Sunday, January 24, 2010

Dhanxiir iyo Shahaado sharfta Siciid Sulub

Dhanxiir iyo Shahaado sharfta Siciid Sulub

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'sir ma qabe Allaa u sahan ah.' Qaraxyadan, dilalka shirqoolada ah, miinooyinka meelahaa la dhigdhigo in xukuumadda iyo saraakiisha ammaanku ka dambeeyaan maanta ayey cadaatay, kol hadii uu taliyaha saldhigii Laascaanood ee la qarxiyey isaga oo naftiisa u baqanaya masaajid kaga dhex dhawaaqay in saaraakiisha boolisku fidnada oo dhan wadaan.

Weger; Adeer; maalintii taliyaha sirdoonka Sool la xidhay ayuu ummadda tuhunkii ka baxay oo wax waliba cadaadeene iga daa warkoodoo waxaad ka warantaa tii shahaado sharaf ahayd maxay dhimatay, bal eega Siciid Sulub-kan dhulkii danta guud feentay ee biriijkii Hargeysa u qaawan yahay ee lagu tisay, mise tallow waa loo qariyee waa tii boobka hantida.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment