Monday, February 22, 2010

Dhoolatuskii KULMIYE Ee Manchester Iyo Digarogashadii Dhalinyaradii UDUB Kasoo Baxday

Dhoolatuskii KULMIYE Ee Manchester Iyo Digarogashadii Dhalinyaradii UDUB Kasoo Baxday

Dhoolatuskii KULMIYE Ee Manchester Iyo Digarogashadii Dhalinyaradii UDUB Kasoo Baxday

 (Somaliland.ORG, Manchester England) Waxaa magaalada Manchester ee cariga Ingiriiska lagu qabtay shirweyne aad loo soo agaasimay, waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey Jaaliyada degan waqooyiga Ingiriiska oo ay hormuud ka tahay Laanta KULMIYE ee Manchester.

Shirka ayaa loo soo agaasimay si aad u qurxoon, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay dadweynaha waqooyiga Ingiriiska degani ay fursada u heleen in ay la kulamaan; Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdiqadir, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gollaha Wakiilada Cabdicasiis Samaale, Cabdi aw-daahir, Dr Maxamed Cabdilaahi Omar, Axmed Cali Cadami, Abiib Timocade,  Xildhibaan Ikraam Xaaji Daauud, Cismaan Saxardiid iyo masuuliyiin kale oo badan. Waxaa kaloo joogay goobtaas, si weyna uga qaybqaatay shirkan xildhibaano dhawra oo ka mid ah gollaha wakiilada, waxaana ka mid ah Aadan Tarabi iyo Xildhibaan Dhaahdheere oo labaduba ka tirsan xisbiga UDUB,  iyo xubno  kasocday Ururka UDHIS.
ta aanan u gudbin shirka iyo sidii loo daadihinayey, waxaan jeclaa in aan xuso, in dhamaan xubnihii ka hadlay shirka ee KULMIYE, ay gudbinayeen fariin ah in la sii daayo, lamaanaha u dhashay Britain ee lagu afduubay dalka Somaliya, waxayna ka codsadeen budhcadaas haysata lamaanahaas in ay iska sii daayaan, iyaga oo sumcada Somalida illaalinaya, dhawraya xuquuqda lamaanahaas kana feejignaanaya in aanay denbi gelin. Shirka ayaa isaga oo isku duuban fariintaas gudbiyey.

Shirka iyo Furitaankii Xaflada.

Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrifoonka guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee cariga Ingiriiska, Ibraahim Xuseen Dakhare, wuxuuna halkaas ka soo jeediyey kelmado kooban oo uu ku guubaabinayo xubnaha ururka iyo guud ahaan laamaha Uk, wuxuu tilmaamay hawlaha horyaal Xisbiga KULMIYE, wuxuuna hadalkiisii ku soo koobay, in loo baahan yahay taageerada xubnaha, weliba taageerida dhaqaale ay laf-dhabar u tahay dedaalka xisbugu ku jiro ee ka midho dhalinta dimoqraadiyada. Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay, "balankeenu waa hawl badan iyo hadal yar."

 Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha Laanta Manchester, Mudane Faarax Xasan Jagac, wuxuuna soo dhaweeyey isaga oo ku hadlaya magaca laanta, wufuuda xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga ayuu Faarax madasha ku soo dhaweeyey.

 Waxaa halkaas ka hadlay Guddomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu sidoo kale isagu si gaar ah ugu mahadnaqay dhamaan taageerayaasha KULMIYE oo si mug leh ayuu yidhi, isaga intii uu shilka galay isu barbar taagay, wuxuu kaloo uga mahadnaqay taageerada ay xubnaha reer UK la barbar taagan yihiin xisbiga. Isaga oo arrinkaas sii iftiiminaya wuxuu yidhi  "Haddii aynu doonayno in aynu xukuumada noocaas ah ee dhaqaalaha dalka boobtay ee hanta boobka ah ee dhul boobka ah, ka guulaysano, waa in aynu xisbiga xagga dhaqaalaha ka taageerno". Isaga oo sii sharaxaya wuxuu yidhi " Xukuumadu waxa ay nagu ceebaysaa in aanu dadka wax waydiisano, annagu hantida ummada ma boobno, haddiise ay ceeb noqotay in aanu taageerayaasha wax weydiisano, waa cajiib, annagu hantida ummada ma boono, hadaanuse leenahay waanu waydiisanaynaa taageerayaasha oo idin waydiisanaynaa taageero".

Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada Maxamed Cabdillaahi Cumar, wuxuuna sheegay barnaamijka Xisbiga ee doorasho, wuxuu sharaxaad ka bixiyey siyaasada arrimaha dibada ee xisbiga KULMIYE hadduu xilka qabto. Wuxuu xoghayuhu ka hadlay in maanta ay xisbigoodu si mug leh uga hawlgalay siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, ka dib markii xukuumada Somaliland ku hungoowday, isaga oo ka hadlaya wuxuu yidhi " Waxaan odhan karaa, maanta waxaa cad in xukuumada Somaliland ay u dhaqmayso sidii xisbi mucaarad ah, annagu aanu u dhaqmayso sidii xukuumad, marka aynu ka hadlayno arrimaha dibada." Wuxuu kaloo ka hadlay Budhcad badeeda iyo agabka ay haystaan ciidamada badda Soamliland ee ku hawlgalaan, isaga oo barbar dhigay dayaca ciidmada badda, hantida iyo mushaharka Madaxweyahana oo ah bishii, waa sida uu hadalka u dhigaye " Madaxweynaha Somaliland mushaharkiisu bishii waa $62000, mushaharka intaas leeg ma qaadan doono haddii la doorto Siilaanyo, umana baahna." Ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay oo hadalo qiiro leh ka soo jeediyey, Cabdi Aw-daahir, oo si qoto dheer ugu dheeraaday waxa uu KULMIYe kaga duwan yahay Xisbiga UDUB. Isla markaana soo bandhigay in barnaamijyada kala duwan ee Xisbiga KULMIYE hirgalin doono hadii talada uu gacanta ku dhigo, oo ayugu horayso Wasaarada caafimaadka, oo uu sheegay in Xisbigoodu u sameen doono qaab tayo leh, isla markaana aanay faro galin siyaasadeed ku sameen hawl maal meedka shaqo ee dhakhaatiirta. Waxaana Dr Abdi Aw-Dahir Cambaareeyay eriskii 13 dhakhtar ee dhawaan xukumadu shaqadoodii ka eriday, iyaga oo danbi ay galeen jirin.

Ikraam Xaaji Daa'uud ayaa iyana hadal kaftan iyo baraarujin isugu jira ka jeedisay madashaa. Waxaana Ikraan ku booriday haweenka Somaliland ee qurbajooga ah, in ay ka qayb qaataan is bedelka siyaasadeed ee manta la rabo in dalkii laga sameeyo. Xisbiyadana kula xisaab tamaan waxqabadka siyaasadeed ee markaa ay u sameeyaan bulshada ay doonayaan in ay xukumaan.

 Abiib timocade ayaa isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay. Waxaana u sheegay in geesiyaal badani halgankii SNM naftoodii ku waayeen, halgan ka maantana Somaliland la rabo lagu badbaadiyana uu yahay mid dhaqaale iyo cod lagu badbaadinayo, sidaas darted dadka qurbajooga ku taageeraan Xisbiga KULMIYE dhaqaale. Maadaama iyagu aanay codeenayn.

 Cismaan Saxardiid oo dhawaan uu Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE u magacaabay in uu yahay Xidhiidhiyaha Qurbo-jooga KULMIYE. Ayaa isana halkaas si aad u xamaasadeesan uga hadlay, wuxuuna sheegay in muhiimada ugu ween ee uu uga soo dhoofay Mareekan tahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa, Xisbiga uga taageeri lahaa u diyaar garowga olalaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE ka wado dibada. Isaga oo sheegay in socdaalo kalena uu ku bixin doono wadamo kale, oo ka tirsan Europe. Si uu markaa ula kulmo jaaliayadaha Somaliland ee halkaa degan.

Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isaguna dadka ugaga waramay sida loo heli karo isbedel iyo calaamadaha muuqda ee ina tusaya in dadweynuhu diyaar u yihiin is bedelkaas.

Dhamaan siyaasiyiintii halkaa ka hadlay ayaa iyagu ugu baaqay qurbajooga in hadii ay doonayaan in isbedel ka dhaco dalka, ay markaa is garabtaagaan Xisbiga KULMIYE, oo ku tageeraan dhaqaale iyo afba doorashada madaxtooyada ee dhawaan dalkii ka dhici doonta. Iyaga oo dhamaantood xusay madaxdaasi, in isbedelkasta oo aduunka ka dhacaa ay jiraan cid ka danbeesa oo u hurta  naftooda ama maalkooda. Sidaas darteed isbedelka manta laga rabo in dalku ka dhacona yahay mid la doonayo in dhaqaale iyo cod lagu garab istaago, qurba jooguna maadaama aanay iyagu codeenayn ay markaa huraan maalkooda si isbedelkaasi u rumoobo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku soo bandhigay shirkoodaas dhawr arrimood oo ka duwan khudbadaha ay jeedinayaan masuuliyiinta KULMIYE, waxaana ka mid ah dhalinyaro badan oo ka soo digo-rogotay UDUB oo soo gashay KULMIYE oo qurbo jog ah, kuwaas oo ka waramay sababaha ay u soo digo-rogteen, uguna soo biireen Xisbiga KULMIYE. Waxaa kaloo halkaas lagu soo bandhigay, waxqabad ay u qabteen Xisbi ahaan dadweynaha Somaliland, sida Iskuul Burco ku yaal oo uu ka Hadlay Mudane, Cabdi Yusuf iyo dhalinyaro Ingiriis ah oo kala shaqaynaysay dhismaha iskuulkaas qayb mid ah.

 
Shirka waxaa soo gunaanaday, guddomiye ku-xigeenka kowaad ee Wakiilada mudane, Cabdicasiis Samaale, isaga oo diinteena iyo dhaqankaba kaga waramay, dhibta ay leedahay keli-talisnimadu  oo ah aafo ragaadisa waayahaya nololeed iyo horumarineed ee bulsho, wuxuuna halkaas gundhig uga dhigay, aayado iyo axaadiis ka waramaysa arrimahaas. Mudane Cabdicasiis ayaa dadweynaha madasha jogay aad uga heleen hadalkiisa oo diinta salka ku haysay.

 Gebagebadii Shirka.

Shirka waxaa ay fanaaniin iyo abwaano ku soo bandhigeen heeso iyo  murti sugaaneed oo aad u tayo badan oo ka turjumaysa waaqica siyaasadeed ee Somaliland, waxa ay suugaantaasi gundhigeedu ahaa mid tilmaamaysa waxa Xsibiga KULMIYE ku yahay ka dalka badbaadin kara.

Heesahaas ayaa ahaa kuwo aad loogu raaxaystay, dhegtuna ku nasatay laguna soo afjaray shirkii oo lagu soo gunaanaday.

DAAWO SAWIRADA http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/sets/72157623484759424/

Somaliland.ORG

(Manchester England)

No comments:

Post a Comment