Wednesday, February 24, 2010

Dacwad Xaasaasi ah oo ka Socota Maxkamadda Degmada Burco oo soo Jiidatay Indhaha Dadweynaha

Dacwad Xaasaasi ah oo ka Socota Maxkamadda Degmada Burco oo soo Jiidatay Indhaha Dadweynaha

Guddoomiyaha Maxkamadda Burco oo codsi u dirsaday wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay'addaha caalamiga ah

Burco (Jam). Dacwad ka socota maxkamadda degmada Burco, ayaa noqotay mid si weyn u soo jiidatay indhaha bulshada magaalada Burco, taasoo u dhaxaysa laba qoys oo ka soo kala jeeda maamul-goboleedka Puntland iyo dalka Itoobiya kuwaasoo isku haysta gabadh yar oo da'deedu tahay 5 sanno jir.

Hooyada lagu haysto gabadha yar oo lagu magacaabo Aasiya Maxamed Cali oo ka soo jeedda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa lagu eedeeyey inay ilmahan ka soo xaday magaalada Bender-beyla ee ka tirsan degaanka Boosaaso ee Ismaamulka Puntland, ka dibna ula soo baxsatay dhinaca magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, hase yeeshee hooyadan oo ay shalay magaaladda Burco kula kulmeen weriyayaal Jamhuuriya ka tirsan ayaa ku doodaysa in aanay waxba ka jirin eedaynta loo soo jeediyey ee ah inay ilmaha yar soo xaday, waxayna sheegtay inay ilmahan yar ku dhashay kililka 5aad ee Itoobiya.

Hooyada Oromada ah ee gabadha yar lagu haysto, ayaa sheegtay in aanay waligeed arag Puntlnad oo ay ku nool yihiin qoyska muranku ka dhexeeyaa, iyada oo xustay inay sannad ka yar ku noolayd magaaladda Burco, isla markaana aanay dhinacna u dhaafin, sidaa darteedna ay iyadu tahay hooyada dhabta ah ee dhashay ilmaha la isku haysto.

"Waxaa laygu soo weerary xaafadii aan deganaa oo laygu waa lagu haystaa ilmahan ka dibna saldhiga Booliska ayaa nala geeyay," ayay tidhi; hooyo Aasiya Maxamed Cali, iyada oo ay iyada iyo ilmaha yare e la siku haystaa hadda ku sugan yihiin guriga guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Jaamac Cabdilaahi Biin, halkaasi si dhex ah loogu dhiibay, inta maxkamadu g'aan ka gaadhayso qoyska loo xukumayo.

Sidoo kale qoyska reer Puntland ee sheeganaya in laga soo xaday gabadha yare e Shan jirka ah, ayaa horaantii bishan dacwad u gudbiyey maxkamadda degmada Burco, taasi oo ay ku sheegeen in gabadha yar laga soo xaday sannadkii 2008-dii, sidaa awgeedna markii loo sheegay in ilmahoodii lagu haysto Buco ay ka daba yimadeen.

Cismaan Aadan Yuusuf oo ah aabaha sheeganaya inuu dhalay gabadha yare ee dacwadeedu ka socoto Burco oo hada ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland oo weriyaha Jamhuuriya ee Gobolada Bariga Somaliland Mr.Kayse Axmed Digaale khadka telefoonka kula xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo gabadhayar ee shan jirka ah ee muranku ka atagan yahay, ayaa yidhi; "Gabadhan yar anagaa dhalnay,sanad ka hor ayay naga halowday iyadoo adhi la joogto degaanka Bender-bayle ee ka tirsan Boosaaso, ka dibna waxa naloo soo sheegay in lagu haysto magaalada Burco,halkaasoo aanu tagnay ka dibna waxaanu halkaa kala kulanay cadaalad-darro weyn, gabadha Oromada ah ee ilmahayaga haystana waxa loo qabtay looyar u dooda oo ay u qabteen ururada u dooda xuquuqal-insaanka."

Waxa kale oo aabo Cismaan Aadan intaa ku daray in gabadha yar ee la diiday in si dhex ah loo hayo, maadaama inantii yarayd iyo hooyadda haysataba la dejiyey guriga badhasaabka Gobolka Togdheer, isaga oo xusay in markii xaaskiisu soo booqo is tidhina la xidhay.

Waxa kale oo aabahani caddeeyey inay saddex qodob ka codsadeen maxkamada degmada Burco kuwaasi oo kala ahaa in sharciga islaamka lanagu kala saaro, in DNA-da lagu kala saaro dadka cid madaxbanaan loo igmado oo lacagta ku baxaysana ay iyagu bixin doonaan iyo in dhegaysiga kiiskan dib loogu soo celiyo Puntland, maadaama gabadhayar halkaa lagala baxsaday, isaga oo xusay in laga diiday meel marinta saddexda qodob ee ay u gudbiyeen maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Burco Md. Maxamed Jaamac Cashuur oo isagu kiiska inanta yar ee labada qoys isku haystaan gacanta ku haya ayaa u sheegay Jamhuuriya, in dacwaddani ay wali socoto oo aan go'aan laga gaadhin, isla markaana uu yahay kiis culus oo u baahan in si weyn looga fiirsado.

Waxa guddoomiyuhu intaas ku daray inay maxkamad ahaan codsi u gudbiyeen wasaaradda caafimaadka iyo hay'adaha samafalka ee caalamiga ah, kaasoo uu sheegay inay codsigooda kaga dalbadeen inay gacan ka siiyaan sidii ilmahan looga qaadi lahaa DNA-da si loogu kala saaro ayuu yidhi labadan qoys ee isku haysta, balse wuxuu guddoomiyuhu carrabka ku dhuftay in haddii ay suurto geli weydo ka qaadista DNA-du, in lagu kala saari doono shareecada islaamka iyo sharcigu wuxuu dhigayo, isaga oo guddoomiyaha maxkamaddu xusay in kiiskan ay mudo hayeen Laanta Baadhista dambiyad booliska ee CID-du, ka dibna ay maxkada u soo gudbiyeen.

Dacwadan u dhaxaysa labada qoys ee ka soo kala jeeda Puntland iyo Itoobiya, ayaa noqonaysa tii saddexaad ee nooceeda ah ee soo marta maxkamadda Degmada Burco, waxayna dacwaddani noqotay mid si weyn ay ula socdaan indhaha dadweynuhu.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment