Monday, December 28, 2009

TACSI: MARXUUM MAXAMUUD SAALAX NUUR

?ui=2&view=att&th=125d766ae5f7cf1e&attid=0.1&disp=attd&realattid=ii_125d766ae5f7cf1e&zw

Anigoo ku hadlaaya magaca Somaliland Democracy Shield waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalada Sool iyo Sanaag ee uu ka soo jeeday.

Alle ha u naxariistee MARXUUM MAXAMUUD SAALAX NUUR (FAGADHE), Safiirka Somaliland ee Frans waxuu ku dhintay magaalada Paris 27/12/2009 isagoo muddo isbitaal ku jiray.

MARXUUM MAXAMUUD SAALAX NUUR, waxuu ahaa aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeeyey safaradihii Soomaliya, waxuu ahaa Wasiirks arrimaha debedda ee Soomaliland dawladdii Cigaal. Waxuu Muddo dheer ahaa Guddoomiye xigeenka 1aad ee KULMIYE, isagoo hawshaas ka fadhiisatay kal hore dabadeedna loo magacaabay Safiirka Soomaliland ee Frans.

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Axmed Carwo
President
Somaliland Democracy Shield

Cardiff UK


No comments:

Post a Comment