oo la tixgelinayo qodobkaa dastuuriga ah waxannu ugu baaqaynaa dhinacyada uu khuseeyo muranka aloosan ee ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridku inay miiska wada hadalka deg deg ugu kulmaan, heshiisna ka gaadhaan arrimaha doorashada ee muranku ka taaganyahay.

3) Ururku isaga oo ka duulaya kaalintiisa dhex-dhexaadnimo waxa uu diyaar u yahay inuu ka qayb-qaato dhaqdhaqaaq kasta oo lagu maaraynayo arrinta, waxaanu hawshan u saaray guddi hoosaad dhawaana soo saari doona qoraal ka hadlaya aragtida ururka oo faahfaahsan.

4) Ururku wuxu ugu baaqayaa golayaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka dhexdooda, kaalinta kaga aadanna ka qaataan xaaladda cakiran ee dalku marayo, iyaga oo illoobaya wixii kala qaybinaya, mas'uuliyaddooda dastuuriga ahna sida loogu aaminay u gudanaya.

3) Ururku wuxu ugu baaqayaan Guddida Doorashooyinku inay ka fiirsadaan go'aanka maroorsiga ah ee ay ku gaadheen in la laalo diiwaan-gelintii codbixiyayaasha ee dalka laga hirgeliyay bilowgii sannadkan, habka loo qabanayo doorashadana ay wada-tashi buuxa kala yeeshaan, xukuumadda, xisbiyada mucaaridka, golayaasha xeer-dejinta, Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahannada dalka.

4) Ururku wuxu aaminsanyahay in Diiwaan gelintii dalka laga hirgeliyay bilawgii sannadkani ay ahayd mashruuc qaran oo hawl iyo hanti badani dalka ka gashay, sidaa daraadeed laaliddiisu ay tahay khasaare aan laga soo waaqsan karin. Waxaanuu rumaysannahay in tii oo dhab loogu hawlgalo sidii qaladaadka ku jira loo sixi lahaa ay tahay ta maanta inala gudboon.

5) Si loo helo doorasho gaadhsiisan amma ku dhaw heerka doorashooyinka caalamka ka dhaca ( international standard ), waxaannu rumaysannahay in doorashada oo diiwaan galin lagu galaa ay tahay tallaabo aynu hore ugu qaadayno geeddi socodka dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga aynu higsanayno, isla markaana ay tahay ta ugu dhaw inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ahi.

6) Waxaannu u mahadnaqaynaa, isla markaana dhiirrigelin iyo taageeroba la garab taagannahay inta iskeed isu xilqaantay ee ku jirta waanwaan raadinta iyo isu soo dhawaynta dhinacyada isku haya siyaasadda, ha noqdeen muwaadiniinta Somaliland ee dhexdhexaadinta ku jira, ama ha noqdeen beesha caalamka oo il gaar ah ku eegaysa xal u helidda caqabadaha ku xeeran doorashooyinka Somaliland e.

Waxaannu ku soo gunaanadaynaa warsaxaafadeedka, Somaliland dadaalka dadkeeda ayay kaga soo gudubtay carqlado hore, waxaannu rajaynaynaa in ta maanta taaganna aynu caqli fayow iyo maskax caafimaad qabta ku maarayn doonno, loona hawlgali doono sidii dhakhso loogu dareeri lahaa doorashadii dhawrka jeer dib inooga dhacday.

Gobannimo bilaash maaha.
Ururka Somaliland Forum

____________________________________________________________________________________
About Somaliland Fourm
Somaliland Forum is a non-partisan independent think-tank organization that brings together Somalilanders, mainly in the Diaspora. We believe in a sovereign, prosperous, and independent Somaliland.
Somaliland Forum: SomalilandForum@ somalilandforum. com
Somaliland Forum Website: Webmaster@somalilan dforum.com

1 comment: