Saturday, October 24, 2009

Madaxweyne Rayaale Oo Cali Asad Xilkii Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Ka Qaaday

October 24, 2009 Madaxweyne Rayaale Oo Cali Asad Xilkii Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Ka Qaaday

Hargaysa-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta Cali Asad ka qaaday xilkii uu hayay ee ahaa badhasaabka gobolka Maroodi-jeex

Xilka qaadista Cali Asad oo maanta soo baxday,ayaa aan lagu sheegin wax eed ah oo xilka lagaga qaaday  balse isla maantaba waxa uu madaxweyne Rayaale xilkaasi u magacaabay Maxamed Cabdi Daa'uud oo dhawaan ku biiray xisbiga UDUB

Madaxweyne Rayaale waxa uu war-saxaafadeedka uu ku soo saaray xilka qaadista Cali Asad ku sheegay inuu uga mahad-naqayo mudadii dheerayd ee ay soo wada shaqaynayeen isagoo ku amray inuu xilka si dhakhso ah ugu wareejiyo masuulka cusub ee uu soo magacaabay

No comments:

Post a Comment