Sunday, January 24, 2010

TACSI GEERIDA MARXUUM AADAN CILMI AXMED ( Shuuriye)

TACSI GEERIDA MARXUUM AADAN CILMI AXMED



Anigoo ku hadlaaya magaca Odayaasha Soomaliland ee Wales waxaan tacsi u dirayaa, xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan Jaalidda Soomaliland ee Wales iyo degaanka Burco oo uu ka soo jeeday Marxuum AADAN CILMI AXMED oo oo loo yaqaanay (SHUURIYE) oo ku geeriyooday maanta 24//01/2009 magaaladan Cardiff.

AADAN CILMI AXMED Alle ha u naxariistee waxuu ahaa nin oday ah oo ka sii joogaa ragii jaaliyadda ugu muddada dheeraa ee degganaa Cardiff. Waxuu ahaa nin hawlkar ah, shaqo jecel, bad-mareen tijaarada waxbadan ka tijaabiyey. Nin halgankii SNM iyo nabadeyntii bulsho-weynta Soomaliland qayb weyn ka qaatay. Siyaasadda gudo iyo debedba aan ka maqnaan, arrimo bulshana aan ka gaabin, nin aftahan ah oo xaqqa ku dhiiran ayuu ahaa.

AADAN CILMI AXMED (Shuuriye) waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo



No comments:

Post a Comment