Saturday, December 5, 2009

Sidee Hoggaamiyayaasha Somaliland uga hadleen Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho?

Sidee Hoggaamiyayaasha Somaliland uga hadleen Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho?

Sabti, 5 December 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Hoggaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID iyo sidoo kale Aqoonka Somaliland, ayaa ka hadlay Qaraxyadii Khamiistii lagu gumaaday Suxufiyiinta, Aqoonyahanka, Ardayda iyo Wasiirada ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa saameeyay oo laga dareemay guud ahaan Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa. waxaanay dadku ka muujiyeen dareeno murugo xambaarsan. "Inkasta oo ay Somaliland-ba hore uga dhaceen Weeraro noocan ah oo lala beegsaday saddex goobood oo lagu doonayay in lagu dilo Madaxweynaha, haddana Masiibadan ka dhacday Muqdisho waxay kaga duwan tahay in lala beegsaday Ubaxii iyo Aqoontii Umadda Soomaaliyeed u soo baxaysay." Sidaa waxa HOL u sheegay Maxamuud Cismaan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo aragtidiisa ka dhiibanayay Qaraxyadan Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Hoggaan Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay Qaraxyadaas oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo cadaawadeed. "Haddii aanu nahay xisbiga UCID iyo dabcan dadka reer Somalilandba, waxaanu aad iyo aad uga xunahay wixii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waanu cambaaraynaynaa falkaa, waxaananu tacsidaynaynaa dadkii halkaa ku geeriyooday ee ardayda, Macalimiinta, Suxufiyiinta iyo dadka kaleba isugu jiray," sidaa waxa yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xassan Guulleed, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Waxaanu cambaaraynaynaa dadka arrintaa tiiraanyada leh geystay."

Dhinaca kale, waxa Qaraxyadan ka hadlay  Abwaan/Proffesor Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) oo ku hadlay Afka Jaamacadaha Hargeysa iyo Cammuud oo uu wax ka dhigo. "Waa wax la yaab leh, wixii soo socday inuu gaadho ilaa heer ah inuu ka xishoo waayo oo qadariyo waayo arday intaas oo sannadood lagu soo tabcayay oo la gaadhay maalintii ay Shahaahadooda qaadan lahaayeen oo waalidkoodii ku soo tabcayay ay ku hor xasuuqaan, waxaanan leeyahay waa cadownimada heerka ugu xun ee aan garan karo. Markuu cadowgu gaadho inuu tiigsado, haddaad doonayso inaad nin disho oo aad la colowdo, waxa jira meelo laga eegto. Bani-aadamku hadduu birma-geydoba yeelan waayo oo uu odhan waayo, 'qofkii aan doonayay arday buu iga dhexgalay iyo Masaajid buu iga galay, hadduu intaa odhan waayo wax Diin ah oo u hadhay garan maayo" ayuu yidhi Prof. Gaarriye oo xalay u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.  Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Waxa la igu leeyahay shalay (dorraad) cidda waxan geysatay waxay xidhnayd Xijaab. Wixii Islaamku ugu talogalay Niqaamka iyo Xijaabka, waxaad arkaysaa in laga leexiyay. Markaa waxaan leeyahay Wadaadada, fadwo ka soo saara sidan loo isticmaalayo Niqaamka. Waxaan leeyahay, Caruurtaa qarxaysa ee la majaro-habaabinayo mid waliba guri buu ka soo toosaa oo reer buu leeyahaye, maxaad u qabsan waydeen Caruurtiina? Caruurtiinan ragu isticmaalayo ee sidii Bamka ku qarxaya iyagoon qiimaynayn meesha ay ku qarxayaan….Shicibka reer Muqdisho waxaan leeyahay, badhkiin baa ku jira, ubadkiinii baa ku jira – guryihiina ayay ka soo toosaan. Waalidka waxaas wax ka qaban waayaa waa Waalid baaqday."

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment