" Marka aad nin hiilloo, laga baqo baqo hashiisiyo , hal abuur dhashaaba , hooyo lagu xasuustaa !! ) Heestii hooyo. Waxa Xusid innaga mudan, inaynu is xasuusinno, laba erey oo aynu had iyo jeer maqallo, lakiin inta ereyadan qolofta iyo Xuubka ka saarta ee dhuuxda nuxurkeedu innagu yaryahay!! "Dhulka Hooyo" arrintu kol haddii ay waalid tahay, maxaa loo maqli waayey"Dhulka Aabbo? " Afka Hooyo, Cajiib!! Afka Aabbo Maxaa diidey. Ereyada "Dal" iyo "AFafka lagu hadlo" waxay muujinayaan beerid dad ku soocma oo ummadaha lagaga garto isku wareegga dhulkaas oo ummaddas u gaara iyo Afkaas oo Ummaddaas u gaara, sida ay hooyadu ugu beerto ubadka idamka Alle Uurkeeda, ayaa labadanna ummad lagu sawraco Degaan iyo Af u leeyihiin, Aabbose lab buu noqdey!! Qaraxyada Caadada noqdey ee Laas-Caanood & Go'aan laanta furan: Tan iyo Maalintii la diley Taliyihii Ciidnka 12aad ee qaranka , oo ay jawaabtii jilicsaneyd ee Maamulku ka bixiyey , qaraxyadii ka horreeyey iyo Argagixisada ummadda inay layso usoo duushey ee lagu quudinayo weliba jeelka arkeen, ay ku dhiirradeen tanna, waxay irbadda Maroodiga loo qalayo Maxkamad geynta qadiyaddan Dilka taliyuhu, goobtan remote Controlka laysla daba socdo ee Tallaabada xuduudda Dawliga ah u jirta, waqti loo iibinayo kuwa u eedeysan qadiyaddan iyo inta ka dambeysaba ma u eegtahay? Maxay noqoneysaa haddii Alle kama dhigee qarac lagula baxo?!! Labada sarkaal ee lagaga diley Laas-Caand Dalka , Billad Geesi iyo Dallacaad ay muteysteen haddaan ubadkooda la gaadhsiin weynu duudsiney!! Midna Cadowgii Damaca Beynteynka ah Dalka ku wadey ayaa tab kala bixi-waayey, Taliyaha Hawlgelinta Booliska Gobolkuna , Xididkii ay ka dhaqaaqeysey Argagixisado ayuu taabtey oo qabashadooda uu haabhaabanayey, taas oo cabsidaasu ku simiweydey in ay ka eegtaan meel aan Masaajid ahayn!! Alle ha u Naxariisto labadaba, walleese, dhiggooda dhagar-qabe lama ledo. Waxa ay ka dhinteen Ummadda Somaliland, waxa ay u dhinteen Difaaca loo mari waayey ee Dalkooda iyo Bulshada ay Difaacayeen iyaga iyo Hantidooda oo dad iyo duunyaba leh !! Haddii aan kuwan oo aynaan ogaan ciddii laysey, cidda ka dambeysey, khadka loo adeegsadey , waxa ka soo baxaya Maamulkeenna ee dhaqan xumada Mas'uuliinta qaarkood is-hortaagayaan Dastoorka qaranka, sida wasiirkan Xann.Xoolaha, ee diiddan in uu Guddi-hoosaadka Guddiga dhaqqaalaha Golaha wakiillada hortago, si wax looga weydiiyo hanti ummaddu lahayd oo lagu qaaday Maxjarka Aljaabiri , lagana waayey Buugaagtii Dakhliga qaranka!! laynagu mashquuliyo ama laynagaga jeediyo la socodka qaddiyaddan, sow ma lunsana shakhsiyadda dalkani?!! Haddii ay arrini soo noqnoqoto, laba sheyba waa suurtogal, in aan loo hagar la'ayn iyo in kuwa ka mas'uulka ah xilkeeda, ay laftoodu mushkildda ka mid yihiin !! Caqli haddii aynu hadlyno, Siddeeddanb wasiir ee lbada qarax ka dhaceen magaalada ay joogaan ee ruqi la'i, maxay ahayd raqdan ay ku fadhiyaan?!! Shaqo Maxkamad Ciidan iyo Badhitaan Ciidan Garaney ee Siddeedda wasiir kuusha kaga go'dey Laas-Caanood waa maxay ee xilkii ay ummadda u hayeen ka haystaa!! ? Territorial Integrity(ga) dalka maxaa loogu khamaarayaa ee waqtigan Sanaag-Bari oo Maamulka Puntland sharci darro isaga Maamulanayey loona daayey ay imika u bilaabeen in Maraakiib loo soo afduubo ee Hoggaanka Dalku uga dhegoolanayaa? Maamulka Somaliland irbaddan uu maroodiga ku qalayo qadiyadahan Amniga qaranka taabanaya, Wasiirrada Dawladda ee Dastuiurka dalka iskala weyn ee ha'addii fulintuna dhinaca kale eegeyso, ma eegan karro waqti aanay duruufto saamaxayn dulqaadasho dambe oo khataraha dalka ku xeerani badan yihiin, ee waa in ay xil gudasho degdeg ahi ka muuqato, haddi kale uu aqbalo in uu mushkiladda laftiisu kla mid yahay!! Dr. Cali Cabdii Muxumed |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Saturday, February 6, 2010
Ila doona ,shakhsiyaddii Dakan oo lunsan !! (Qaybtii 2aad..)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment