Madaxweyne Rayaale oo Murashaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ah ku Sifeeyey Inay Yihiin Rag Maan-gaab ah oo Caqligoodu Hooseeyo "Waalidiinta waxaan leeyahay labana isku heli maysaan, inaad marka hore carruurtiina doonta raac tidhaahdan, marka dambena halka ka baroortaan" Md. Daahir Rayaale Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa murashaxiinta xisbiyada mucaaridka ah ku sifeeyey inay yihiin rag maan-gaab ah oo caqligoodu hooseeyo, islaaamarkaana ku hadaaqa wax fadeexad iyo sharaf dhac ku ah Somaliland. Md. Rayaale oo shalay waraysi siiyey laanta AF Soomaaliga idaacadda VOA-da, waxa uu kaga hadlay dilka taliyihii qaybta 12aad ee ciidammada qaranka Somaliland oo falal argagixiso lagu dilay isaga oo wakhtigaa ku sugnaa magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool. Waraysiga madaxweyne Rayaale oo faahfaahsanina waxa uu u dhacay sidan, isaga oo marka hore ka jawaabaya su'aal la waydiiyey oo ahayd waxa uu rajaynayo sannadkan cusub ee 2010. Jawaab: Horta waxaan rajaynayaa inay doorasho xor oo xalaal ahi inoo dhacdo, in nidnimada ummaddani sii jirto. S: Sannadkaa 2009 mid noocee ah ayaad ku tilmaami kartaa inuu Somaliland u ahaa? J: Wallaahi sannad iska turunturo badan ayuu iska ahaa, laakiin Al-xamdulillaah haddaanu ka soo gudubnay, adduunka nagu hareeraysan dhibaatooyin badan ayaa ka dhaca, waxaan odhan karaa annagaa ugu dhib yarayn waxyaabo badani ha iska jiraane, waxaan Illaahay ka rajaynaa in aannu muran dambe oo siyaasi ah nagu soo celin. S: Ma kula tahay in sannadkan 2009-ka in lagaga xasuusan karo sannadkii ay doorashadu dhowrka jeer dib u dhacday? J: Waa run taasi been maaha, laakiin maxaa dib u dhacay baa taal, nidaam diiwaangelin la yidhaa oo cusub ayaanu qaadanay, waxaanna ka soo baxay khaladaad, taas oo sabab u ahaayeen dad ku noqnoqday, kaantaroolkii qolooyinkii maamulayey oo xumaaday iyo qayb ay lahaayeen beesha caalamku, laakiin siday rag badan u sheegaan maaha oo dawladdu dib iskaga dhigaysay maahee, haddaan doorasho dib u dhigayo markii u horreysay ayaan u dhigi lahaa. Wararkay ku badan tahay Madaxweynahaa dib-u-dhigay, dawladda qaban wayday, xaqaa'iqse way ka fog yihiin wararkaas. S: Madaxweyne, inkasta oo khuburo gacanta ku hayaan serverka, haddana tuhun weyn ka qaba inay taasi siday wax ku soo bixi kara, arrintaasi siday kuula muuqataa? J: Horta in aynu wax wanaagsan rajayno ayaa fiican oo anigu waxaan ahay dadka waxa fiican rajeeya, wax ugu wanaagsan oo doorasho lagu galaana inuu ka soo baxo ayaan rajaynayaa, qolada khubarada ee noo sameynaysa waxaan ka rajaynayaa, adduunku inta badan waxa uu sheegaa inay doorasho one man vote dhacdo, farsamo ahaan iyagaa gacanta ku haya, si ay natiijada ay soo saaranna u noqoto mid sax ah oo lagu dagaal gali karo. S; Inkasta oo natiijada ku dhawaaqista u taallo Komishanka Doorashooyinka, haddana hadday taada noqoto, waqtigee baad jeclaan lahayd inay qabsoonto? J: Diyaar uma ihi, maadaama Komishanka sharcigu siinayo, laakiin waqtiga ugu horreeyo ee suurtogalka ah inay ku dhacdo ayaan rajaynayaa. S: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo toddobaadkan horraantiisii aannu waraysaynay waxa uu ku tilmaamay halista ka imanaysa ururrada Al-shabaab iyo Al-qaacida aanay ku koobnaan doonin, haddii ay ku guuleystaan Soomaaliya, oo Puntland waxa ka dhacaya bilow u yihiin oo Somaliland uu sheegay inay ku soo fool leeyihiin, werwer intee le'eg ayaad ka qabtaa, maadaama ay idin ku dhaceen weeraro 2008-dii aakhirkiisii? J: Horta madaxtooyadaydii baa la isku qarxiyey, annagana wax nagu cusub maaha warkaa uu Cabdillaahi sheegay, waxayna bilaabtay 2003-dii, macallimiin, dhakhaatiir iyo hay'ado ayaa lagu dilay oo dad badan ayaa u xidhan, dad xukun ku riday Somaliland ayaa jirtay, annaguna ma moogin argagixisada, mid meel qudha fadhida maaha, waa dad bani'aadamnida la dagaalamaya weeyaan, annaga iyo shacabkayaguna dhinac baan uga soo wada jeednaa, wixii dhacana wixii aannu kaga jawaabayno ayaanu kaga jawaabi. S: Wixii ka dhacayey degaanka Sool qolyaha Somaliland ka soo horjeedaa ee degmadaas u dhashay, waxay sheegaan in aanay argagixi ahayn ee ay muracadad tahay ay idin kala soo horjeedaan? J: Waxba kama jiraan, waa argagixiso, ninka dadka miino u dhigayaa nin wax ka soo horjeeda maahin, argagixisana waa argagixiso oo adduunka oo dhan ayaa laga yaqaan. S: Gobolka Sool waxay mucaaradku idinku dhaliilaan dilkii taliyaha qaybta 12aad oo ay lahaayeen dadkii loo qabqabtay maxkamad lama keenin, taa maxaad nagaga biirin karaysaa? J: Hortaa nimankaa mucaaradku waa niman maan-gaab ah ku fikiraaya, caqligooda ayaa aad u hooseeya, iyada oo qaran la marayo ayey qabiil ku soo dhacayaa, ceeb bay ku tahay Somaliland in nin Madaxweyne u tartamayaa inuu waxa ku hadaaqo, waa wax fadeexad ah Somaliland, markaa ma garanayo beri ma waxa uu Madaxweyne u noqonayaa qaranka, mise jin buu xukumayaa, dawladduna way baadhaysaa ilaa iminka waxa socota baadhistii ciddii sarkaalkaas dishay. Qaraxii madaxtooyada ilaa iminka ayuu socdaa baadhistiisii, xukuumadduna mar kastaba u naxariisan mayso, maaha mar markaaba la sheegayo, qaran baana u hiilin doona, ninka mucaarad ah ee waxa ku hadlayaana waa nin bilaa barnaamij ah oo xaafadda godeedaha ku soo noqonaya oo ilaa qoobkii ku soo noqonaya. S: Muranka ka taagan Golaha Guurtida oo xubno ka tirsani kugu eedeynayeen xukuumadda, khaasatan adiga aad doonaysaan inaad minjo-xaabisaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida, tallaabooyinkaa intee in le'eg ayey xukuumaddu ku leedahay? J: Adeerow anigu waxa uma hayo, dad badan oo afmiinsaariin ah oo waxay doonaan iskaga hadla ayaa jira, amma Golaha ha ku jiraan amma suuqa ha joogaane, Golahaas hawl minjo-xaabin ah iyo hawl weyn oo ka socota ma ogi, laakiin qaar qayl-qaylyayey oo lahaa Golahayagu wuu kharaabay tv-yada waan ka daawanayey, waxaan Illaahay ka barinana wadwada oo waxay doonan iska yidhaa, kalfadhigoodii baan ka socda iyagaana u madaxbannaan, gudahooda ayey isnaqdiyaan oo dooddaan, Saleebaanna wax colaad ah oo naga dhexeysaa ma jirto, wadashaqayntu arrin aannu doorayno maahee waa arrin waajib ah. S: Sannadkan dhammaaday waxa lagu xasuustaa inuu noqday sannad ay dhallinyaro aad u badani ka hayaameen Somaliland oo weliba soctaa qaarkood baddaha ku naf waayeen, qaarkoodna ku silcayaan meelahaa, maxaa tallaabo ah ee ugu muhiimsan ee laga qaadi lahaa? J: Horta dadka tahriibka waan ka hadlay, Somaliland maalinba maalinta ka dambeysa ayey ka nolol fiican tahay, dadka inta badan tagaa waa dad lacag haysta oo dadkoodu direen, waxaan ku waaninayaa uma baahnin tahriibe dalkan mustaqbal wanaagsan baa u soo socda, waalidiinta waxaan leeyahay carruurtiina ha dirina, ha ku lugaynina baddaha, labana isku heli maysaan, inaad marka hore doonta raac tidhaahdan, marka dambena halka ka baroortaan. |
Jamhuuriya Online |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Friday, January 1, 2010
Madaxweyne Rayaale oo Murashaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ah ku Sifeeyey Inay Yihiin Rag Maan-gaab ah oo Caqligoodu Hooseeyo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment