Tuesday, January 26, 2010

Wax kasta oo la unkayo, maraaxil ayuu soo maraa, khamrigu waqti uu fasax ahaa ayaa jirey, haddaan maanta Aayaddaas soo qaato,sow maan badheedhin!!



Madaxdan dhakada ka abaaroobey ee taariikh halgan oo la soo marey, laga dhammaadey, kana dhalatey Dawladdan aynu maanta sidii caalamka aynu u gaadhsiin lahayn loogu dhiganayo isbaaraha , Fderaal ayey u socdaan!! Waxa aanan Dadkeyga ku aqoon in marka arrimaha xasaasiga ah ee jiritaankooda taabanaya laga hadlayo aanu caqligu shaqeynin oo aanay jawaabtoodu dhirbaaxo noqon !!
 
Arrintan Wareysiga uu Axmed Siilaanyo runta ka sheegey taariikhda, marxalad la soo marey kuna dhammaatey gooni isu taagga Somliland in loo ekeysiiyo maanta wax taagan waa jahliga creteriyada u ah Maamulka Riyaale!! Websiteyada maanta bal waxaad ka eegtaan Wasiir-Ku-Xigeenkii Arrimaha Dibadda , Axmed kayse oo Sarajoogga ku atixiyaadsabnaya, dafirayana in uu kiciyey fidnada iska hortaagga aan suuragalka ahayn ee Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye , Dalkiisa ku soo guya noqonayo wiiggan !! Xisbigii Cirsan ka yeedku , waa markii afraad ee isla Mawduucan uu wasiir ama ku xigeen ka hadlo isna wada buriyaan!!
 
Qur'aankeenna haddaad Eegtaan, mar baa jirtey khamrigu dadka muslimiinta ah u furraa oo keliya ay ka mamnuuc ahayd in loo dhawaado salaadda ilaa uu qofka xiskiisu joogo.
Madaxweynihii Dalku ma waxa uu isku qanciyey in uu sida aayaddan aan maanta loogu dhaqmi karin, uu marxalad maraaxilka halganka ah ku dabbaqo muwduuc imika jooga !!
Si kale Haddii aan u dhigo , Dad Muslimiin ah ayeynu nahay, haddii aad eegtaan, Suuradda Almumtaxinah ee qur'aankeenna kariimka ah, Ilaahay waxa ummadda islaamka ugu sheegayaa cidda ay talada u dhiibanayaan, Aayadda 7 & 8 bal eega . Ficilladii Riyaale ee uu kaga midka ahaa kuwii Ummadda xasuuqayey ee qixinayey , wey kaba xaaraantimeyneysaa in uu talo ummaddan u qabto iska daaya hoggaanoo!! Dadweynaha ayuaan uga tegeyaa fallada iyo xukunka arrintan.
 
Waxan oo hoobali bilaash ah, Riyaale Daamurka aanu cagaha ugu gelinney Heshiiska Bulshada Caalamku goob joogga ka ahayd , sidan uu kibaashka iyo qobtolka aan islahayn isugu tolayo, ama dilalka , qaraxyada iyo Xadhigga iyo hanjabaadaha aan aabbaha lahayn ee Mas'uuliinta Siyaasiyiinta ah uu Maamulkiisu hadba meel caroogga radioyaowga Madaxtooyada kaga hadlayo, kuma joojin karo , ma carqaladeyn karo, iskumana hortaagi karo Doorashada loo fadhiyo ee waxan oo dhan ay ku kallifeyso yaqiinta uu ogyahay in Bulshadii Dalku iskaga hulleeshey. Riyaale hortiisa waxa ah Sanaadiiqdii iyo Doorasho, waxa daba socda Bulshadii Dalka oo Labaatan sano , Nabad baa haysataan ku quraacaneysey, qadeyneysey, casheyneysey, dhibaatan badan oo Sicir-barar iyo shaqo l'anna qabtey oo samreysey bal in ay nabadgelyo ku gaadho doorashada uu Geeddi sodku ku dhammaanayo Siyaasadeed!!
 
Daahir waxaan leeyahay, Mudane  Doorashadii ayaa aa horreysa , Bulsho Gadoodsanina wey ka dambeysaa, Xarako qudha haddii ay dareento aad ku wiiqeyso Doorashada , naftaada ayaad eersan doontaa!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed.


No comments:

Post a Comment