Beeneey waa Runtii oo Markhaatigeedii wadata!
Marka jilib cariyo garri
U danbays maxkamad tahay
Maqaawiir ka talisiyo
Xeerbeegti loo madhay
Mudac iyo mudaaccalay
Milladiyo markhaatiga
La miisaamay hadalkaa
Ku cadaysa madal oo
Miidaan ku toosnaa
Waa in lagu maqiiqooy
Kala miirdilaacdee
War xaajadu mug weynaa." Waa suugaan hore oo aan u xigtay arrin cullus. Waa ujeedo aan ka fogeyn garnaqsi qalinku damcay in bulshadu qaado, maaha muran ee waxaan golle keenayaa markhaati cadeeya oo u jidbixiya arrinta aan ka hadlayno marka Akhriste aad dulucdeeda fahamto.
Aan saafo'e, Todobaad-yo kama soo wareegin, markii Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Siciid Cadaani Mooge, soo booday, Is hayn waayey ee uu toos u weeraray Wargeyska Geeska Afrika.
Is Yeel-yeel iyo Agnaanimo mid ay ka ahayd-ba, waxa uu Afhayeenku eray bixin ka arradan Anshaxa Saxaafadda u adeegsaday dagaal qaawan oo uu ku ekeeyay Wargeyskan iyo qorayaashiisa. Waxa sababta dagaalkiisa uu u cuskaday Afhayeenku, war wargeyska ku soo baxay oo sheegayay in safiir ka socda dawladda Masar Socdaal ugu soo jeedo Somaliland oo uu u arko Gobol ka mid ah Soomaaliya, waxa kale oo warka ku xusnaa deeq-faraguudkood ah,(Cad-quudheed) oo dawladda Masar ku soo jidmarisay Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya oo u safraya arragtideeda Goboladdii Waqooyi ee Dalka Soomaaliya.
Warkaasi waa caddaaday, wuu yimi Safiirkii, Hargeyska ayaanu ku sugan-yahay Maanta. Afka dawladda Masar ayaynu ka qaadanaynaa arragtidooda ku waajahan Somaliland , si aan qalinku ugu muuqan mid is difaacaya oo iska fogeynaya eed loo jeediyay.
Waxa la yidhi oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kalla guraaye, aan soo qadimo ka hor haddalka Safiirku jeediyay, difaacii Siciid Caddaani Mooge, si aan Akhriste u barano afhayeenka inoo jooga Madaxtooyadda ummada looga taliyo, waxa uu yidhi, "Wargeyska Geeska Africa waxa indhawayd uu caadaystay in bogiisa hore uu ku soo qoro warar been ah oo dhaawac iyo dhibaato weynba u geysan kara Qaranimada Somaliland.
Waxana ka mid ah maqaaladaasi kii maanta oo taariikhdu tahay 24/11/09 cadadkiisa 813 uu ku baahiyey bogiisa hore kaasi oo uu ku tilmaamay kaalmada dawlada Masaaridu ay u soo dirayso shacbiga Somaliland caawimo cad-quudheed ah, taasi oo meel ka dhac ku ah xidhiidhka fiican ee u dhexeeya labada shacbi ee Somaliland iyo Masaarida. Waxaynu ka warqabnaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada shacbi Somaliland iyo Masaarida u dhexeeya iyadoo illaa hada dalkeena ay joogaan macalimiin Masaari ah oo caruurteena wax barta. Xukuumada Somaliland-na waxa ay gacmo furan ku soo dhawaynaysaa cid Allaale cidii waxtar iyo kaalmo u fidaniysa shacbiga Somaliland ." Intaas ayuu ku furay, waxaana uu raaciyay bilawgaas warsaxaafadeedkiisa oo layaab ahaa in odaygu adeegsaday weedho sidan ahaa. "Haddaba hadalada noocaas ah ee lagu baahinayo wargeys sheeganaya in uu ka soo baxo kuna abtirsado Somaliland miyaanay ahayn Qaran dumisnimo iyo qorayaasha baahinaya wararka nuucaas ah in ay hayso aqoondaro, jaahilnimo iyo mas'uuliyad darro aanay dareensanayn waxyeelada ay u geysanayaa qaranimada Somaliland iyo shacbigoodaba."
Xaasha ka sameyn mayno'e, waa afkiisii iyo erayadii uu ku xardhay qoraalkiisa oo aan laaxin laga jarayn.
Wakiillka uu difaacayaa xalay ayuu Hargeysa shir ja'raa'id ku qabtay, waxa uu ka jawaabay mawqifka dawladiisu ka qabto Qaranimadda Somaliland oo uu tilmaamay inay Soomaaliya u haystaan dal iyo dad midaysan, waxa kale oo uu sheegay in socdaalkiisu ku jahaysnaa Gobol ka mid ah Soomaaliya oo uu u arko inuu ku sugan-yahay waqitagan, hadda Hargeysa ayuu sidaa ka dhex leeyahaye garro.Ambassador Siciid Maxamed Mursa, dhawr goor ayuu ka kacay fahigii, ka dib markii uu hayn waayay su'aalaha la xidhiidha qaddiyadda Somaliland, isagoo qaylinaya ayaanu kacay, balse qadar ka dib wuu soo noqday isagoo weli gurxamaya. "Ugu horeyn, anagu Masar ahaan Soomaliya waxaanu ula macaamilaa shacab kaliya oo uma kala qaadqaado Koonfur iyo waqooyi midna, taasina waa arin xaqiiqo ah. Anigu waxa aan wadankayga u matalaa safiir Soomaliya u jooga, waxaanan la kulmi doonaa dhammaan Soomali oo dhan, umana kala qaadi doono Koonfur iyo waqooyi toona. Anigu Muqdisho oo kaliya wadankayga uma matalo balse Soomali oo dhan." Sidan ayuu yidhi Safiirku waxana uu tilmaamay deeqda Mooge difaacayo dhinaca dawladiisa waxa ay ka tahay, maadaama uu dareensanaa hadal-haynteeda iyo qiimaha ay leedahay. "Maanta (shalay) waxa aan guddoonsiiyay ( Somaliland ) hadyad ka timid shacabka reer Masar, taas oo ahayd 100 tan oo daqiiq ah iyo qadar Saliid ah oo xadigeedu yahay 10,000 litir. dabcan muhiimada hadyadani maaha xadiga ay ka kooban tahay, laakiin macnaheeda waxa aan ku tilmaami karaa waa hadyad fiican oo aanu soo gaadhsiiyay waalahayaga Soomaliyeed,"
Safiirka dawladda Masar ee Soomaaliya, waxa uu u muuqday masuul ka diiqadooday su'aalaha ku aroora Somaliland oo aanu jeclayn inuu ka hadlo maadaama aanu ogoleyn dalkiisu. "Waxa aan idinka codsaday in su'aalaha aad I waydiinaysaan noqdaan kuwo faa'iido leh, mar kale waxa aan idin leeyahay, waxa aan halkan imid aniga oo ah Safiir Soomaliya oo dhan ah mana kala qaadayo Koonfur iyo waqooyi midna. Muhiim maaha magacyo gaar gaar ahi, anagu xidhiidh sokeeye oo taariikhi ah ayaanu la lahayn Soomaaliya,…. Waxa fiicnayd inaad su'aashaas ictiraafka waydiiso safiir ajaanib ah," Sidaas ayuu yidhi.
Ujeeddadu maaha inaynu faaqidno erayadda Safiirkan, laakiin haddii aynu u soo noqono dulucda qormadeenu ka duulayso, waxaynu is weydiinaynaa oo meesha ku jirta, haddii wargeysku tilmaamay in dawladda Masar Somaliland u taqaan Soomaaliya oo safiirkeedii qirsan-yahay markhaatigiina uu furay maanta sidaas kor ku cad, Haddii deeqda ay sido qalinku ku xusay mid quudheed oo aanay gayin Somaliland, Islamarkaana safiirka martida ahi cadeeyay in aanay ahayn deeq oo uu ugu yeedhay Had'yad. Muxuu maantana ku jawaabi oday Mooge.
Ummad ahaan waxa loogu yeedhaa Somaliland dad kala gar-qaata oo is xaal-mariya, sidaa darteed haddii odayga fahamkiisa arrimaha dublamaasiyadu halkaa taagan-yahay oo aanay uga danbeyn, ma awoodaa inuu ka afeefto oo sidii la arki jiray qirto inuu khaladanaa ee aanay mudnayn dawladda Masar in loo jiido dhan aanay u socon, maadaama mawqifkeedu kaa aynu sheegnay yahay.
Mase odhan karraa sidii la arki jiray, "Nin anbaday halkuu aaday
Waa ulla ekoonayde,
Annigoo arkaayaan Jidkii Eergoo maray"
Inta Mooge laga bartay haddii laga qiyaas qaato ka fili mayno geesinimaddaas, sidaas darteed. Guddiga xeerbeegti oo maanta qalinku kuu xushay Akhriste adiga laftaada inaad matasho oo gartan qaado, waxa su'aal kale ah, addigoon dhana u iilana lagu weydiiyay, ma garbaa in Mooge Wargeyska Geeska Afrika Aflagaadada intaa leeg kulla dul kufo iyadoo xaajada laga hadlayaa sidaa u cadahay,?
Ma isaga ayaa Somaliland qaranimaddeeda ka talinaya Moogaha sidaa u hadlayaa, mise Wargeyska ummaddiisa u soo bandhigay xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ah?
Waxaan odhan karaa in hubsiimo la'aan uu u dhawaaqo Mooge waa gartii. waayo, waxa uu ogyahay Madaxtooyadda afkeeda uu ku hadlay oo kulla socota wax kasta oo ummaddan iyo dalkan dhibaato iyo haddimo ku ah, haddii aanay sidaa ahayn maxay illaa maanta uga hadli weyday oo xukuummada looga waayay masuul yidhaahda addiga ayaa qaran dumis ah Moogowe dib u fadhiiso oo difaaca indha-adayga ah ee wax aanad ogeyn aad iskaga taageerayso ka fiirso.
Xattaa haddii la mu'aamaradeeyay oo xadhkihii iyo dabinaddii sirdoonka uu madaxa kulla jiro, marka arrintu fashilanto sidii shaydaanka ayaa lagaga bixi lahaa, sida dhaqanka nabad-sugidu ina baray, laakiin arrintu ka sino'weyn is moodsiis iyo Massar difaaceed. Si kale, haddii aan u dhigno, waxa arrintu u muuqanaysaa in Warsaxaafadeedka Mooge kashifay dareeno qarsoon oo ka jira Madaxtooyadda Somaliland.
Laakiin, waxa taas loo daynayaa shacbiga Somaliland oo jawaabta ay ka bixiyaan lagu ogaan doono waqtiga doorashadda Madaxtooyadda haddiiba ay dhacdo, markaas oo la filayo inay u kala garqaadaan xisbiyada tartamaya.
Qalinku ku sii fogaan maayo faaqidaadan guud marka ah, waayo, waxa uu ku kalsoon-yahay sheekaddan is fasirtay,
Moogana waxaynu ku dhaafaynaa Gabaygii Qaasim ee Baaxadda tilmaanta u ahaa.
"Mar uun inay
Badweyn kaga tagaan
Labada Beenaalle
Oo Huudhe kaga soo baxaan
Waa u balamayeene
Ma Bad-buu ku hadhay
Waa halkii Ugu Balaadhneyde
Ha Baaxaa dagooy
Sheekha Waa Balanbal-kiisiiye"
Wargeyska Geeska Afrika.
No comments:
Post a Comment