Wednesday, January 6, 2010

Maxay ku kala duwaan yihiin hadalada Rayaale iyo Kulmiye ku soo kala dhaweeyeen Sannadka cusub.


Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Sannadka cusub ee 2010ka ayaa guud ahaanba dalkalka dunida laga rajaynayaan inuu noqdo sannad wanaagan oo ay Muslin iyo gaalaba shucuubta iyo dawladdaha caalamkuba ku ducaysanayaan Barwaaqo, Horumar iyo Nabadgelyo, balse dhinaca kale dawladdo iyo shucuubtaa qaarkood ku ducaysanayaan waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin guulo ay ka gaadhaan dagaallo ay wadaan oo dad ku dhimanayaan, kuwa kalena ku ducaysnayaan inay belaayo dhacdo si ay ugaga faa'iideystaan arrimo badan oo ay jecelyihiin inay ka helaan balaayadaasi, ilaah naguma keenee. Sidoo kale ayaa madaxweynayaasha caalamka qaarkood sannadkan cusub u arkaan mid la iman doona  siyaasado cadow ku ah kuraastooda, shacbigooda, dhaqaalahooda iyo horumarkooda, sidaa darteedna ku abuuraya u diyaargarawga waxay u arkaan belaayo kusoo socota   dawladnimadooda, xilalkooda iyo siyaasaddooda.

Somaliland oo ka mid ah dalalka uu sannadkaasi 2010 ugu waaberiistay nabadgelyo, xasilooni, horumar iyo rajooyin wanaagsan oo ay ka qabaan dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka, kuna iman karaya doorashooyin dalka ka dhaca ayaa  dhinaca kale waxa siyaasiyiintooda, shacbogoodaba u qarsoon arrimo kala duwan oo shar iyo khayrba leh .

Marka aynu eegno saadaasha durba ay bixiyheen siyaasiyiinta dalka xukunta iyo kuwa kagasoo horjeedaxukunkaasi ,ayaa durba la kala garan karayaa jihooyinka ay u kala socdaan si loo helo iuyo hindisaha mid kastaaba ku doonayo  inuu helo waxa uu jecelyahay .

Waxan ognahay in dhibaatooyinka ka taagan dunida badankeedu ku salaysanyihiin laba arrimood oo kala ah wax ilaahay keenay iyo midda kale oo ah nidaamyada maamul  ee an raalliga laga wada ahayn,tasoo ah dhinaca siyaasadda .dal dagaallo ka socdaan haddaad aragto waxa la isku diiday darrimo siyaasadeed ,haddii nabadgelyo ay jirtana waxa lagu heshiis yahay siyaasadda,sidaad arteedna arrimaha siyaasadeed ay byihiin kuwa mar walba uu ku xidhanyahay mustaqbalka  shucuubta  iyo xukuumadahaasi, col iyo nabad mid kay doontaba ha ahaatee .

Bilowga 2010 ayaa durba siyaasiyiinta  soomaaliland xaqiijiyeen wejiga ay qaabili doonaan 2010ka,iyadoo laga shidaal qaadanayao hadalada durba kasoo baxay dhinacyada siyaasadda soomaaliland isku haya,waa xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka .

Madaxweyne Rayaale oo dhawaanta  amam bilowgii sannadka waraysi uu siiyeyidaacadda VOA  kaga warramay arrimaha soomaaliland ,iyo dareenkiisa dhinaca mucaaradka ,iyadoo intii  dhegeysanaysay idaacaddaasi ,ay qaarna ku farxeen badina  ka biyo  diideen hadalka madaxweynaha .waxyaalaha cajiibka ah ee laga xusuusto  waraysigii madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah ahaa duurxul badheedh ah oo uu u jeediyey xisbiyada mucaaradka ,gaar ahaanna xisbiga Kulmiye ,isagoo ku tilmaamay inay yihii kuwa maangaabyo ah oo an istaahilin mansabyada ay u tartamayaan  ee madaxweynenimada maadaama ay mar walba hoos u eegeyaan arrimo ku saabsan qabyaalad iyo waxyaalo kale,isagoo yidhi "nimanka mucaaradku  waa niman maangaabnimo ku fikiraya,oo caqligoodu hooseeyo oo abiil yar oo hoose maskaxdooa kusoo dhacayo ".hadalkaasi oo  u eg mid sannadka cusub durba sii fogeynaya niyad wanaag iyo  wada shaqayn  dhinaca siyaasadda ah oo dadka iyo dalkaba dan u ah ayaad moodaa inuu baalmarsanyahay heshiiskii dhinaca siyaasadda , ee lagu kala joojistay dagaalkii afka ahaa ee u dhexeeyey labada dhinac ,iyadoo durba ad mooddo in dagaalkaasi ay mar kale soo cusboonaysiinayso madaxweynaha iyo dawladdisaba .Hadalkaasi iyo kuwa la mid ah oo kasoo butaacaya  siyaasiyiinya xisbiga UDUB  uguna horreeyo Cismaan C/laahi Cigaal ,oo isagu ku caanomaalay hadalada xunxun ee colaada siyaasadeed sii fogeynaya  .Arrinta ,ama hadalka madadweynaha ayaa lagu meteli karayaa 'geel aarankiisii durduriyey " ',maadaama madaxwwynaha dalka iyo masuulyiinta xisbiga  sannadka cusub ku aftaxeen hadallo ay kala muuqdeen wejiyo kala duwan oo siyaasadeed. dad badanina la yaabaan isbeddelka  afafka ay ku kala hadli jireen xisbiyada mucaaradka ah iyo muxaafidka ahiba.o .

Dhinmaca kale markaan eegno masuulyiinta xisbiga Kulmiye oo  isdla maalintaasi ,ama habeenkii bishan Janaweri kawda ahayd  iyaguna la hadlay umadda reer soomaaliland ,uguna bishaareeyey khayr iyo barwaaqo  inay ku noolaadaan sannadkan cusub iyo kuwa soo socdaba .Warsaxaafdeed kasoo baxay xisbigaasi , isla markaana uu jeedinayey Muj .Muuse biixi ,oo ah ah masuulka ugu areeya xisbiga Kulmiye  ee maanta ku sugan dalka ,maadaama guddoomiyaha  xisbigaasi,axmed siilaanyo ,socdaal debedda ku maqanyahay ,ayaa waxa hadalkiisu soo jiitay dad badan ,maadaama an looga baran Muj Muuse biixi ,hadallo noocan oo kala ah intii uu ka tirsanaa xisiga mucaaradka ugu weyn.iyadoo warsaxaafdeedkaasi  u ekaa sidii  Kulmiye maanta dalka xukumo  , madaxweyne Rayaale iyo xisbgiisana ad moodaysay inay yihiin xisbiyada mucaaradka ah, ama mucaaradk u hadli jireen .

Hadalaka kasoo baxay xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ee uumadda u jeedinayey Muj Muuse biixi,isla markaana barnaamijka isbigaasi ku jiray,  ayaa waxa u ka warramay waxqabadkii dawladda ee sannakii laasoo dhaafay , ,isagana ad moodaysay inuu afkii dawladda ku hadlayey.wuxu sheegay in nabadgelyo buuxda la gaadhay ,adhigii la fasaxay ,arday badan o ka qalinjabisay jaamacadaha,iyo ganacsiga xorta ah  , soo dhaweynta shacbiga iyo dawladda jabuuti oo uga mahadceliyey taageeradi ay siiyeen SNM halgankii ama xoreynta soomaaliland ,isagoo dhinaca kalena xisbigaasi ka hadlay dhibaatooyinki lasoo maray 2009kii .

Marka la isbarbardhigo labada hadal e kasoo kala baxay mucaaradka iyo madaxweynaha soomaaliland ,ayaa laga saadaalin karayaa waxa mid kastaaba ku talogalay sannadkan

Dhinaca dawladda ,waxa khudbaddaasi ka muuqatay yaraysi ,cay iyo hanjabaado ,kanama muuqan  walaaltinnimo ,ixtiraam iyo wada shaqayn ka  dhaxaysa siyaasiyiinta soomaaliland, halka xisbga Kulmiyena anay ka muuqatay tixgelinta xukuumadda ,saaxiibtinnimo iyo isqaddarin ,marka laga reebo waxyaalaha ka baylahay dalka intii ay jirtay xukuumadda UDUB ,taasoo anay ku jirin wax naxli leh oo laga xusuusan kaaro .

Haddaba marka la miisaamo hadalada Kulmiye ,iyo kuwa madaxweyne Rayaale ku salaameen sannadka cusub  ayaa ah mid ay ka muuqato kaaf iyo kala dheeri .waa tan koowaade xisbiga Kulmiye loogama baran wax naxariis ,ammaan iyo soo dhaweyn ah oo uu kula dhaqmi jiray xukuumadda Rayaale ,   halka xisbga UDUbna had iyo jeer ka gaabin jiray arimahan oo kale ,sidaa darteedna waxay cid kastaa isweydiin kartaa maxaa isbeddelay,maxaase xisbiga Kulmiye  u keenay niyadwanaagga xukuumaddu anay la qabin  waxqabada xukumaddu sheegan kari weydsayna ugu sheegay umadda .?su'aalahaasi iyo kuwa kale oo badan ayaa dad badani u qaadan karaa in hanjabaadaha iyo aflagaadooyinka loo geystay masuulyiinta xisbiga Kulmiye  ay bilow u tahay dagaalka siyaasadeed ee kusoo socda xisbiga Kumiye  wakhtiyada soo socda ,iyadoo dhinaca kalena loo qaadan karo in hadalka wanaagsan ee xisbiga Kulmiye kula macaamilay xukuumaddu yahay hadal ku yimi baqdin ,isdhiibis ,iyo gabbasho  ay sababeen dhirbaaxooyinkii lasoo mariyey xisbigaasi  sannadihii an soo dhaafnay gaar ahaanna 2009kii,halka kuwa kalena ku sifayn karayaan in hadalada kulmiye yihiin kuwa uu durba ku xaqiijinayo sida uu ula dhaqmi doono shacbiga wakhtiga uu  ku guuleysto doorashooyinka soo socda ,sidaa darteedna uu afxumo iyo hanjabaado meel iska dhigay ,si anay umaddu ugasii didin maamulikiisa  soomaaliland ee wakhtiyada soo socda ,waase hadii doorashooyin xor oo xalaal ahi dalka ka dhacaan mustaqbalka.


__._,_.___

No comments:

Post a Comment