Saturday, January 23, 2010

Mujaahid Siilaanyo Fasax uga qaadan maayo saraakiishii faqashta ee shanta farood iyo Calaancasha uu kaga maroojiyey Xorriyadda Somaliland!!


 
Waraaqda la sheegey in ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu kaga Mamnuucdey Mujaahid Siilaanyo in uu Dalkiisa ku soo noqdo, Waa riyo aan mijo ku taagneyn, waa Dastuurkii iyo Xeerka Maamuuska Diblomaasiyadeed oo la inqilaabayo, mana dhacayso. Dawladdu haddii ay dooneyso inay tallaabo sharciga waafaqsan qaaddo, waxa ay xaq u leedahay in ay Maamuuska Diblomaasiyadeed ee Dalka eegto marka hore. Madaxweyne Xilsuge ahi , lama mid ahaa sambiilkii duqun ma waaye ee wasiirrada kaydka ah lagu ridayey , midna laga soo saarayey ee waa Mudane huwan Dhawrsanaan siyaasadeed, cufiga dawliga ahna ku leh miisaan Goleyaasha Sharci-dejinta in oggolaansho laga helo mrka horena waajibinaya.
 
Aqoon-darrada Maamulka Riyaale haysatana,  waa ka mid qaladaadkan yaxyaxa leh. Marka uu Riyaale wax aan ilmaha yari ka dhegeysanb karin ku hadlayo, una adeegsanayo
Amarkan Faashilka ah, waxa keliya ee uu ka didsan yahay, waxa weeye, Fashilaadda ku dhacdey, riyodiisii ahayd Somaliland duminta, Madaxweynaha ay hortegeysaa waa Siilaanyo oo hubaal ah, Doorashada Carqaladee ayaa ku kallifeysa sidaan qabo, iisaga oo
Dilalka iyo Eedaha ka soo yeedhaya Laas-Caanoodna ilqoodha ka eegaya.!! . Nin qoyani biyo iskama dhawro iyo muraaro-dillaaca fashilaadda shirqoolladaii maamulka oo ku kallifaya Maamulkan garanwaaga ah, ee yaabis iyo biseylba khayraadkii Dalku deeqi waayey.
 
Argagixisada la dhalatey ee aan laga aqoon waddanka , Maamulladii Cabdiraxmaan Tuur iyo Moxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo colaado sokeeye weliba ka dhacayeen aan laga aqoon, waxa Saraakiisha Ciidanka ee aan dibad lagaga soo duulin ku leynaya Dalka sow maaha maamulkan, sida uu caddeeyey taliye Jaamac oo saldhiggii laas-Caanood bomnbada lagu tuurey haystaa , sheegeyna in nabad gelyadiisu khatar ku jirto, raggii diley Taliyihii Hawlgelinta Ciidamnka Booliska ee Gobolka Soolna ay Ciidammada ka tirsanaayeen!! Siilaanyo ma hubeysna, laakiin waa Astaantii xorriyadda Dalkan, Maamulka Riyaale ee waxan ku hadley iyaga oo og in Doorasho looga fadhiyey, iyaga oo saxeexey heshiiskii lixda qodob ee Mujtamaca Dawliga ahi ka hawl-galey, Waxa faduushoodani ay u horseedeysaa in lagu shubo Maxkamadda Danbiyada laga Galo Aadanaha ee Lahay!!
 
Siddi , siddideeda mooyaane, Dhul-dhaceeda may hubsan. Awoodda Bulshda Waddanka iyo Xuquuqda Asaasiga ah ee Muwaaddinnimo iyo Muteysiga uu Halganka hubeysan kula soo noqdey Xorriyaddii luntey ee somaliland ayaa hadalkan ka dhigaya wax Af-laga yidhi iyo Muraaro Dillaaca Fashilaadeed ee Maamulka

Dr. Cali Cabdi Muxumed


No comments:

Post a Comment