Hargeysa (Somaliland.Org)- Koox Dhalinyaro ah ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay waxyeelo gaadhsiiyay Qubuuro ku duleedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Yuusuf Ciise Ducaale oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo oo uu xalay khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo cusub oo ku soo kordhay gobolka Sanaag iyo xog ay ka heleen warbixin ay bixiyeen xubno madaxda Al-Shabaab ka tirsanaa oo dhawaan isu dhiibay dawladda TFG ee Shariif Sh. Axmed. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
S: Wasiir, waxa na soo gaadhay warar sheegaya in la isku dayay in la burburiyo Qabriga Muuse Ismaaciil, arrintaa maxaa ka jira?
Talaabo: Arrintu baadhis Boolis bay ku jirtaa, laakiin waa la tegay oo Calamadii baa laga burburiyay, saddex Qabri baana la tegay.
S: Calamada laga burburiyay maxay ahaayeen?
Talaabo: Waxa ka taagnaa Birro waawayn oo Calamada loo sudho, si loo garto. Markaa Calamadii Tawxiidku ku qornaa ee Qabriyadaa ka taagnaa ayaa iyaga iyagii iyo Birrihii ay ka taagnaayeenba la jajebiyay – Calamadii waa la qaatay, Birrihiina waa la riday. Qubuuraha laftooda qaarkood waa la yara taataabtay oo wax badan lama yeelin, laakiin waa la isku dayay in la qodo, cidda waxaa sameeyayna waa Dhalinyaro yaryar oo nin gaadhi ku siday baa la yidhi. Dabadeedna, arrinkii Booliska ayaanu u diray oo waxaanu nidhi baadhis halagu sameeyo, waayo tuhuno badan oo Al-Shabaab iyo afcaashooda ah baa dhulkan soo galay, markaa bal inay la xidhiidho iyo inkale ayaanu baadhaynaa. Dhaqdhaqaaq fara badan baanu dareenay oo aan weli noo wada caddayn.
S: Wasiir, yaa loo malaynayaa inay arrintaa ka dambaysay?
Talaabo: Waxay ku jirtaa baadhis. Waa la garanayaa dadkii meesha yimi (Qubuuraha).
S: Ma jirtaa cid loo qabtay arrintaa?
Talaabo: Mayee Bilayska ayaanu u diray oo waxaanu nidhi 'wejigaa iyo wejiyadeeda kaleba, dareen badan baa nagu jiree bal wejiyo kalena baadha.'
S: Dhalinyarada aad sheegtay inay waxyeeleeyeen Qubuuraha, imisa qof bay tiradoodu ahayd?
Talaabo: 11 qof.
S: Markaa hal qofna lagama hayo miyaa?
Talaabo: Waa la wada garanayaa, laakiin waxa la baadhayaa duruufahaa intaa ka badan oo aan Qabriyada oo qudha ahayne, wejiyo ka badan baanu baadhaynaa. Arrintu baadhis bay weli ku jirtaa, maanu garan waayin ashkhaastii meesha tagtay…Caruur baabay kuwani u badan yihiin – tobanku waa Caruur arday ah, balse ninka gaadhiga waday baa nin wayn ah, wuxuna meel kuma wada yaalaane saddex meelood bay ku kala yaalaan oo saddexdaba waa la isu maray.
S: Ma Qabriga Muuse Ismaaciil baa saddex meelood ku kala yaala?
Talaabo: Mayee Qabriyadu waa isaga (Muuse Ismaaciil) iyo laba Mataan oo Ciidagale ah. Labada Mataan Qubuurahooda ayaa kala sareeya oo midba Buurta dhinac kaga yaalaa, kuligoodna saddexdaba waa la isu maray. Labadan Mataan waa ilma Daauud, waxaana la kala yidhaahdaa Mataan-ka Cas iyo Mataanka madow, Daauudna (Ciidagale) Dayaxxa meel la yidhaahdo ayuu ku aasan yahay.
S: Qubuurahan la isku dayay in la waxyeeleeyo intee ayay Ceerigaabo u jiraan?
Talaabo: …Waa buurtaa magaalada ku soo jeeda ee u soo muuqata ee dhinaca Waqooyi.
S: Waxa la sheegay inaad amartay in gaadh laga qabto Qabrigii Sheekh Isaxaaq, sow sidaa maaha?
Talaabo: Haa – isagana (Qabriga) kuwo kale ayaa tegay imika ka hor, waxayna odayaasha ilaaliya ku yidhaahdeen, 'maxaa meesan ka-macno ah oo aad ka qabanaysaan? Anagu aanu shaqooyin idin siinee, iskaga taga.' Markaa hadda Askar Ciidanka Badda ah baanu dhignay oo si joogto ah u joogaysa oo imika laga bilaabo Raashinka iyo Mushaharka ku qaadanaysa, kuwana imika cid baanu u samaynaynaa.
S: Arrinta isku-dayga burburinta Qabrigu goormay dhacday?
Talaabo: Waxay dhacday Arbacadii.
S: Nimanka hore ee aad sheegtay inay Qabriga Sh. Isxaaq tageen, iyaga raadkoodii ma hesheen?
Talaabo: Muddo ka hor bay yimaadeen, lamana garanayo oo niman maalin u yimi oo ka tegay bay ahaayeen.
Waxa kale oo aanu dareensanahay sahan Buuraha ah oo aad moodo dhulka qaarkii in la rabo in la dego.
S: Yaa doonaya inay degaan oo sahansanaya?
Talaabo: Waxaad moodaa ururadaa imika farta lagu fiiqayaa (Al-Shabaab), ayaa lagu tilmaamayaa sahamo Buuraha maray. Laasqoray oo kale bari dhexdaas ah intay nin ka kaxaysteen bay yidhaahdeen dhul Buuraha ka mid ah na tus oo Badhan ku beegan, markii la tegayna (halkay doonayeen) way ka tageen, qofkiina wadayna intay wadadii keeneen bay yidhaahdeen 'boqolkaa Doolar ($ 100) qaado oo iska noqo.' Dabadeedna Buurtii bay ka soo baxeen, Badhan baanu qabanaynaa bay yidhaahdeen, Badhan-na may marina intii aanay soo gaadhin bay halkaa Barri ka qabteen. Markaa sahamo badan oo noocaas ah iyo sheekooyin badan baa la dareensan yahay inay ku soo biireen dhulka.
S: Markaa ma Qubuuraha ayay sahaminayaan?
Talaabo: Mayee, kuwaasi Qubuuroba uma jeedaan, waxaanad moodaa inay Saldhigyo Buuraha ah sahaminayaan oo ay Buuraleyda ka sahaminayaan in Saldhig laga dhigto. Kuwo kale oo kuwaa u egna dhulkan baa lagu arkayoo, dareen badan baa jira.
S: Burburinta Qubuuruhu waa dhaqan Al-Shabaab oo meelo badan oo Soomaaliya ah ka dumiyay Qabriyo hore, markaa ma dareen ah inay gobolkaa Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo ee aad hadda joogto soo galeen baa jira?
Talaabo: Waa dhaqan Al-Shabaab….Nimankii maalintii dhawayd u soo galay Shariif-ka, warbixinta ay bixiyeen waxay ahayd; 'Somaliland waxaanu ugu xoog badanahay Burco iyo Ceerigaabo'
S: Waa kuwee nimanka aad leedaha warbixin noocaas ah bay bixiyeen?
Talaabo: Nimankii madaxda ahaa ee Shariif-ka isu soo dhiibay ee Al-Shabaab….
S: Yuusufow, ninka dawladda Shariif-ka isu dhiibay ee Al-Shabaab kasoo gootsy, weli warbixinta noocaas ah warbaahinta may siinin oo lagama maqal?
Talaabo: Annagu war baanu haynaa, habeen saddexaadna waa kii nin iska dhiibay Jawhar. Annagu warar ku filan waanu haynaa, ilayn siyaasada ayaanu ka shaqaynaaye. Markaa warbixintoodii war baanu ka helay, sidaana war baanu ku haynay, muddooyinkana dhulkayagan (gobolka Sanaag) Qubuurahaa ku badanoo, dadku waa u fiirsanayay, dhaqdhaqaaq intii hore ka badana waanu ka dareenahay oo socod Wadaadood ah….
Xigasho: Wargeyska Ogaal
No comments:
Post a Comment