Thursday, January 28, 2010

UDUB MAXAY SAWIRKA IYO WARARKA AY FICILKEEDU SAMEEYEEN UGA GUBANEYSAA?!!


 
Bulshadu  waa  "Candid Camera" kamarad qarsoon oo intaas wax duubeysa, waa archieve taariikheed oo ogaal ah. Talisyada aqoonta ka baylaha ah, waxa had iyo jeer u caado ah, qoraallo yaalla oo ay ka murmaan, wax ay si u doonayaan oo ay si kale u qabtaan, Ammaan aanay lahayn , muteysanna oo lga fidiyo lagana sheego. Waxay ummadda ugu neceb yihiin, Saxaafadda aan sida ay dooneyso Ammaan ku rusheyn. Weerarka beryahanba ku socdey saxaafadda oo aynu ognahay in kii ugu ugu dambeeyey ahaa Wargeyska Jamhuuriya oo tifatirihiisa looga yeedhey C.I.Dda, waxa loogu yeedheyna yahay wax aan meesha leekeyn oo aan asaas qaanuun lahayn ee Cagajugleyn looga jeedo!!
 
Innamada uu Jug-Soo-Dhacayna u soo dhigtey, markii ay wasiirro iyo wax ka sarreeyaaba ku daaleen inay u rakoocaan culeyska uu Maamulka Riyaale isugu habar wacdey si loo wiiqo Madax-bannaabnida Saxaafadda Curdinka ah ee Somaliland. Muqaawilkan soo luggo'ay ee weliba ay webka ku jiraan sida uu talo-bixinta ula lahaa maamulkii Afka u dhacay , isaga oo waqtigaa joogey France, waxa ka maqan in ay dhallin yaradani sida ay u da'yar yihiin anay ahayn ee ay yiihiin kuweii dhagaxa ku eryadey Afweyne, Kaare , Suug iyo BMna aan waxba u ogeyn!! Xidha!! waa afka dadka suunka-hoostiisa ka hadla, meelna kama soo gala xorriyadda ra'yigu ereygan foosha xun leh, waayo Dastuurka Xorriyadda iyo Lafahan dadka , katiinadaha iskugu xidhan ee Daadadku soo saaraan, mar kasta oo uu roob da'o UDUB wey ka indho la'dahay in ay u dhinteen si inta noolaataa, xorriyad ugu hadasho.
 
Saxaafaddu waxa ay qortaa , waxa uu Maamulka hadba jiraa hawl gal ah ee uu ku kaco iyo waxa ay bulshadu ka tidhaahdo ama ka yeesho iyo sida ay u qaabisho. Innamada iyo Gabdhaha sida ammaanta iyo sharafka mudan uga dul boodey letter Presskii iyo dhibatadii Naxaastu ku haysey farsamo yaqaannada marka ay columnska xidhayaan, ee Siber-Ageka Sonmaliland soo Gaadhsiiyey Adduunka oo dhan in laga Daawado lagana Akhristo wararka Dalku " Shahaado Sharafta Darajada Koowaad ee qaranka ayey ka istaahilaan Ummadda, ee jug soo dhacay halka uu ka dhalliiley saxaafaddu waa macruuf.
 
Haddii waxa keliya ee Maamulkan laga sheegi karaa noqdey Dhulkii Danta Guud oo ay u kala baratameen iibintiisa, Dhoofkii Xoolaha oo uu Afweyne ka xishoodey in uu ajnebi gacanta u geliyo , oo ay u gesheen weliba ugu xidheen kooto loo xaddidey Sicir aanu Dalka Gudihiisa ka joogin iska  daa dibadoo. Waxa ku xiga shidaalka qaranka oo aan sinaba sharikad ama shakhsi ajnebi ah gacanta u geli karin, waayo waa shey halbowle u ah Amniga iyo Ganacsiga Qaranka!! Waxa aynu aragnaa in Sanaag-bari oo ah dhul Somaliland leedahay ay iska maamulato Puntland oo Laas-qorey looga dhigey Saldhig Budhcad badeedda !! T/vga Madaxtooyaduna nagu suuxinayo "Somaliland Dalkeyga" Marka waxan oo dil ah , qaraxyo aqoonsare daadihineyso oo meel fog laga maamulayo ay barriisteen shicibka axraarta ah ee Laas-Caanood , Maamulkuna waxba ka qaban waayo,
Jug soo dhacay, Saxaafadda ma sidii warsame indhoole ayuu doonayaa in qaraxyadan ubax ka  dhigaan. " Jaalle warsame, waxa uu soo indho-indheeyeyna, aan lagu beddelin, Jaalle Warsame waxa uu soo dhegodhegeeyey !!, illeyn Warsame, Ummaddu wey taqaan oo waa indho la'yahaye!!
 
Mr. Axmed Xasan Cawke iyo Sheekadii Warsdame-indhoole ayaanu doorkan ku dhaafeynaa weerarka Saxaafadda  ee uu Xoghayaha Guud ee xisbiga Udub ku qaadey Saxaafadda iyo Jamhuuriya gaar ahaan, oo uu Muwaadin Dhanxiir Attore ka yahay. Ha noolaato , hana waarto saxaafadda Somaliland.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed



No comments:

Post a Comment