Monday, January 25, 2010

Riyaale Dawladnimadii loo dhiibey, illeyn Xoog kumuu qabsanne, siduu yidhi?!!


Bulshada Somaliland ee qurbaha joogtaa, waxaan rajeynayaa in ay Ururka shahaado sharafyada ugu qaybshey raggii hantida qaranka ku talax tegey ay k wrkenaan in ay inta ka faa'idda qabqablayaasha yihiin iyo in cuqdad ka qabta Somaliland jiritankeeda, mid ay yihiin!! Shahaado sharaf waa qiime sare oo lagu miuteysto waxqabadyo iyo ikhtiraacyo cilmiyeed, nasiib darro , wqtigan xaadirka ah, meel ay Dalkan ka soo gasho lama hayo aan ahayn mid ay Muteysatey Bulshada Somaliland oo wax ay ka sugto Dawladda ha joogtee , iyagu shaqadii Dawladdu lahayd qabta!! u samrayey labaatan sannadood oo cashuurtii wx loogu qban lahaa qaydhinka lagula kala tgo, hanti-dhawr iyo Shuruuc dhaqaale mujineed oo aan jirin.!!
 
Riyaale Dalka xoog kuma qabsan, kal laxiiba iyo laabtii xuunshada ayaa lagu saamaxay, hadalna kama joogo, waxa xilka loogu dhiibey muxuu ahaa? in uu hoggaamiyo dalka, gaadhsiiyo Maamulka Dalka Somaliland oo dhan, sugo Xuduudda, Mideeyo lacagta dalka si loo odoroso dakhli dhexe oo dawladdu yeelato, kana soo xerooda Gobollada Dalka oo dhan, qorshe qarameed muddeysan oo Dalka lagu horumariyo , shaqooyinna Bulshada loogu abuuro lagu kobciyo hab nololeedka dhaqan/dhaqaale ee Muwaadinka.
 
Madaxweynuhu jabhad ayuu noqdey, Jabuuti iyo Majeerteeniya u kaashadey, bakhtiinta Dekadda Berbera iyo dhaqaale u kobca Somalilandba. Jabuuti waxa uu u xidhey dhoofjkii Xoolaha, iyo Shidaalkii oo ay Total Cunaha ku hayso Muwaadiniinta, Ganacsatadaii somaliland ee shidaalka ka Total ka jabanna keentay iyana Total uga dhaaratey in Haamha Qaranka loogu keydiyo!! Puntland waxa uu kula heshiis yahay inay xasillooni darro ka aloosto Somaliland , Sanaag-barina maamul baba uga dhisan "Isirnimo"!!
Shirkan Garaaddada, sulaadiinta iyo Cuqaasha "Isirnimada ay ku abaabuleyso puntland ee holhol loohu ballansanaa, ahna mid aan Bulshada Sool iyop Sanaag-bari la socon ee Siyaasad iyo faro-guudkood, hunguri jiilaal jooga, wax loo saarey, Qaraxyada iyo Dilalka
Maamulka laftiisu ka sdhexmuuqdo, Cutubyadii dhawr iyo tobanka ahaa ee manhajka tacliinta dugsiyada Hoose/Dhex ee Taariikhdii snm lagana saarey manhajydaas oo si guud mar ah 'Flsah" lagu ekeysiiyey. Khilaafkan aan sababta lahayn in ina Nuux Furre oo u kireysan Riyaale uu sababey.!!
 
Ku Sime Guddoomiye, awood sharci ah uu ku kala beddelo Guddi hHoosaadyada Golaha ma laha ..  Musdane Axmed Yuusuf Yaasiin, sida aanu xaq u lahayn uu wasiirrada riyaale ku kala beddelo , marka un Riyaale Dalka ka baxo. waxa keneyna waa macruuf oo Xisbiga Riyaale iyo Jug-soo dhacay, waa kuwii Bulshadu ka dareerey markii uu albaabka ka xidhey ,inqilaabeyna , Madaxdii Xisbiga gudihiisa inay kula loolanto Musharraxnimada Madaxweynaha uu inqilaabey, ugan dhaartey badaaqadihii ay madasha doorasho ku geli lahaayeen!! Jasiiradda sacaadadiin odey dhaqammdii loo diidey inay soo booqdaan , ee qaarkood xidhan yihiin,. dhul uu Riyaale leeyahay maaha ee waa dhul Somaliland, ma saldhig Dalka laga soo duulayaa , maxa salaadiintii sababtooda laguy saamaxay laftiisa lahaa loogu diidey booqashada hjasiiradda? Waxan uu iibka dhulkii danta Guud u iibinyaa iyada oo aan Hay'adaha sharci-Dejinta ee Ummaddu u igmatey sharciyeynta siyaasadaha maamul ee dalka aan la ag marininni inaan iibkaasu sharci ahayn  Axmaqiinta lacagta iskaga bixisaa sow ma oga. Berri ka maalin iib hanti qaran ama kireysi dhul aan oggolaashjo laga helin Hay'adaha sharci Dejintu, waa waxba kama jiraan ee ha la wada ogaado.!!
 
Daahir Riyaale mid in uu yaqiinsado weeye, Doorasho aanu carqaladeyn karin inuu waqtigii ummadda loo diyaarin lahaa , Guurtida go'yaasha faraqa isugu gunto maaha, Puntland Daawo-hoosaadkii , isaga iyo Xaabsade kaarta ayuub nagula ciyaaro maaha uu odey dhaqameedyada beesha cidhifka bari dhaqdhaqaajiyo .  Geelo soco oo awaxy kuugu daran tahay , maalinta aad ciin daqdo ayey ahayd, imikana Daahirow, Maalintii aad Mujaahid Maxamed Xashi iyo Odeygii Astaantya madax-Bannaanida Somaliland isku dhererisey ayey kuu dhammatey ee adiga oo aadmi karaamo leh xilka iska dhiib ama sioda ina Cali samater, waayo kuu hadhsane nooli kulabntee!!
 
Dr. Cal;i Cabdi Muxumed.

 


No comments:

Post a Comment