Friday, January 1, 2010

Soof daran habowga macnaha Siyaasada

Soof daran habowga macnaha Siyaasada 

By Muna Casayr

Dadyowga dunida ku dhaqan waxa ay lahaan jireen qaab maamul oo ku salaysan boqortooyo nidaamkaasi dadku waxay aaminsanaayeen in ay u daba joogsadaan qoys hogaaminta aayahooda. Nidaamkani waxa uu si talaabo, talaabo ah uga suulay caalamka qarniga 21aad waxaana loo xuubsiibtay nidaamaka dimuquraadiyada kaasi oo kootadii hogaamineed ee nidaamka boqortooyo meesha ka saaray

Nidaamkani waa mid ay soo saaridiisa sheegtaan dalalka reer galbeedku balse waa mid intiisa badan laga soo xigtay diinta islaamka waayo rukunka ugu wayn ee dimuquraadiyadu waa xoriyada oo ah tiir islaamka ka soo jeeda

Hadaba dadka ku dhaqan gayiga s/land ayaa ah qaar ay soo mareen guumaysiyo kala duwan oo taariikhda ugu duugan waxaanay caalamka kala qayb qaateen xadaarada cusub iyo nidaamka dimuquraadiyada waxaana qasab noqotay in siyaasiyiintu ay qaatan nidaamkani oo ku cusub kaasi oo ka hor istaagaya kali talisnimada iyo dariiq kasta oo la xidhiidha. Waxaa dhib yaraatay sheegashada taytalka siyaasi taasi oo ay suura galisay nidaamka dimuquradiyadu, ka sokow shaqsiyaad aqoon u lahaa siyaasada oo ku dhex qarsoomay mowjadaha dad aan aqoon u lahayn siyaasada. Waxaa sii kordhay dadka aan garanayn siyaasada. arintani waxa ay kalif tay in qalad loo fahmo waxa ay tahay siyaasadi .

Waxaana hubaala in laba majare ay kala qaadeen siyaasiyiinta s/land oo aad u tiro batay isla markaana aan lahayn qaab dhaqankii siyaasi waxa ay kala yihiin labada dariiq ee ay kala raaceen siyaasiyiintu sidani

1.siyaasi u heelan in uu helo jago uu ka dhaxlo hanti tiro badan sida guryo, gaadiid,qasnado lacag ah iyo in dadku ay bartaan mana kala jecla in uu magaciisu xumaado iyo in uu samaado toona balse ujeedadiisu tahay dadku ma ku yaqaan waxaana sabab u ah garashada oo liidata sida oo kalena wayday cilmigii kabi lahaa waana kuwa ugu badan maanta dadka noocaas ah ee sheegta siyaasi

2.waa siyaasi garanaya macnaha siyaasada aqoona u leh balse ku jahawareeray mawjadaha jahliga siyaasiyiinta ka tirade badan ee qasbaya xirfadani. siyaasiga noocaas ahi manta waa ka ugu afka gaaban waa ka ugu yaabka badan waxaanu is waydiiyaa malaa siyaasadu sidaad moodayso maaha hadana wuxuu isa su,aalaa sowta dunida horumartayba sidaada oo kale u taqaana siyaasada dadkani halkay ku soo barteen waxa noocan ah markaaba waxaa u soo baxda in jaamacada madow ee ay ka soo baxeen ma garatada aqoon daradu hadhaysay in ay tahay marfash ka qaadka. Waxa sida dharaarta u cad isla markaana uu u muuqata qofkasta oo aqoon leh ama caqligiisu fayowyey in macnihii

Siyaasadu soof daran habaabay

Wariye:muna casayr jama

Slsctv and radio horyaal


No comments:

Post a Comment