Monday, November 23, 2009

Adduunyada Ummad aan Xoogga & Aqoonta Gabdhohooda aan wax moodini , waa innaga, Cilmi ahaan dumarku ka fiiro dheer ragga, laakiin!!


 
Haddii aynu yara baadhanno arkiifiyada Dhaqanka Ummaddeenna, waxa kaaga soo baxaya cajaa'ib garasho oo ku dahsoon Hableheenna aynu dhaqan ahaan ku tirinno ma kasto!! ee aynu talo iyo Go'aan qaadasho midna ugu joojin, waxana hubaal ah in ay ku dhexjiraan qaar nin kasta oo aqoon isbidayaba , fadhiiso odhanaya. Laakiin waxa jirta Saddex arrimood oo aan suuragelin dhaqan ahaan inay dawr wax ku ool ah ka qaataan goleyaasha Siyaasadaha lagu go'aamiyo!!
 
 
Midi waa mid EEbbe oo lagama hadli karo in uu Raggu ka mudan yahay Dumarka wanaagga nololeedna ku jiro in haweenku ragga ka dambeeyo qaddarin ahaan, Eebena innaga war roon. Midina waa dhaqanka soo jireenka ah ee aynu leenahay oo Maxas, magarato iyo wax la mid ahi ay ugu soo jireen, arrinta Saddexaad ee hadheyna , waa iyaga oo isugu wacan in ay ku ekaadaan edeg yar oo dayiq ah oo ama secreteeriyadnimo,
Nurse, Macallimad iyo karraaninimo , wax dumuux  ah oo ka sarreeyana aan isku Hawlin.
 
Maanta oo qarnigii 21aad kaahiisu Dunida wada gaadhey, waxa Gabdhaha Somaliland maanta ka soo burqanaya xirfado cilmi ahaan Carro-Edeg u casr ah , adduunkase ka soo jirey wax badan. Waxa maanta laga helayaa Electronic Engrs. Sales Engrs, Architects,
structural Engrs, IT, system, IT technicians, iyo ka badan, Way ka khajili jireen in ay warbaahinta quuddarreeyaan , maantana inta ugu cad-cadi waa iyaga. Bulsho-weynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa marka aynu aragney sida Maamul-xumadu ay u aafeysey Dalka isha ku haysa in ay Xooggan Dihin ee aan weli Maamul Somaliland si cilmi ah u fiirin arrimohooda u hanweyn in ay Taariikhda doorkan saxaan oo ay ummadda Tusaan in ay Aqoontu tahay inta Qofba Eebe, korreeye Gesho, in aanay aqoontu wax lays amaahiyo iyo Af-qalaad midna ahayn ee ay afafku yihiin marinka laysku af-garto keliya , aqoontuse tahay wax ka duwan. Bal Eega Aabbaha iyo Hooyadu sida ay kala fahmaan ilmo yr oo imka dhashey tabashadiisa!! Aabbo wax kasta oo la cabbo ayuu soo ag-dhigay, kuna deyey, ilmihiise wuu sii ooyey uun, halka ay hooyadii, dhab u gratey waxa uu la ooyayo oo ama qabow ay wax ka huwiso noqdey, ama xanuun dhakhtar loola cararo noqdey, ama wax qaniinaya oo maryaha yaryar u galey noqdey!! Midba wax ku xeldheer sababta ay lamaane ku noqdeenna weeyaan, Xeerka Alle, Midna keligii dhadhan noloshu uma yeelneyso, haddii wax kasta haysto xataa, waayo waa siyaasad Eebbe u doorey aadmiga. Sidoo kalena loo kala faro-dhuudhuuban Hawlaha Maamul ee loo qabanayo qaranka midba Hawsha ku habbon!!. 
 
Maanta oo aynu ka bilaabeyno "Ground Zero " Xagga Maamulka , Madaxweynaha soo socda , waxa la gudboon in uu si aragti qoto dheer leh iyo aragti Mas'uul oo Muddada fog ahna Ubadka Dalka ee Rag iyo Dumarba leh, si qawminimo leh ugu saleeyo dhismaha Maamulka uu dhisi-doono. Dumarka Dalkan u dhasheyna waxaan leeyahay, Edegga yar ee aad isku xidheen iskaga baxa oo la kaalaya aqoonta aad dhab ahaan leedihiin, Cidda ku habboon hawl-gelinteedana horgeeya. Uma maleynayo in Guriga y kuugu imaneyso!!
Ilaahay khayr ha siiyo Hablihii Dalkan ee Ummadaha isa soo dabajoogey, soo koriyey,
kuwaasi oo duruufo qallafsan oo Ummadda soo marey ahaa , qaar aan damqasho, daal iyo is-makeeki midnaba aqoon marka ay timaaddo danta qoyskoodu. haddii aan tusaale yar idin xusuusiyo, laba hablood oo mid ay i aan caadi ahayn u qurux-badneyd ayuu nin guur -doon ahi wada weydiiyey, Saddex su'aalood oo isku mid ah, ahaana: Rag gogoshii, Geel xeradii iyo Garow gasiinkii!!? Jawaabihii ay kala bixiyeen kolley intiinna waaweyni waad garaneysaan in badani, cibro waxay ka joogtaa, intee u gudbisey hablohooda sheekadan?
Haddii aanu Waalidku hablaha wax u sheegin sow internetku wax u sheegi maayo? Goor-dhawna kuma ceebsaaysid ama ku dili maysid !! waxaan rajeynayaa in Waalidku xil iska saaro soo nooleynta dhaqanka aynu fasaxa dheer siinney, innanana kallifey badhax badan oo soo dhex galey , dhaqanka dadka qaarkoodna aad maanta ka qalooneysaan!!
 
Ummadi waa dhaqan iyo Akhlaaq, haddii ay labadaasi lumaanna, iyana la luntay. Dal waa loo dhashaaye , laguma dhasho oo qudha, nafta waxa aad doonto ugu sheekee, laaakiin meesha qudha ee uu qofku qiimihii Alle ku siiyey Dunida ku leeyahay waa dalkiisa oo qudha!! Wey jirtaa in aynu dhaqaale ka dalka yaalla ka badan qurbaha ka hello, waxase aynu ku khamaarney Xorriyaddii Ubadkeennu Dalkiisa ku heli lahaa oo jeel furan oo aan askar lahayn ayey qurbaha ku jiraan, waxa Cadaadis iyo culeys u dheer shaqooyinka y nolol maalmeedka ubad iyo Ehelba ay wax ka taraan haystaa Waalidiinta qurbaha, stresskanna kuma jiri karaan muddo intan ka sii dheer.
 
Innaga oo og Bulshada Dibadda ee Dalkanu inay si ka badbadis ah u guteen xilkoodi qaranka ka saarnaa, haddii ay tahay ololeyn siyaasadeed, adeegyo sameyn iyo dibu dhis dhulba oo aad Magaalooyinkii Dundumooyinka u ekaa markeynu soo galley, maanta la jaan-qaadayaan magaalooyinka Dunida, Hudheelo Dawliya, Gaadiid nooc walba ah, isgaadhsiin Casri ah. Adeegyo Booseed oo Degdegh ah i.w.m ay qabteen, 19ka sano ee
Waxqabadkii Maamulku hurdada dheer ku jirey, Maanta oo Samirkii Qurba-joogga iyo kuwii Guduhuba ay Gabaabsi yihiin, Ummadda kama qabato waxaan isbeddel siyaasadeed oo ka duwan kuwii aynu hore u soo argney ahayn. Waa in aynu Muujinno Kalgacalka iyo abaalka aynu u haynno qurbajooggeenna oo innana illeyd Ummad xadaarad leh ayey nahaye aynu sidii aynu u tusi lahayn in uu reerkii (qarannimadii) loxos tahay, wax walibana u dhan yihiin, Ummadduna garatey danteedii u muujinnaa oo ka muuqan doonta sida Maamulka Cusub loo soo dhisi doono iyo Siyaasadda guud ee Dawladdu qorshaha ay yeelan doonto.
 
Alle ha xafido Reer Somaliland Dal, Dad iyo Hantiba , inta noo maqanna , ikhtiyaarkooda iyaga oo nabad baskbash iyo barwaaqo ku sugan ha noogu soo celiyo marka ay go'aansadaan iyagu. Aamiin. Nabad ku Ciida
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed. 
 



No comments:

Post a Comment