Lughaya-(Lug)-Guddoomiyihii hore ee degmada Lughaya Maxamad Jaamac Diiriye ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, kadib markii uu sida uu hadalka u dhigey ka quustey xisbiga haya hoggaanka Somali Land ee UDUB.

guddoomiye-maxamad-jaamac-diiriye.jpg
     Guddoomiyihii Hore Ee Lughaya Maxamad Jaamac

Guddoomiye Maxamad Jaamac Diiriye waxa uu sheegey isaga oo Lughaya news uga warramaya sobobobaha uu uga diga rogtey xisbiga UDUB: xisbigan talada haya waxa uu noqdey mid la hadhey dalka, wuxuuna dib ugu soo celiyey Somali land heerkii ay taagneyd muddo haatan laga joogo 18 sannadood, citiraafkii loo heelanaana wuu libdhay kadib markii ay qarannimo iyo qabiil isku milmeen.

Mar aannu wax ka waydiinney habkii looga wareejiyey xilkii Guddoomiyennimada degmada Lughaya ayaa waxa uu sheegey Maxamad in hab aan sharci ahayn loo kala direy golihii deegaanka Lughaya, kadib markii la soo macmalay hoggaamiye maxalli ah loona dhiibey hoggaanka Lughaya, waxaana arrin lala yaabo noqotey buu yidhi in tallaabadaasi afgenbiga ah la waayey iney wasaaraddii arrimaha gudaha Somali Land wax ka qabato.

Maxamad waxa kale oo uu yidhi: shirqool qabyaaladeysan baa la ii maleegey, xannibaad dhinaca dhaqaalaha ah ayaa dowladdii hoose ee Lughaya lagu soo rogey, dhammaan dadkii deganaa magaalada oo u badnaa hal qabiil ayaa ku tashaday iney soo afjaraan wada shaqayntii ka dhaxaysey iyaga iyo maamulka degmada, waxaana ololahaasi dowaladda dhexe ugu jirey masuuliyiin u dhashey magaalada Lughaya oo dadkooda ku raacay in sharciga lagu tunto, daymo badan oo dowladda hoose lagu lahaa waxaa qasab noqotey inaan jeebkeyga ka dabbaro kadib markii la I afgenbiyey.

Maxamad Jaamac waxa uu sheegey in arrintaasi ay cirka isku shareertey markii lagu dhawaaqey degmada Garbo-Dadar oo hore uga tirsanaan jirtey Degmadan Lughaya.

Mar aannu waydiinney in mucaaradnimadiisu ka dhalatey cadhada uu Lughaya ka qaadey iyo in kale ayaa waxa uu Maxamad Jaamac sheegey in uu muddo badan ka fiirsanayay masiirkiisa siyaasadeed islamarkaana uu diraaseeyey aragtiyaha axsaabata dalka ka jira oo dhan deedna uu arkey sida uu hadalka u dhigey inuu xisbiga KULMIYE yahay midka kaliya ee maanta dalkan badbaadin kara, soona nooleyn kara rajadii citiraafka ee ragaadey.

Maxamad waxa kale oo uu sheegey inayna waxa wada hadallo ahi dhex marin isaga iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, balse uu isagu ku qancay hannaanka xisbigaasi, islamarkaana uu go`aansadey in ay isaga iyo shacbiyaddiisuba halkaasi iska xaadiriyaan.

Wuxuu yidhi: ma jiraan wada hadallo iyo shukaansi siyaasadeed oo na dhex maray aniga iyo madaxda Kulmiye, balse haddii isku aragti la yahay dadka waa la isaga dhawyahay, wada hadallana kolley ma baaqan doonaan.

Sida laga warqabo golihii deegaanka degmada Lughaya ayaa la kala direy xilli haatan laga joogo ku dhawaad 7 bilood, kadib markii ay dadwaynaha reer Lughayaad diideen iney la shaqeeyaan golahaasi, waxaana loo magcaabey degmadaasi ninka la yidhaa Baxsane Siciid Aye, iyada oo ayna degmadu illaa haatan laheyn gole deegaan oo shaqeeya.

Zakariye Xuseen-Quulle
Lughaya news-Lughaya

http://lughaya.com/2009/12/04/guddoomiyihii-hore-ee-deg-lughaya-maxamad-j-diiriye-oo-kulmiye-ku-biiray/