Monday, December 28, 2009

Guddida joogtada ah ee Guurtida oo ku baaqay in la ciqaabo xubno ka qayb-galay Shirkii Jabuuti

Guddida joogtada ah ee Guurtida oo ku baaqay in la ciqaabo xubno ka qayb-galay Shirkii Jabuuti

Guddidan ayaa fadhigii maanta ee Golaha ka soo jeedisay in ay Golaha ka hor-akhriyaan Warbixintoodii, hase ahaatee, ku-simaha guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-xigeenka Guurtida Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa ka dalbaday inay guddidu Mudanayaasha u qaybiso. "Waar waanu ka war qabnaa xubnaha ka qayb-galay Shirkii Jabuuti ee qoraalka Warbixinta qaybiya, anaga ayaa akhrisane." Sidaa waxa yidhi Sh. Furre oo ka jawaabayay dalab ka soo yeedhay mid ka mid ah Mudanayaasha guddida joogtada ah.

Warbixinta ay fadhigii maanta ee Golaha Guddida loo qaybiyay oo ay wada-jir ugu saxeexnaayeen Guddoomiyaha guddidaas Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) iyo Xoghayaha guddidaas Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa guddidani kaga hadleen Siyaasadaha arrimaha dibedda iyo gudaha, kuwaas oo ay qaarkood qodob-qodob u kala qaadeen.

Guddidan ayaa golaha Guurtida ugu baaqay in tallaabo laga qaado xubno ka qayb-galay shir bilihii la soo dhaafay ka dhacay Jabuuti oo ay ka qayb galeen xubno ka kala socday gobollada Soomaaliya. "Muddadii Guddidu fadhiday waxa dhacday in xubno ka tirsan Goluhu ay si aan sharciga waafaqsanayn oo ka hor imanaya Xeer-hoosaadka Golaha, Dastuurka iyo go'aankii labada Gole (Guurtida iyo Wakiilada) ay ku tageen Shir lagu qabtay Jabuuti oo ay ku kulmayeen xubno ka tirsan Dalka Soomaaliya ooh ore go'aanka labada Gole Baarlmaan uga soo saareen." Ayaa lagu yidhi Warbixinta guddidan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Sidaa darteed, guddi joogto ahaan anaga oo hore u cambaaraynay, waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa in xubnahaas sida sharcigu dhigayo (Go'aanka labada gole Baarlamaan) lagu qaado, taas oo dawo ka ah cid kasta oo ku kacda falkaas in lagu ciqaabo, sidii horeba loogu ciqaabay dadkii ku kacay falkaas. Haddii kale, go'aankaasi wuxuu noqonayaa mid buray oo Golayaashu iyagii baabi'iyeen, ciqaabta cid kale lagu ciqaabaana waxay noqonaysaa dulmi."

Dhinaca kale, Warbixintan waxay guddida joogta ah ee Guurtidu waxya ku sheegeen in ka dib markii ay la kulmeen Dalladda Haweenka Somaliland ee NAGAAD ay soo jeedinayaan in Goluhu ka hawl-galo sidii arrimaha haweenka wax looga qaban lahaa. "Gaar ahaan waxaanu soo jeedinaynaa in laga hawl-galo awoodda ka-qayb-galka doorka Siyaasadeed ee dalka iyo in kaabid lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka ee Xeer N.20/2001." Ayaa lagu yidhi Warbixintaas.

Somaliland.Org

No comments:

Post a Comment