Tuesday, December 29, 2009

Arrinta xubnaha guddida Diiwaangelinta hadalkeedu weli wuu socdaa


"Arrinta xubnaha guddida Diiwaangelinta hadalkeedu weli wuu socdaa. Sababtoo ah…" Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan

Warkamaanta, 29 December,  - Saddexda Xisbi Siyaasi iyo xubnihii hore iyaga uga wakiilka ahaa Guddidii Diiwaangelinta ee la shaqayn jirtay Komishankii hore, ayaa la filayaa inay maanta kulan isugu yimaadaan, ka dib markii uu wada-hadal la xidhiidha xubnahan Axsaabta ku metelayay guddidaasi uu dhex maray Komishanka iyo Axsaabta.

 Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka kula xidhiidhay, ayaa sheegay in kulan ay maanta isugu imanayaan saddexda Xisbi Qaran iyo Xubnihii Axsaabta ku metelayay Guddidii Diiwaangelintu. Waxaanu sheegay in Axsaabta iyo Komishanka cusubi isla soo qaadeen oo ay ka wada-hadleen xubnahan, taasina ay keentay in ay kulankan maanta la qaataan xubnihii ku metelayay Guddidii farsamo ee Diiwaangelinta. "Waa laysla soo qaaday oo weli hadalkeedii wuu socdaa, sababtoo ah habka ay iyagu doonayaan inay hadda wax ku wadaan iyo habka ay qoladii hore ula shaqaynayeen (Guddida diiwaangelintu), ayaa waxa loo baahan yahay in laysla garto doorkooda cusubi wuxuu doqon doono, taas ayaan ogahay, laakiin waxay eryeen iyo waxay Warqad noo soo direen toona kama war hayo." Ayuu yidhi Dr. Maxamed oo u waramay Wargeyska Ogaal, isla markaana daba socday War uu baahiyay mid ka mid ah Wargeysyada dalku, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Komishanka cusubi ay kala direen xubnaha Guddida farsamo ee Diiwaangelinta. Dr. Maxamed-Rashiid wuxuu sheegay in Komishanka cusub iyo Axsaabta Siyaasaddu ay ka wada-hadlayaan Xubnahan guddida farsamo ee Diiwaangelinta iyo hab-shaqayntooda Komishankan cusub. "Dabcan Komishankani way ka duwan yihiin Komishankii hore oo waa Komishan cusub, markaa waxay doonayaan inay wax walba ka fiirsadaan oo ay ogaadaan iyo in ay wax walba Lacagta u hayaan. Aniga oo aan odhanayn sifihii ay markii hore (Guddida Diiwaangelintu) kula joogeen qoladii hore (Komishankii hore) waa qalad, laakiin dooddaasi iyo wada-hadalladaasi way socdaan. Waxaana laga ballansan yahay in saddexda Xisbi wada-tashi ka yeeshaan." Ayuu yidhi.

Mar aanu Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID waydiinay waxyaabaha ay Komishanka cusub isla soo qaadeen ee ku aaddan guddidan farsamo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Waxay nala soo qaadeen oo Komishankani doonayaan in dib loo eego habkii ay qoladii hore (Komishankii hore) kula shaqaynayeen oo ay dib u eegaan Mushaharooyinkii iyo Lacagihii kale oo la nadiifiyo, isla markaana ay eegaan nidaamka ay ku wada shaqaynayaan, iyaga oo la xidhiidhinaysa waxyaabihii lagu heshiiyay, waayo Komishankani waxay ku shaqaynaysaa waa lixdii qodob ee lagu heshiiyay." Waxaanu sheegay in Axsaabta siyaasaddu ay maanta u ballansan yihiin kulan la xidhiidha arrintaas. "Waxaas oo dhan in laysla garto weeye, laakiin ma jirto wax gaadhsiisan guud ahaan qoladaasi inay meesha ka baxaan. Balse, waa laga wada-hadlayaa oo berito (maanta) ayaabay saddexda Xisbi ka wada hadlayaan oo ay la shirayaan xubnihii Axsaabta ka wakiil ahaa ee ku jiray guddidaas (Guddidii Diiwaangelinta)." Ayuu yidhi Dr. Maxamed.

Mar aanu sii waydiinay Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID waxyaabaha ay rasmiyan iyaga gaar ugala hadlayaan xubnihii Xisbiyada ku meteleyay guddidaas, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, "Berito (maanta) waxa la doonayaa in arrintan laga hadlo oo sida ugu habboon ay layskula eego qoladaasi ka wakiilka ahaa Axsaabtu. Aakhirkana waxaanu doonaynaa in aanu Komishanka u sahalno had iyo jeer waxay doonayaan in ay qabtaan oo aanu u fududayno, waana ballantii aanu kala qaadanay. Sababtoo ah, iyaguba ballankii aanu kala qaadanay siday ahayd ayay u wadaan ee ugu quruxda badnayn. Arrintana waa in Axsaabta madaxdeeda iyo raggii nooga Wakiilka ahaa ay ka wada hadlaan, dabadeedna aanay imanin meesha wax laysku hayo iyo wax laysku khilaafsan yahay. Waayo, anagu waxaanu doonaynaa in aanu ka digtoonaano wax carqalad ah oo meesha yimaadda."

Gebogebadii mar aanu Maxamed-Rashiid waydiinay tallaabada ay qaadayaan Xisbi ahaan haddiiba Komishanku dalbado in la bedelo xubnahan, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, "Inkasta oo aananu taa islaba gaadhin, haddii ay soo dhigaan amaba ay waxyaabahaa soo dhigaan waanu isla eegi doona (Xisbi ahaan)."

Source: Ogaal Newspaper

No comments:

Post a Comment