Madaxweyne Rayaale oo la kulmay Safiir dafiray jiritaanka Qaranimada Somaliland
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxweynuhu ka soo saaray kulankaa labada dhinac, Madaxweyne Rayaale waxa uu weftiga Masaarida u caddeeyay in Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay wadamada Carbeed iskaashi kala yeeshaan arrimaha Budhcad-baddeeda iyo Argagixisada. Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu waxa uu u dhignaa sidan; "Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda dalka Masaarida oo uu hogaaminayo danjiraha Dawlada Masaarida u qaabilsan arrimaha Somalida iyo Somiland Ambassador Saciid M. Morsy oo fadhisgiisu yahay magaalada Nayroobi caasimada dalka Kiiniya.
Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale kaahin oo hadal kooban u jeediyey weftiga waxa uu ka dhawaajiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee waligiiba ka dhexeeyey Somaliland iyo dalka Masaarida iyadoo waligeedba Masaaridu ay ummada Somaliland ka taageeri jirtay dhinaca Waxbarashada, iyadoo ilaa imikana ay macalimiin Masaari ahi ay wax ka dhigaan dugisyada iyo madaarista Somaliland.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta waxa uu soo qaatay socdaaladii uu ku tegay dhawr waddan oo ay ka mid yihiin Yemen, Imaaraatka Carabta (UAE) iyo dalka Kuwayt isaga oo carabaabay in ay lagamamaarmaan tahay in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta.
Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi " Anagu diyaar baan u nahay in walaalahayo carbeed aanu wax la qabsanno isla markaana aanu iska kaashano waxyaabaha mandaqada ku soo kordhay oo ay ka mid yihiin budhcad Badeedka iyo Argagixisada."
Danjiraha Dawladda Masaarida mudane Ambassador Saciid waxa uu isaguna kulankaasi uu ka sheegay in dawlada Masaaridu ay diyaar u tahay in waddanka Somaliland ay ka caawiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin kor u qaadida Waxbarashada iyo meelaha kale ee baahiyuhu ay ka jiraanba.
Ambassadorku waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo weftigiisuba ay ku faraxsan yihiiin soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen xukuumada iyo shacbiga Somaliland intii ay dalka ku sugnaayeen, waxana uu intaa raaciyey in xukuumada Masaarida iyo madaxweynahageeba uu gaadhsiin doono fariinta qaaliga ah ee madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayale Kaahin uu u gudbiyey iyo arrimihii ay ka wada hadleenba."
Safiirkan oo habeen hore u waramay qaar ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah ee dalka, waxa uu inkiray jiritaanka qaranimada Somaliland, wuxuuna sheegay in socdaalkiisa Hargeysa yahay safar uu ku joogo meel ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana aanay dawladdiisu Soomaalida u kala qaaad-qaadaynin wax uu ugu yeedhay Koonfur iyo Waqooyi, balse ay Soomaaliya mid uun tahay.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment