Saturday, October 24, 2009

War Degdeg ah: Golaha Wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Komishanka cusub

War Degdeg ah: Golaha Wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Komishanka cusub 


Hargeysa - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 7-da xubnood ee Guddida cusub ee Doorashada Somaliland oo dhawaan magacaabistooda la dhammaystiray.

Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana ay ka soo xaadireen 65 Mudane, ayaa Golaha lagu soo hordhigay 7-da Xubnood ee Komishanka oo golaha la horkeenay. Waxaanu Guddoomiyuhu ku war geliyay Golaha in cod loo qaadayo ansixintooda. Hase ahaatee, codaynta ka hor waxa la dhegaystay Taariikh-nololeedka iyo sooyaalka taariikheed ee Waxbarasho iyo shaqo ee 7-da xubnood oo mid-mid looga hor akhriyay Golaha.

Intaa ka dib, xubnaha Komishanka cusub ayaa mid kasta fursad loo siiyay in uu Golaha ka hor sheego weedho kooban oo la xidhiidha hawshan. Waxaanay iska wada daba mareen in mid kasta oo ka mid ah uu cadaalad wax ku xukumi doono. Waxaana intaa ka dib, lagu war geliyay Xubnaha cusub ee Komishanka loo magacaabay inay dibedda uga baxaan Hoolka Shirka. Waxaana  la gudo galay  cod-u-qaadista Xubnaha.

Mudanayaasha Golaha oo waqtigaa dhammaa 65 Xubnood, ayaanay jirin cid diiday ama ka aamustay ansixinta toddobadan xubnood, waxaanay dhammaantood isku raaceen in la ansixiyo. Waxaanu Guddoomiyaha Wakiiladu halkaa kaga dhawaaqay in 7-da xubnoodba sidaa ansax ku yihiin, ka dib markii cod loogu qaaday mid-mid.

Magacyada xubnaha cusub ee la ansixiyay:

Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu magacaabay waxay kala yihiin:

1.Maxamed Axmed Xirsi Geele.

2.Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)

3.Faarax Abiib Aadan.

Labda xubnoo d ee golaha guurtidu soo xuleen waxay kala yihiin.

1.Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

2.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

Xubinta uu soo xulay xisbiga Kulmiye waa:

1.Cali-Khadar Xasan Cismaan

Xubinta Xisbiga UCID

2.Cabdifataax Ibraahim Xasan.

No comments:

Post a Comment