Monday, February 8, 2010

Xildhibaan Nanac, Alle haw gergaaro'e. Tusaale nool oo Mas'uuliinta aanu rabno ah ayuu dhigey.


Nimaan dhulmarini , Dhaayo la'. Dal la'aan waxa afar erey oo aanad weligaa illoobin kaa odhanaya Ilmaha yar ee Falastiiniga ah!! innaguna 70 jirkeennii ayeynu ka muslaxaynaa, waar u tudh ummadda iyo Dalkaaga!! Qarni walba dunuubta bulshadiisa ayaa u sameysa astaamaha uu ku hanaqaadayo, Casrigan haddaba Madaxa lagu sooconayo, ee Beentii ,runta noqotey ee Baadilkii xaqa noqdey,Xaqiina baadilka noqdey, ee Ma gudbihii Madax noqdey, Aqoonyahankiina suuq-joogga noqdey, Muwaadinkii Mujaahidka ahaa federaalka noqdey, qaran-diidkiina waddaniga noqdey, waxa mar keliya aragti tusale oo gaaban ka bixiyey Xildhibaan Dr. Nacnac, Madaxnimo qaayadda looga jeedo waxay tahay. waxa uu innaga furtey Xil kaar weyn ku hayey inta muwaadin dhiigle ee ka warhaysey, Xaaladaha laba hooyo oo qiimo weyn ku lahaa ummadda oo wiilashoodii u horeen naftooda Madax-bannaanida aynu maanta haysanno. Midina ay mujaahid lixle hooyadii ahayd, midina mujaahid Axmed Dhagax , Alle Ha u naxariisto'e.
 
Labadan hooyo iyo Hooyooyin kale oo badanba , ummadda wixii ka nool xilweyn baa ka sarraa. Xildhibaanku damiirka nool ee dadka ayuu baaq ku toosiyey oo maanta labadii hooyo guryo Hantiya ayey leeyihiin !! Muuqaalkooda haddaad aragtona , maalintii iyo Maanta faraq weyn ayaa u dhexeeya, wayo waxa u caddaatey in ay innamadoodu la dhasheen dad u haya hooyooyikan kalgacalkii innamadooda oo ay ku illoobeen ayaamo adag oo soo maray!! Waxa uu xildhibaanku jeebkiis isugu xilqaamay direyskan Ciidanka ee habeenkii laydhku iftiimiyo uu muujiyo, kaas uu Ciidanka waddooyinka gaadhsiiyey, waqtigan xaadirka ah, oo waddooyinka controolku ku batey, askar badan ayaa ku naf-waayi lahayd haddan wax sidan oo kale ugu muujiya gaadiidleyda aanay gtashaneyn. Waxa kale uu Xildhibaanku ka hawlgaley, Jidadka Bilicda leh ee Bulshada Deegaanka Axmed Dhagax ku sameysaneyso Degmadooda oo ay isu qabaan kharashka hawlahaas.
 
Maamulkeygan Ilkaha dadka Dalka u adeega ku eegaya, waxa la gudboon uu garan la'yahay , kol haddii aanad xilkii laguu dhiibey sidii la rabay u wadin, bal ha ku masuugin
inaad Muwaadiniinta muteysata Abaal-Gudka qaranka ee u adeega ummaddooda aad muujiso !! si ay tusaale qaran ugu aadaan jiilasha dambe. Mas'uuliinta Dalkan waxaan mar labaad ugu Baaqayaa in ay Suumanka sharafka ee qaranka ka simaan, Mr. Colaad, Mulkiilaha Sharikadda  Daalo Airlines, Mr. Mamaed Siciid Ducaaleh, Mulkiilaha Sharikadda Dahabshiil, Sheikh Aadan Siiro, Dr. Nannac, Marwo Adna Aadan ismail, iyonkii Dayaaradda helikoppterka ah ku sameeyey Hargeysa, Intooduba Alle raalli ha ka noqdee, waxay adeegyo aad u qiimo badan u fidiyeen ummadda Somaliland.
 
Ummad aan Mas'uuliinteedu kuwa ugu dambeeya ee naftooda ka fikira noqon ilaa ay nolosha dadkooda meel iska dhigaan, may gaadhin jaranjaradii Mas'uuliyadda!! Ummad aan mahadsanid aqoonna, ma laha xadaarad, wax jirana maaha. Aynu dib ugu noqonno Mawduuca , Ceelasha ay motoorradu ka fadhioyaan Gobollada bari oo loo kiciyo, wax badan ayey ka khafiifin lahayd culeyska abaarta halkaa ka taagan. Dhulka Hawl-fududeynta loogu waageerey, Calooshooda la ciyaarro caanteyno bixiyey, waxa ay meesha ka saartey, qorshihii loogu seereyn lahaa Bulshada reer-guuraaga ah si qorsheysan, dhul daaq oo sidii hore u dhici jirteyba ,waqtiyada jiilaalka iyo aafooyinka cimilada,xoolaha lagu bedbaadin jirey. Biyo Xidheenno wixii aynu ku samayn lahayn Dalka wey yaallaan, injineerro (dhisme iyo laydhba) wey joogaan, Maamulku haddii uu Masnaca sibidhka waa hore ugu bandhigi lahaa saamiyo Bulshada ama malaayuuntan meel ay martey la la'yahay ee tan Maxjarka berbera ugu dambeysey, Dawladdu kaga shaqeysiiso, waxa yar ee u baahantahay, Biyaha Roobka ee ay Dooxyadu Badda ku daraan waa loo qaban lahaa , Biyo Xidheenno Tamarta kooraanka laga dhaliyo, kanaallo waraabin-beereedyo ahna laga sameeyo, Nabaad-guurkana dhulka lagaga ilaaliyo, dadka , Xoolaha iyo Duurjoogtana aan harraad dambe looga baqeen sow lama awoodeen?
 
Ummaddu waxay u baahan tahay Mas'uuliin ficilkoodu ka warramo ee qaar afkoodu ka warramo maaha, qaar haddii ay hadlaan , macno ku hadla danta ummadu ka muuqdo ee aan qaar iyaga isugu dhiiba ama wanjalaya noqon, qaar xaafaddiiba Bukaan-socod-eeg, carruurta iyo maxasta laga daweeyo u sameeya, qaar qab iyo han qaran leh oo wax ka beddelka habka dhaqan/dhaqaale ee Bulshadu yahay hadafkooda iyo in ay bulshooyinka
Caalamka ka dhex muuqata Somaliland. Xoghayihii Guud ee UDUB oo beryahanba qori dable kula wareegayey Gobollada Bariga, body-Guardkiisii nasiib-darro ayaa Muwaadin Askari ah ku diley Toogasho Magaalada caynabo, Udub waa taas!!
 
Dr. Cal;i Cabdi Muxumed

 


No comments:

Post a Comment