Monday, January 25, 2010

Tukaha waxaa Quraanka loogu sheegay waa Cadaaladiisa


Maqaalkan oon ka soo guuriyey maqaal Carabi ihi,  wuxuu sheegayaa in uu tukuhu ugu maskax badan yahay shinbiraha. Qoraagu wuxuu ka jawaabayaa sababta tukaha loogu doortay in uu bana'aadamka tusu sida wax loo aaso. Sadex Tusaale oo la yaable ayuu qoraagu soo qaadanayaa si uu inoo tuso tukuhu wuxuu sharaftaa la siiyey ku mutaystay.
 
Tusaalaha Koowaad -Cuquubada Tukaha shinbiraha yar yar cuntada  ka booba
 
Hadii uu tuke shinburaha yar yar ka boobo cuntadooda, cuquubada xadgudubkaasi waa tiiyo baadadka tukayaasha kale ka rifaan  illaa uu baad qudha oo uu ku duulo u  soo hadhi waayo. Waxaa loogu tala galay in uu xaalkaa ku jiro illaa inta ay baadadku dib ugu soo baxayaan si uu u dareemo dhibaatada haysata shinbiraha yar yar ee aan duuli karin.
 
Tusaalaha 2baad - Tukaha cufka ama buulalka tukayaasha kale burburiya
 
Cuquubadu tukaha cufka ama guri-shibireedka tukayaasha kale dumiyaa   waa tukahaa oo lagu amro in uu cuf ama buul kale oo cusub u dhiso tukaha buulkiisii la dumiyey
 
Tusaalaha 3xaad - tukaha tuke kale ooridiisa  fara xumeeya  
 
Cuquubada Tukaha,  tuke kale afadiisa fara xumeeyaa waa cuquubad aad u wayn. Tukahaa waxaa lagu xukumaa dil. Inta tukayaal kale loo diro oo la soo qabta ayaa madaxa sida tukayaasha kale maqaarkooga ugaga garaacayaan nafta looga qaadaa. Marka tukahaa danbiilaha ah nafta laga qaado, laba tuke ayaa qaada oo xabaal loo qoday ku soo aasa. Tukayaasha kaloo dhan maalintaa tukaha danbiilaha ah la dilayo fagaaare wayn ayaa  la iskugu yeedhaa si ay wax ugu qaataan.
 
Waxaan u malaynaya cadaaladaa tukaha  ka dhaxaysa in aanu xataa marxuumkaa tukaha ah ee la dilay wax diid ma ah ka keenayn.
 
Tukaha waan yasi jiree, imika laga bilaabo laakiin tukihii iga soo hor baxa gacan baan u taagayaa. Casharo waawayn ayey umada Somaliland siiba dawlada Somaliland ga baran kartaa cadaalada tukaha ka dhaxeeya. Bari dhaxdaasoon Somaliland tagay waxaan ka yaabay sida dhulka la iskugu haysto ee dhul nin iska leeyahay nin kale ugu qabsanayo. Haddii ay dawlada Somaliland cadaalada tukaha oo kale ku dhaqanto - oo qofkii qofkale dhul aanu lahayn kaga murma lagu xukumayo in dhul uu leeyahay laga  qaado ama xabsiga muda dheer la la ogaanayo qofina qof kale dhul aanu lahayn  dhayal dhayal  kumuu  murmeen.
 
Nabad iyo khayr ayaan idiin rajaynayaaye  - meel walbood joogtaan cadaalada ogaada
 
 
Mohamed Omer Maigag (Taag)
 
 
 
 
 


سبحان الذي أعطى كل شيء خلقه ثم هدى
cid:image001.png@01CA7B1F.0782DDA0

No comments:

Post a Comment