Saturday, January 23, 2010

Xukuumadda oo sheegtay inay shuruudi ku xidhan tahay soo-laabashada Axmed-Siilaanyo

Xukuumadda oo sheegtay inay shuruudi ku xidhan tahay soo-laabashada Axmed-Siilaanyo

Hadalka Xukuumadda:

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda Axmed Aadam Ismaaciil oo habeen hore u waramay Telefishanka Xukuumaddu maamusho, waxa uu Guddoomiyaha xisbiga KUMIYE ku eedeeyay inuu galay dembi qaran, isla markaana aanu aaminsanayn gooni-isutaaga Somaliland.

Waxa uu sheegay in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda socdaal ku jooga Maraykanku inuu ku kacay arrin ay shacabka Somaliland, Xukuumadda iyo goleyaasha Xeer-dejintu go'aan ka soosaareen oo la xidhiidha in qofkii taageeraa Soomaaliya aanu cag soo dhigan karin dalka, taas bedelkeedana waxa uu ku baaqay in aan Guddoomiyaha KULMIYE loo ogolaanin inuu dalka ku soo laabto ilaa uu cafis waydiisto dawladda. "Waxaanu Xukuumadda iyo Wasaarada Arrimaha gudahaba ugu baaqaynaa inaanu dalka ku soo noqon ilaa uu cafis waydiisto dawlada oo isagu musharax baabu ka hadlayaa iyo inuu Madaxweyne isu soo sharaxee, waa in laga gutaa waajibaadka qaran," ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku.

Dhawrkii habeen ee u dambeeyay waxa warbaahinta qaranka ee afka Xukuumadda ku hadla ka socday hadalo masuuliyiin Xukuumadda ah iyo shaqsiyaad taageeraa ku durayeen Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaasoo daba socday waraysi Axmed-Siilaanyo lala yeeshay oo uu ku sheegay in waqtiyo hore oo xilliyadii halgankii SNM ah uu aaminsanaa in nidaam Federaali ah lagu dhaqo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Hase yeeshee, xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhawaaqa Wasiir kuxigeenka Khaarajiga.

Xisbiga UCID:

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wax aan la filaynin iyo la yaab ku tilmaamay hadalka Wasiir kuxigeenka Khaarajiga Somaliland ee la xidhiidha in Axmed-Siilaanyo laga horjoogsado inuu dalka ku soo laabto. "Warkaasi waa mid Argagixiso ah oo aanu la yaabnay. Doraad waxaanu talo ka bixinay nimankan baarka la baxay ee masuuliyiinta sheeganaya ee deelqaafka ku hadlaya ee kala fogaynta iyo xaalad-abuurka ku jira, Madaxweyne la hadal oo talaabo ka qaad baanu lahayn, shalayna (habeen hore)warka noocaas ah ee aan looba fadhiyin oo wixii horeba bara-dhaafiyay buu ninkaasi ku hadlay," sidaa waxa yidhi Afhayeenka UCID Xassan Xusseen Codyare oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtidooda ku saabsan dhawaaqa masuulkaa Xukuumadda ka tirsan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Axmed-siilaanyo dalka xisaanad iyo xurmo ka mudan yahay, maadaama uu yahay murashax qaran oo tartanka madaxtinimada u taagan, una soo halgamay xorayntii dalka oo muddo dheer hormood u ahaa ururkii SNM ee xorrayntii Somaliland ku guulaystay. "Waxaanu rejaynaynaa in arrintaasi aanu wax saamayn ah inagu yeelan. Waxa kale oo aanu ku hanwaynahay in haddii caqligu shaqaynayo inuu Madaxweynuhu kuwa noocaa u hadlaya ee xaaladaha abuuraya inuu talaabo adag ka qaado, taas baananu rejaynaynaa…..Maalinba wax wixii hore ka daran baa la furayaa, waana xaalad-abuur, mid soconayana maaha, hadalka noocaas oo kale ahina waa mid xumaan iyo khalkhal dalka ku abuuraya," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay;"Waxaanu rejaynaynaa in aanu Madaxweynuhu arrintaa yaraysanine, inta ay goori goor tahay uu talaabo ka qaado, sababtoo ah isaga ayay u xun tahay in dadka uu isagu magacaabay ay maalin walba sumcadiisa dilaan, dalkana khalkhaliyaan. Waxaanu leenahay, wax laga dulqaadan karo maaha, wax laga yeelayana maaha."

Jawaabta Xisbiga KULMIYE:

Xisbiga KULMIYE waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay hadalka Wasiir kuxigeenka Khaarajiga, isla markaana waxa uu sheegay in aanay jirin cid hoggaamiyahooda ka horjoogsan karta inuu dalkiisa ku soo laabto. "Hadaladaa Wasiir kuxigeenka ka soo baxay waxay noqdeen kuwo dadka oo dhami ka yaabeen oo loo qaadan waayay, sababtoo ah; nin wayn oo masuul ah oo Xukuumadda xil u haya, umadda xil u haya oo Wasiir ahi inuu hadalada noocaas ah ku dhawaaqaa waa ayaan-daro," ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Kayse Xassan Cige oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal. "Siilaanyo maanta waa nin musharax ah oo Madaxweynenimo u taagan oo is cadeeyayba, mana ah mid iska sharaxay Soomaaliya, arrinta Federaalka ee ay hayaana maaha arrin maanta cuntamaysa, waayo umaddani waxay goosatay inay Somaliland madaxbanaanaato oo ay soo ceshato madaxbanaanideedii," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay su'aali ka taagnayn in Axmed-Siilaanyo oo tartan ugu jira madaxtinimada Somaliland uu aaminsan yahay gooni-isutaageeda. "Markii u horeysayna maahee, Siilaanyo hore ayuu madaxtinimada ugu tartamay oo waakii 80-ka cod ku waayay, inuu Somaliland u tartamayana mid muran ka jiro maaha…Siilaanyo iyo nimankii la midka ahaa, Mujaahidiinta ahaa ee isla halgamay, halgankoodii Somaliland baa ka dhalatay. Rayaale, Wasiir ku xigeenka hadlay iyo inta la midka ah midkoodna maanta dawladnimadaa, nabadda iyo mansabkaa ay hayaan kumay naaloodeen haddaan Siilaanyo iyo kooxdiisu keenin. Markaa horta ta ka maqan Wasiir kuxigeenku waa taas, waayo in iyaga la yidhaahdo waa mahadsantihiin mooyaane in la yidhaahdo ujeedo kale iyo meel kale ayaa qabanaysaan ma qabato," ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE. "Ta uu leeyahay dalka ma soo gelayo, ee uu yidhi 'Ciidamada waxaan kula talinayaa haddaanu raaligelin keenin in aanu dalka soo gelin', waa kuma ninka maanta Siilaanyo dalka ka lihi, markay noqoto halgan iyo waxqabad? Ninka Siilaanyo maanta loo waydiinayaa (cafis) sow maaha kuwii u shaqaynayay taliskii uu dalka ka xoreeyay? Waa shaqaalihii kuwii uu dalka ka xoreeyay oo inta wanaag loo sameeyay, la soo dhaweeyay, talinaya oo weliba raali lagaga yahay.

Waxaan leenahay; cid dalka iska hortaagi kartaa ma jirto, ma suurtoobayso, laguma dhici karo in Siilaanyo la iska hortaago dalka. Waa dalkiisii, waa Madaxweyne musharax ah, wuu xoreeyay, wuxuuna istaahilaa abaal iyo in la yidhaahdo 'mahadsanid'. Ninka maanta leh Siilaanyo ayaan dalka iska hortaagayaa waa nin xumaan doon ah, mushkilad iyo dhibaatona dalka u raba," ayuu raaciyay.

Mr. Keyse Xasan Cige waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay kulan degdeg ah ka yeelan doonaan dhawaaqaas, haddii aanay Madaxtooyadu raaligelin ka bixin. "Waxaanu aaminsanahay in Madaxtooyadu la qabto Wasiirka hadalkaa ka soo yeedhay, sababtoo ah raaligelin bay ka bixin lahayd haddanay la qabin, waayo waa nin masuul ah oo huwan shaadhka dawladda. Waxaanu Xukuumadda leenahay; intay goori goor tahay raaligelin halaga dhiibo arrintaas. Laakiin, haddii raaligelintaa la bixin waayo, xisbi ahaan dib baanu iskaga arkaynaa. Xisbi ahaan degdeg baanu uga kulmaynaa, haddaan dawladdu raaligelin ka dhiibin arrintaas," ayuu yidhi.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment