Thursday, February 25, 2010

Somaliland: xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Askarta Booliska Kaantaroolka Boorama Ay Xadhig, Cago Juglayn Iyo Baadhasho Kula Kaceen

xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Askarta Booliska Kaantaroolka Boorama Ay Xadhig, Cago Juglayn Iyo Baadhasho Kula Kaceen


"Markaan Tusay Aqoonsigaygii Waxay Igu Yidhaahdeen Ma Baarlamaanka Somalia Ayaad Ka Tirsan Tahay, Intay Gaadhigii Iga Dajiyeen Ina Tukhaan Tukhiyeen Ayey Jeebadahaygiina Baadheen"

Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan


Hargeysa, February 25, 2010 (Haatuf) – Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee xisbiga UDUB lagana soo doortay gobolka Hargeysa isla markaana ka mid ah xubnaha firfircoon ee sida wayn u taageera madaxweyne Rayaale, ayaa sheegay in ciidanka booliska ee jooga kaantaroolka bari ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal inay maalintii shalay mudo 20 daqiiqo ah ku xayireen kaantaroolkaasi xadhig, cago juglayna, hanjabaad iyo baadhashaba ay iskugu dareen isagoo intaa ku daray in hanjabaadahii ay askartaasi u gaysatay ahaayeen kuwo qaranimada Somaliland wax u dhimi kara, tilmaamayna in goobtaasi lagaga dhacay baasaboor uu sitay iyo lacago doolar ah oo jeebada ugu jiray.


Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo wargeyska Haatuf uga waramay xalay dhacdadaasi ayaa waxa uu yidhi "muda laba maalmood oo aan safar ugu maqnaa magaalada Boorama oo aan shalay subax ka soo kicitimay, ayaa abaaro 9-kii mar aan soo gaadhay kaantaroolka laga soo galo lagana soo baxo ayaa waxay i yidhaahdeen askartu ma bixi kartid, askari taraafiya ayaa yidhi keen waraaqdii wado marista waxaanan ku idhi waa kuwaa sharcigii wado maristu wax laygu leeyahay sanadkii horena ma jiraan, wuxuu igu yidhi buugii gaadhiga keen, waxaan ku idhi ma hayo, waxaan ku idhi hadana masuul xildhibaan qaran hayaan ahay ka dib wuxuu igu yidhi gaadhiga ka soo dag, waan ka soo dagay askartiibaa isku weer iga qabatay markaan u sheegay inaan xildhibaan qaran ahayna wuxuu igu yidhi ma xildhibaan baarlamaanka Somali ka tirsan baad tahay. 


waxaan ugu jawaabay xildhibaan baarlamaanka Somaliland ka tirsan baan ahay ee adeer sawtaynu Somalia kala go'nay, intaa ka dib xidha buu yidhi sharcigu ma ogala baan ku idhi in lay xidho maadaama aanan wax danbiya gacanta kula jirin, ka bacdi askartii way i tukhaan tukhiyeen oo jeebadahagii bay gacanta ula tageen oo ay galalafeen oo intay i baadheen ayey wixii ku jiray kala baxeen, intaa kadib meel bay i fadhiisiyeen mudo 20 daqiiqadood ah ayaan kaantaroolkaa ku xidhnaa, waxaan ku idhi bal ii ogalaada inaan dib ugu noqdo magaalada hadaad ii diideen inaan gudbo ka dib way iga diideen, markaan mudo ku dhaw saacad badhkeed fadhiyey ayaa waxa soo maray kaantaroolkii nin caaqil ah oo la yidhaahdo Xasan oo i garanayey markuu woxogaa iga maslaxay askartii waxay ogalaadeen inaan iska amba baxo, markaan cabaar soo dhaafay kaantaroolkii ayaa jeebadahaygii baadh baadhay  dabadeed waxaan ka waayey baasaboorkaygii Somaliland-ka ahaa iyo lacag doolar ahayd oo iigu jiray, waxaanay halkaasi iigu gaysteen aflagaadooyin iyo hanjabaado aan qaadan kari waayey oo qaranimada iyo bulshada reer Somaliland hadaan sheego khatarta iyo cawaaqib xumada ay keeni karto masuuliyada i saaran darteed ayaanan u soo bandhigi karayn xadgudub yadii jariimada ahaa iyo hadaladii naxliga ahaa ee ka soo yeedhayey askartaasi booliska ah sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa hay'adaha amaanka ee xukuumada in si dhakhso ah baadhis loogu sameeyo ciidanka booliska eek u sugan kaantaroolka Boorama, hadaan wax laga qabana waxay ku keeni kartaa Somaliland arin qaranimada cawaaqib xun ku keenta, waana in si dhakhso ah baadhitaan loogu sameeyo kooxda kaantaroolkaasi ku sugan ee ku kacaya falalka aflagaadada iyo cago juglaynta ku salaysan ee naxliga abuuraya.


S: Maxaa keenay adigoo xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland in askartaasi ay ku hadaaqaan ma xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaad tahay ?

J: Waxaan u arkaa wax ku qufulan inay ahaayeen in erayadaasi ay afkooda soo mariyaan, hadaan talaabo sharciya oo dagdaga laga qaadina waa arin qaranimada saamayn ku yeelan karta.

S: Maxaaa ka mid ahaa aflagaadooyinka laguu gaystay ee aad afkaaga ka dhawrayso ?
J: Waxaa la yidhi nin reer u wayn iyo naag naago ka umulisay midkoodna siday wax u ogyihiin uma sheegaan baa la yidhi, masuuliyada qaran ee i saaran awgeed ayaan afkayga uga dhawrayaa inaan ka waramo, waxayse ahaayeen kuwo fidmo abuuraya oo qaranka dhabar jab ku noqonaya.

S: Askarta kaantaroolka joogtay miyey u dhamaayeen baadhitaanka ay jeebadahaaga kula kaceen, miyaanadse tusin aqoonsigaaga xildhibaanimo markay falalkaasi xadgudubka ah kugula kacayeen ?

J: Runtii cago juglaynta, aflagaadada iyo baadhashada laygula kacayba way u dhamaayeen askarta kaantaroolka joogta.

S: Ma la odhan karaa askartu aqoon bay u lahaayeen xilkaaga xildhibaanimo iyo shakhsiyadaadaba, balse ujeedo kale oo ay kuugu badheedheen ayaa jirtay ?

J: Waxaan qabaa inay aqoon ii lahaayeen maxaa yeelay aqoonsigaygii xildhibaanimo ID-card waan tusay waanay ku qanci waayeen.

No comments:

Post a Comment