Friday, October 23, 2009

Caways Lagu diirsaday dheh Kullankii Hargaysa iyo Walaalaha Ilma Wallan Wal.

Caways Lagu diirsaday dheh Kullankii Hargaysa iyo Walaalaha Ilma Wallan Wal.


Munaasiabad aad u balaadhan oo loogu Magac daray Habeenka Hargeysa ee Hadraawi iyo Hurre, ayaa lagu qabtay Habeenkii Xallay ahaa Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa. Xafladan oo ahayd mid ay si wayn u soo agaasimeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka ah ee Gudgude waxaanay ahayd habeen si gaar ah loogu dabaal dagayay Suugaanta iyo Taariikhda labada Abwaan ee Cismaan Ibraahim Warsame(Hurre) iyo Maxamed Ibrahim Warasame(Hadraawi) .


Ugu Hoarayn waxaa madahshaani Ka  Hadashay Farduus Siciid Dirir oo ku hadlaysay magaca ururka Gudgude Foram oo soo qabanqaabiyay Xafladdan. Taasoo guud ahaanba gacmo-furanku soo dhawaysay ka qaybgalayaasha, martisharafta iyo Abwaannada madasha ku sugnaa. Faahfaahinna ka bixisay shaqada Ururkooda oo Suugaanta wax ka qabta.waxaay Farduus Tidhi"Ururkan waxaanu ugu magac-darnay xarunta badbaadinta iyo madhxinta Suugaanta."

Farduus Siciid, waxay ku dheeraataya calaamadda Ururkan oo ah Koor, iyada oo sheegtay in Geela Koorta loogu xidho si loo maqlo sanqadhiisu, sidaa daraadeedna ay maanta calaamad uga dhigteen urur ahaan si ay dadka ula socodsiiyaan sanqadha iyo halka ay marayso Suugaanta. Farduus waxa ay mahadcelisay Shirkadda Dahabshiil oo Ururka ka taageertay dhinaca dhaqaalaha xafladdan.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ah nin Sugaanta had iyo jeer ururiya waxna ka qora, waxa uu u mahadceliyay Abwaanadan walaalaha ah ee Hurre iyo Hadraawi, isla markaana waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Hurre oo aad uga waramay halka uu ka taagan yahay Suugaanta Soomaaliyeed iyo kaalinta uu kaga jiro

Waxaanu uu Boobe sheegay maadaama ayna caawamadasha joogin wax siyaasiyiina Maxamed rashiid mooyee in caawa uu Dr Maxmaed Rashiid Sh,xasan xidhan yahay Koofiyadii dhaliyarada iyo suugaanata.

Faadumo Siciid oo ah aqoonyahanad reer Somaliland, ayaa sidoo kale xafladdan caawa ka hadashay, isla markaana waxay ku dheeraatay sida Af-Soomaaligu uu shaqsi ahaan iyada ugu ad-adagyahay, hase ahaatee, ay bandhigan caawa kaga qaybqaadanayso Gabay luuqadda Ingiriisida lagu tiriyay oo uu curiyay ama tiriyay Nin Ingiriis ah oo Muslimay, kaasoo nuxurkiisu ahaa awoodaha Illaahay iyo sida ay Aadamuhu Illaahay ugu noqdaan marka ay Masiibiiyinku haleelaan, una ilaabaan wax kasta oo ay awood bidi jireen masiibada ka hor.

Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan oo ahaa siyaasiga kaliya ee bandhig-faneedkaa ka hadlay caawa, waxaanu guud ahaanba u mahadceliyay Ururka xafladan soo qabanqaabiyay, ka qaybgalayaasha iyo Abwaanada bandhiga loo sameeyay.

Waxaanu Dr.Maxamed Rashiid Yidhi:"Caawa waa habeenkii ilma Walanwal (Abwaanada Hurre iyo Hadraawi)."

Waxaa Sidoo kalle Madashaasi Kadlay Abwaan Axmed Awgeedi Aamiin{Dheeraad}. Waxaan u Abwaaan Axmed Ka Xogwaramay  Taariikhda Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame{Hurre}.  
Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo loo yaqaan Hurre Walanwal. Waxaanu sheegay in uu Abwaanku ku dhashay Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar. Waxa kale oo uu tilmaamay in Abwaanka imika ay da'diisu tahay 63 jir oo uu dhashay Dayrtii Hayaan dheer. Abwaan Axmed Aw Geedi waxa uu sheegay in tiriyay Suugaan aad iyo aad u tiro badan isla markaana uu ka soo ciyaaray goobo aad u kaladuwan.  
Abwaan Cismaan Ibrahim Warsame(Hurre) oo isaguna halkaai ka hadlay ayaa aad iyo aad ugu mahadnaqay Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil oo uu sheegay in ay Ummada u qabato adeegyo aad u wanaagsan. Waxa uu Abwaan Hurre sheegay in uu inta badan isagu ku Noolaa Dhulka baadiyaha ah taasina ay keentay in aan Magaciisa la baranmuuqiisana,arag.

Abwaan  Hurre isaoo hadalkii sii wadana waxaa uu yidhi:"Waxaan ku dhashay Magaaladda Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar, taasoo aan ku barbaaray, ilaa 12-jir markii aan ahaana waxaan bilaabay Gabayga, Heesta, Maansada, Geeraarka iyo Ciyaaraha dhaqanka ee Soomaalidu ciyaarto." Ayuu yidhi Hurre Walanwal

Abwaan Hurre waxa bandhigan caawa loo sameeyay isaga iyo walaalkii Hadraawi uu ka tiriyay Gabay la yidhaahdo Falaadh-bidix iyo Geeraar la yidhaahdo Aflahaar. Haddii aynu soo qaadanno nuxurka Gabayga Falaadhbidix waxa uu ka hadlayay dagaaladdii sokeeye ee Somaliland, waxaanu ku saabsanaa laba nin oo wakhti wakhtiyada ka mid ah midkood dhaawacmay muddo saddex cisho ah kii kale dhaawiciisa siday, kuwaas oo xiliyadii dagaaladii sokeeye oo kala beel ahaa ay iyagu dagaal iskaga soo horjeesteen, isla markaana la dilay ninkii saddexda cisho dhaawaca saaxiibkii siday. "Allahayoow Hunguri foqor barkani sharaf xumaa" tuducaas ayaa ka mid ahaa Gabayga Fallaadh-bidix ee Hurre tiriyay 1996-kii isaga oo jooga Magaaladda Jabuuti ee Jamhuuriyadda D-Jabuuti.

Aflahaar waa Geeraar ka hadlaya sida shay waliba uu uga tagay booskii uu ku habboonaa, qof walibana iska bedalay dhaqankii laga rabay, isla markaana waxa uu Geeraarkani ka hadlayaa sida uu Siyaasigu isugu roggay Af-miishaar, sida Abwaanku uga aamusay xaaladdii bulshada, mar uu u abtirsaday ee uu qabiil noqday, marna ay dantu ciishay oo uu qoyskiisii maarayn kari waayay. Waxa kale oo uu ka hadlayaa sida Askarigii darajada lahaa markii ay dawladdii baaba'day uu u noqday qof qabiil ku dhex milma, iskana waayay darajadii uu nolosha ku lahaa. Guud ahaan wuxuu koobsanayaa Siyaasad, Bulsho, Dhaqaale iyo Diin. "Arkayaa maqlayaa, Indha-saabanayaa, hadhawna wuu ololaa" Tuducaas ayaa ka mid ahaa Geeraarka Hurre Walanwal madasha ka tiryay.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) oo sheegay in uu caawa rabo in uu Bulshada u gudbiyo hadal dhaxal gal oo wax tara halkii uu ka qoslin lahaa.

Waxaau yidhi Abwaan Hadraawi: "Waxaanu nahay dad waaweyn, marka aanu goobahan oo kale nimaadno ma qurux-badna sheekooyin ka qoslinaya dadka oo u badan jacayl iyo maaweelo, ee waxa qurux-badan inaannu dadka u jeedinno wax u guntamaya oo dhaxal-gal u noqonaya." Sidaa ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.   

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Hadraawi. "Waxaan caawa halkan ka jeedinayaa Maanso 20 sano meel taallay oo aan u alaa cid aan ujeediyo iyo goob ku munaasib ah oo aan ka jeediyo, waa maansada la yidhaahdo Sirta Nolosha. Taas oo aan tiriyay 1986-kii, waxay ka dambaysay ka dib markii Sahra Rashiid Shheekh Cabdillaahi oo uu dhalay saaxiibkay Rashiid oo aan inta badan Gabayada ku soo halqabsado, ay warqad iigu soo dirtay Annaga oo joogna Magaaladda la yidhaahdo Baaray oo ku taalla Xadka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kiiniya oo Magaaladdaasi kulmiso, halkaas oo aanu dagaal kaga jirnay. Warqadaas oo ay ku taallay, isla markaana Sahri ku codsnaysay maansooyin ayaa i soo gaadhay, ka dibna waxaan ku soo noqday Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay joogeen Qosyka Rashiid Sheekh Cabdillaahi, halkaas ayaanan ka tiriyay Maansada SIRTA NOLOSHA."

Waxaana Baydadka Ugu horeeya ee Maansadani Kamid ah{ Saaxiibkayow heedheSafar baan ka imi dheere,Marka hore salaan diirrranMarka xiga samow heedheHa ka nixin si-dalagtaydaSacab fara-madhnaantaydaSuugaanta yaabkeedaSalka iyo fadhaa keena.Marka xiga sugnaanteedaSocodkiyo falkaa sheega

Xeerkeedu waa saase.Saaxiibkayow heedheAnba saaka qaybteeda

Sirsirraan ka joogaayeXadhiggiyo bal eeg suunkaIyo sabarka gaadiideyIyo salabka ii qaaranIyo suudha guudkaygaHilaygiyo waxaan saabkaU gilgiley Samaw haantaSubag inay ku dhiiqdaayeSaasay ku badisaayeSannad weliba xeeshiiyeKol hadday silloonaatoSamaheedu waa dhiigeSumuc talada loo dhiibyeSida sida sidaas weeye

Si la yeeli jirey weeye.

Qaybtii danbe ee Xaflada ayaa qaar ka mid ah ka soo qayb galayaashu Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo ku Magac dheer Hurre ay Su'aalo la xidhiidha Suugaatiisa ku waydiiyeen. 
Su'aalahaasi oo aad u tiro badnaa waxa ka mid ahaa in uu sharax ka bixiyo baydad ka mid ah gabayadii ay is waydaarsadeen Canbaro Axmed waxaanu dhamaanaba su'aalahaasi uga,jawaabay Si ay kudiir sadeen oo ay ku qanceen.

Dhamaan kasoo qayb galayaashii xafladani ayaa aad ugu riyaaqay madashani.

Wanaa madashii labaad ee muddo  dhawr todobaad ah ka dhacday  magaalada aharagaysa oo aad moodayso in ay kusoo badanaayaa barnaamijyada laga ga ahadlaayo dhaqanaka iyo suugaantu. 

Axmed Maxamed Shaqalle

Xafiiska Murtimaal Ee Hargaysa

MurtimaalHargaysa@hotmail.com

Hargaysa/somaliland

No comments:

Post a Comment