Sunday, October 11, 2009

Laba Wasiiru-dawle oo Xukuumadda ka tirsan oo isku beeniyay Warbaahinta horteeda

Laba Wasiiru-dawle oo Xukuumadda ka tirsan oo isku beeniyay Warbaahinta horteeda

Labada Wasiiru dawle ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda Siciid Maxamed Nuur iyo Caafimaadka Axmed Cali Shire, ayaa shalay isku maan-dhaafay War laga baahiyay Xanuun la soo dersan Wakiilka Faransiiska ee Somaliland Mr. Fagadhe. Kaas oo uu Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeddu sheegay in Mr. Fagadhe dalbaday in Xuquuqdiisa iyo dhaqaalaha loogu xawilo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire oo waqtigaa ku sugnaa Hoolka uu Shirka jaraa'id ku qabanayay Siciid Maxamed Nuur.  "Waxaan Saxaafadda u sheegayaa in Wargeyska Jamhuuriya uu ila soo xidhiidhay habeenimadii Khamiistii oo ay  igu yidhaahdeen, waxa jira eedayn lagu eedaynayo dawlada Somaliland oo la xidhiidha Nin masuul ah oo dawladda ka tirsan oo dayacan oo xaalad xumi hayso, kuna jira Cisbitaal. Waxaan ku idhi, Weriyihii ila soo xidhiidhay waxaan ku idhi, arrintaas waxay ila egtahay arrintaasi dacaayad dad lidi ku ah dawlada Somaliland ay sameeyeen, wax ka jiraana aanu jirin." Ayuu yidhi Siciid Maxamed Nuur oo ka hadlayay Warkan oo uu baahiyay Jamhuuriya iyo sida uu uga jawaabay isagu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaanan ku idhi Wargeyska, haddii aan runta idiin sheego ninkaasi waa nin masuul ah, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe). Waana Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, wuu bukaa, hore ayaa loo qalay oo dawladdu qorshe dhaqaale ayay u samaysay. Qorshahaas dhaqaale bil walba wuxuu leeyahay waxaanu ugu xawilay Baanka Somaliland xaruntiisa Hargeysa, Baanka ayaanu masuul uga dhignay inuu lacagtaasi u  diro. Hase ahaatee, waxaan u sheegay inay arrintaasi bedeshay Warqad uu noo soo diray Fagadhe oo sheegaysay in Lacagtii aanu Wasaarad ahaan u maamuli jirnay uu yidhi lacagtaasi waxaan u soo igmaday oo iiga wakiila oo iiga qaadaya oo ii dabo-gelaya Wasiirul-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire. Markii Jamhuuriya ay I weydiiyeen lacagtaasi inaan tafaasiil ka siiyo, waxaan ku idhi la xidhiidha ciddii uu soo igmaday. Balse, waxa dhibaatada keenay waxa weeye Jamhuuriya ayaa waxay tidhi, Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadu wuxuu nagu yidhi haddii aanu lacagtii Axmed Cali Shire u dirin isagaa lunsaday arrintaasi oo been ah kumanaan odhan arrintaasi."

Dhinaca kalese, Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire oo isna halkaa ku sugnaa, ayaa beeniyay hadalka uu sheegay dhiggiisa Arrimaha dibeddu ee ah in lagu wareejiyay Lacagtii Mr. Fagadhe, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, "Horta, marka hore Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiisku waa nin bukaan ah oo hadda dhakhtar ku jira ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu caafiyo. Maxamuud Saallax Nuur (Fagadhe) wuxuu ka tirsan yahay Wasaarada Arrimaha dibada, mushaharkiisa iyo arrintiisana waxa lagala xidhiidhayaa Wasaarada Arrimaha dibedda. Laakiin waxaan Wasiirka hortiisa ka beeninayaa qoraalkan Jamhuuriya daabacay, oo uu Wasiirul dawluhuna yidhi, sidaasi umaan odhan. Waxaan idiin caddaynayaa inaanu jirin wax lacag ah ama xisaab ah oo marnaba la iigu dhiibay Fagadhe oo gacantayda soo galay horayso iyo dambaysaba. Ma aqaano lacagta Fagadhe qaato ee loo diro. Meel uu lacag ka qaadanayana waligay ma joogin. Waxa dhibaatadu tahay in Wargeyskaasi qoray weydiiya Axmed Cali Shire inuu lacagtii gaadhsiiyay wakiilka iyo inuu leexsaday."

Wasiirul dawlaha caafimaadku wuxuu sheegay in dad badan oo dalka gudahiisa iyo dibadaba kala soo xidhiidhay ay weydiiyeen halkuu mariyay lacagtii Wakiilka Somaliland ee Faransiiska oo ku jira cisbitaal ku yaala Paris. Md. Axmed Cali Shire, wuxuu sheegay in Warqadda Wakaalashada ah ee Fagadhe  aanay ku caddayn xiliga laga bilaabayo iyo xaddiga Lacagtu inta ay tahay midnaba. Labadan Wasiir midna muu sheegin inay dabo galayaan lacagtaasi halkii ay ku dambaysay iyo in wax gaadheen midna.

 

No comments:

Post a Comment