Tuesday, January 26, 2010

SOMALILAND: Warsaxaafadeed, XISBIGA KULMIYE TOGDHEER

JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND

Xisbiga midnimadda iyo horumarinta soomaaliland

(KULMIYE)

 

1/26/2010

Ref/  AAC/0003

 

Ujeedo: Warsaxaafadeed

 

Go'aanka Daahir riyaale iyo xukuumadiisa ee ah Axmed siilaanyo dalka soo galimaayo waa xaalad abuur ay doonayaan in xukuumada Daahir Riyaale nidaamka doorashada khalkhal ku galiyaan nabad gelyada dalkana ku waxyeeleeyaan.

 

Dastuurka Jamhuuriyadda soomaaliland waxaa bud dhig u ah in dalka lagu maamulo nidaam dawladeed oo dimuquraadiya,qaab dawladeed kaasna waxaa saldhig u ah in hay'adaha dawladeed (Government institutins) ay ku yimaadaan doorasho xor iyo xalaal ba ah, mudada xilkoodana uu dustuurku xadaynaayo.

 

            Sida aynu wada ka warqabno doorashooyinkii Jamhuuriyadda Soomaaliland ee madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanku waxay muddo dhaaf yihiin 2007-2010. Qabsoomid la'aanta doorashooyinka waa xil gudasho la'aan uu leeyahay madaxweynaha Daahir Riyaaleiyo xukuumadiisu.Sababtuna aytahay waa masuuliyadiisa uu dastuurku ku waajibiyey. Khilaafaadkii doorashooyinka ee dalka khalkhalka geliyey waxaa abuuray madaxweyneDaahir Riyaale Kaahin. Waxayna khilaafaad kaasi sababeen in taariikhda markii ugu horeysay ay bulshada caalamku soo faragelisay soomaaliland si ay heshiis uga dhex sameeyaan ismaan dhaafka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira soomaaliland. Arinta keliya ee bulshada caalamku inagu amaani jirtay mandaqada dhibaatooyinka ka jirana ay soomaaliland kaga samata baxday,(sida dagaalada khilaafyada siyaasadeed) waa wada tashi,wadahadal iyo isutanaasul. Arintaas qaaliga ahna madaxweyne Daahir Riyaale Kaahinayaa qaranka ka burburiyey, wuxuu na doonayaa inay bedesho isqabad,khalkhal siyaasadeed, nabadgelyo daro, in la bulburiyo dastuurka iyo shuruucda dalka iyo in lalaba dubleeyo hannanka dimuqraadiyadaiyo doorashooyinka.

 

            Arinta khilaafka doorashooyinka waxaa lagu soo afjaray heshiiskii lixda qodob,waxaana go'aan lagu wada gaadhay guud ahaan axsaabta qaranka iyo golayaasha qarankuba ay dhammaantood dadaal iyo xilkasnimo masuuliyadeed ka muujiyaan sidii ay u hirgali lahayd doorashada madaxtooyada,wada shaqayn na u yeelan lahaayeen.

 

            Shirkii jaraa'id ee Daahir Riyaale Kaahin  oo la filayey in uu kaga hadlo masshaakilaadka  ballaadhan ee dalka ka taagan sida:

·         Miisaaniyaddii dalka ee 2010 oo aan weli lahayn meesh ay kla baxday;

·         Musharka shaqaalaha dalka ee 4 – 5 bilood ka maqan shaqaalaha;

·         Qaraxyada kusoo badanaya soomaaliland mas'uuliyiin sa-sarena ay ku shinteen;

·         Xaaladda abaareed ee gobolda dalka intooda badan ka taagan;

·         Xaalada tahriibta

·        Xaalada shaqo la'aanta ee sabatay tahriibta iwm.

Waxaa keliya ee uu ka hadlay madaxweynuhu waxa ay ahayd Axmed Siilaanyo ayaa fadaraal ah iyo maxjarka sidii uu u noqday madaxweynaha maxjarka (malaha baryahanba waxa uu isu haystay madaxweynaha maxjarka,annaku waxaan u haysanaaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland waxaa kale oo si isburinaysa isaga barbar hadlay xubno door ah oo ka tirsan galaha wasiirada taasina waxay si cad u muujinaysaa haybad la'aanta golaha wasiirada Daahir riyaale.

 

Waxaa kale kale oo jira in khilaaf ka dhex aloosan yahay golaha Guurtida  kaas oo kamid ahaa khilaafyadii la soo afjaray dabayaaqadii 2009kii.Khilaafkan cusub waxaa si toos ah u abaabulay ugana mas uul ah Madaxweynaha Daahir Riyaale  ujeedoonikiisa ka dambeeyayna ay tahay in la bedelo gudoomiyaha Guurtida , kadibna ay u suurto gasho in dastuurka wax laga bedelo gaar ahaan qodobada doorasha madax weynaha khuseeya.

 

           Arintani waxa ay si toos ah u taabanaysaa rajadii shacabku ka qabay doorashooyinka, hanaanka geedisocodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliland  iyo naawiliddii ictiraafka shacabka Soomaaliland  ka sugayeen bulshada weynta caalamka, waxay kale oo ay dhaawacaysaa nabad gelyada soomaaliland.

 

           Xibiga Kulmiye  Waxaa uu aaminsan yahay in dhinacyada tartanka doorashadu ka dhaxayso ay hirgaliyeen lixdii qodob ee lagaga heshiiyay arimaha doorasha da isla mar ahaantaana ay ilaaliyaan hanaanka geedi socodka doorashooyinka gaar ahaan iyo guud ahaan dimuqraadiyadda.

 

           Khilaafka golaha Guurtida, Xisbiga Kulmiye waxaa uu aamin sanyahay inay dalka u keeni karto jaahwareer siyaasadeed oo horleh (political crisis) sidaas daraadeed madaxweyne Daahir Riyaale  iyo garabkiisa waxaa uu Xibiga Kulmiye    u soo jeedinayaa inay ixtiraamaan heshiiska lixda qodob ahaa ee lagu soo afjaray khilaafaad kii axsaabta iyo golaha qaranka.

 

          

           Xibiga Kulmiye    waxaa uu rumaysan yahay  aflagaadadii raqiiska ahayd ee gudoomiye Siilaanyo  ee madaxweyne   Daahir Riyaale   iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada kazoo yeedhay ay tahay gef sharciyeed iyo xaalad abuur madaxweyne Daahir Riyaale   ku khalkhal  galinayo arimaha doorashooyinka iyo nabad gelyada dalka.

 

 

Danta qaranku waa ilaalinta sharciga

 

 

Gudoomiyahaha xisbiga kulmiye

Gobolka Togdheer

No comments:

Post a Comment