Wednesday, January 6, 2010

Mudanayaal daah-furay khilaaf xooggan oo dhex huursanaa Golaha Guurtida

Mudanayaal daah-furay khilaaf xooggan oo dhex huursanaa Golaha Guurtida

Hargeysa (Somaliland.Org)- Khilaaf xooggan oo mar kale ka dhex qarxay Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo if-baxay, ka dib markii Shirguddoonka Golahaasi uu soo saaray Qoraal uu ku kala diray guddidii joogtada ahayd ee Guurtida, isla markaana uu magacaabay guddi cusub oo kale. waxaana arrintaa ku gacan-saydhay Mudanayaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha guddida la sheegay in la kala diray.

Qoraal ku taariikhaysan maalintii Isniintii ee bishani 4 ahayd oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Guurtida Axmed Sh. Nuux Furre, Guddoomiye-xigeenka 2aad Siciid Jaamac Cali iyo Xoghayaha guud ee Golahaas Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa lagu sheegay in Shirguddoonku uu kala diray Guddidii hore ee joogtada ahayd, isla markaana waxa qoraalkaa lagu xusay magacyada guddida cusub ee la sheegay inay bedeli doonto guddidaas oo uu u horreeyo Xil. Muxumed Aw-Axmed X. Aadan oo hore hormood uga ahaa Mudanayaashii sida aadka ah uga horjeeday Guddoomiyaha Guurtida waqtigii khilaafkii hore ka dhex oognaa Golahaas.

Qoraalkan ayaa la sheegay in Shirguddoonku maalinta sabtida ah ee soo socota Golaha horkeeni doono, iyada oo kala-dirista Guddida joogtada ah ee Guurtida uu Shirguddoonku ku sababeeyay in maadaama Goluhu shaqaynayo 3 maalmood oo maalmaha kale ay Hoolka shirarka fadhiyada Wakiiladu ka soconayaan, loo baahan yahay in  la dardar-geliyo guddi-hoosaadyada Golaha.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee la sheegay in la kala diray Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtidooda la xidhiidha arrintan, ayaa dedafeeyay, waxaanu sheegay in dhawaanahanba uu khilaaf u dhaxeeyay Golaha Guurtida, isla markaana ka-hadalka khilaafaadkaas lala sugayay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda socdaal dibedda ah ku maqan. "Guddi joogto ah oo la qabsaday iyo wax la kala qaaday midna war uma hayno, Golahana waxaanu ku kala tagnay nabad-qab. Golaha col baa ku jiroo Sh. Axmed (Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Guurtida), ayaa doonaya in uu Shirguddoonka gudihiisa wax ka qabto oo uu Guddoomiyaha Guurtida rido, waxaanu ku roorayaa in uu Xeer-hoosaadka meel dhaw keeno, waxaasina imika dhawr bilood wuu nagu socday. Markaa waxani (bedelaadda Guddida joogtada ah) wax soconaya maaha oo aanu isla ognahay, anaguna waabanu is-haysanay oo dadku hadduu is-haysto isma xukumi karayo, sidayada ayaanu isku haysanay oo waxaanu isla sugaynay Guddoomiyaha maqan." Ayuu yidhi Xil. Dhugad oo Wargeyska Ogaal u waramayay.

Mar aanu Md. Dhugad waydiinay waxa ka dhalan kara haddiiba Shirguddoonku sabtida Golaha horkeeno, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, "Dee horta waxani waa is-qabsi oo meesha (Golaha) waxa ka dhacaya dhibaato iyo dagaal, waxa laga sugayaana waa xumaan ka dhacda uun. Goluhuna aad buu ugu kala qaybsan yahay, waxaanay ku roorayaan uun Guddoomiye Saleebaan oo Madaxweynahaa waxan wata. Markaa waxaan leeyahay, waxaan meesha oolin hadday soo geliyaan waa tuugo aan sax ahayn, kamana aqbalayno, wax aanu ka aqbali karaana ma jirto, iyana nama xukumi karaan."

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo isna dhiniciisa Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintan, ayaa qoraalkan kala-diridda guddida joogtada ah ku eedeeyay inay ka dambayso Xukuumaddu, waxaanu sheegay in horeba uu qorshe noocan oo kale ahi u fashilmay oo isagana ay Xukuumaddu daba ka riixaysay. "Waxa la qoray qoraalkan shalay (Isniintii), Golahana weli lama horgeynin ee Sabtida ayaa Golaha la horkeenayaa, dabadeed Qoraalkii baanu helnay. Ujeedaduna waxa weeye, waxa laysu abaabulayaa, Xukuumadda ayaan Doorashada rejo ka qabin, markaa iyadoo carqaladaheeda wadda inay suurtogal noqoto in Saleebaan (Guddoomiyaha) meesha laga saaro, taasinna waxay ku suurtoobaysaa oo kaliya, iyada oo xeer-hoosaadka la bedelo cod hal-dheeri ah, taasina suurtoobi mayso ilaa guddida joogtada ah la kasbado. Toddobaadkii dhawaa waa tii ka xumaatay, Xukuumaddaana Shirguddoonka ku canaanatay sideebay arrintani u fashilantay, imikana waa la soo dhirbaaxay oo waxa la yidhi hawsha gala." Ayuu yidhi Xil. Dirir, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Haddii la kala shaandhaynayo marka kalfadhigu dhammaado ee fasaxa loo baxayo ayaa la samayn jiray wixii kala-shaandhayn ah, guddidan imikuna mabay shaqaynin lix bilood wax ka badan oo sanad ma gaadho intay shaqaynaysay, waxaana lagala cararayaa waxa weeye Saleebaan baa lays leeyahay ka gaadhsiiya intaanu imanin, waxaana la doonayaa intaanu imanin in laga qaado Guddoomiyenimada. Gogol-dhigguna waxa weeye in Madaxweynaha loo kordhiyo. Taana waxa marag u ah in Axmed Aw-Nuux Jaamacadda Lucy horteeda dhul wayn oo abaal-marin ah laga siiyay."

Maaha markii u horraysay ee khilaaf kala qaybiyaa soo dhex galo Golaha Guurtida, hase ahaatee, badhtamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii Golahaasi u qaybsamay laba qaybood oo kala taageersan Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan iyo kuwo taageersan siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, una ololaynayay muddo-kordhin dambe oo loo sameeyo Rayaale.

No comments:

Post a Comment