Tuesday, December 29, 2009

Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta UDUB ee Gobolka Awdal oo Xisbigaasi ka Goostay

Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta UDUB ee Gobolka Awdal oo Xisbigaasi ka Goostay

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Awdal ee xisbiga UDUB Mr. Cabdiqaadir Aadan Yuusuf, ayaa sheegay inuu iskaga baxay xisbigii uu xilka ka hayey, kuna biiray KULMIYE.

Cabdiqaadir Aadan Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay shir jaraa'id oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu sheegay inuu qaatay go'aanka uu kaga baxay UDUB, kadib markii uu arkay in siyaasadii xisbigaasi burbur ku yimi, isla markaana taladii xisbigaasi ay maroorsadeen koox haween ahi.

"Waxaan go'aansaday in xisbigii UDUB iskaga baxo, kadib markii ay ii caddaatay in xisbigaasi burbur ku soo fool leeyahay, taladiisiina gacanta u gashay koox haween ah oo ay marwadu hoggaaminayso, waxa ii caddaatay kadib markii hoggaankii aannu dooranay ku fashilmay xukunkii iyo masuuliyaddii qaranka ee ummaddu u dhiibatay, qaabkii dawladduna uu noqday mid wixii la odhan jiray 'Jiif oo Jaq ah,' ee dadku ku dhacmeen ah. Sidaa daraadeed waxay nagu noqotay nusqaan inuu ka sii mid ahaano xisbigaasi, waxaanay noqotay in aannu gebi ahaanba xisbiga ka baxno," ayuu yidhi Cabdiqaadir Aadan Yuusuf.

Mr. Cabdiqaadir waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay iyadu ka dambaysay dilkii foosha xumaa ee bishii toddobaad jidka u dhexeeya Dila iyo Gabiley lagu laalayey afarta nin ee rayidka ahaa, isla markaana aanay daacad ka ahayn inay soo qabato dadkii falkaasi gaystay.

"Falkii lagu dilay afarta muwaadin ee reer Awdal ee aqooyahanka iyo ganacsatada lahaa, gacanta ka dambaysay waxay noqotay mid xukuumaddu wax ku leedahay, waayo waxa lagu fuliyey dirayskii dawladda, gaadiidkii dawladda iyo hubkii dawladda, kuwii fuliyeyna waxay dammaanad ka haystaan dawladda oo iyadaa ilaalisa, mana soo qabanayso," ayuu yidhi Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Awdal ee xisbiga UDUB.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo shirkaas jaraa'id ka qaybgalay, kana mid yihiin Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeen Md. Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee gobollada galbeedka Md. Baashe Cabdi Gaboobe iyo Muj. Axmed Muxumed Madar oo halkaasi hadalo kookooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey masuulkaas sheegay inuu UDUB ka baxay, waxaanay tibaaxeen in arrintani ka mid tahay sida dadku uga quusteen xisbiga talada haya ee UDUB

Xisbiga KULMIYE oo Magacaabay Xil Cusub

Hargeysa (Jam)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa Mr. Cismaan Yuusuf Cismaan u magacaabay xil cusub oo uu soo kordhiyey, kaas oo ah Xoghayaha Xidhiidhka Golayaasha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu sheegay in Mr. Cismaan Yuusuf Cismaan oo ah nin dhallinyaro ah in loo magacaabay Xoghayaha xidhiidhka golayaasha.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sedan:

"Markaan eegay talada hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo baahida ah in la buuxiyo jagada Xoghayaha ee xidhiidhinta Golayaasha, waxaan u magacaabay xilkaas Md. Cusmaan Yuusuf Cusmaan.

Waxaan ka rajaynayaa inaad xilkaas ka soo dhalaali doonto, hoggaanka xisbigana waxaan ka codsanayaa inay gacan ku siiyaan."



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment