Maansha Allaah; Alleylehe, Cali Guray waa taa xiniintii mujaahidnimadu damqatay ee sheegay in Siilaanyo yahay halgamaa dalka iyo dadkaba ka mudan ixtiraam, ciddii wax ka sheegtaana dambi gashay. Eesh calaa raganimo, shalayna waa biyihii iyo huubihii ayaa kala miirmay oo shacbiyaddii wadaadku sida qorraxda ayey arlada u wada ifisay, niman aan ogahayna muraara-dillaac bay la hulaabteen. Weger; Adeer; dadku inuu wada KULMIYE iyo midhadh dhex jooga yahay caad ma saarna oo waxa caddaynaya sida Aw Rayaale shalay madaxtooyada u moostay markii uu ka baqay inay dadkii sida hirarka mawjadaha badda isaga soo daba dhacayey harqiyaan, UDUB-na sidii ugaadh aar libaax mudh ku soo yidhi midba halkii u bannaanayd ka dusay. |
Jamhuuriya Online |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Friday, February 5, 2010
DHANXIIR..CALI GUREY IYO SOO DHAWEYNTA SIIAANYO
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment