Monday, February 8, 2010

YAA INA HABAARAY –DHAMMAAD





YAA INA HABAARAY –DHAMMAAD

Ahmed Arwo

Waxaad moodaa in habaarki kacayba, kolka aad dhugato ood dhegaysato soo-dhoweyntii Hargeysi ku qaabishay Musharaxa Madaxweynaha Gud. Axmed Siilaanyo. Waxa muuqatay kalsoonida, qadarinta iyo rajada shacabi weynahu ku qabo hoggaanka Kulmiye. Waxa wadhi raacday UDUB iyo madaxdii dhowrka jeer ku celcelinaysay hadalo deelqaaf ah iyo ceeb qaran oon geedna loogu soo gaban, ilaa gaadhsanaa…Silaanyo waa inuu cafis weydiistaa…Dadweynahu wey marag fureen, waxayna muujiyeen inay garasho iyo dareen ka sareeya kuwa dacaayadda fidinaayey ay leeyihiin. Waxay tuseen in markhaati beenaale isna is ogyahay, kan uu u furayna ogyahay, iyana ay ahaayeen goobjoogyaal taariikhda si dhab ah ula socda, dadkuna u kala suntan yahay. Taasi waa guul qaranku gaadhay oo muujinaysa biseelka shacbiga.


Intaanan maqaalka u daadegin aan idin xusuusiyo kii hore. Qaybtii kowaad waxaan ku soo qaadnay micnaha cinwaanka iyo dhacdooyinkii fajaca badnaa ee ka soo birqamaayey Wasiiro midba mid burinaayo, una muuqday dad aan lahayn hogaan u jiheeya hadaf mideysan. Waxayna dhacdooyinkaasi qaawiyeen habacsanaanta xukuumadda iyo hogaan door biday inuu daba-gucleeyo oo uu juuqdhowro mucaaridka halkuu dalka ka hogaamin lahaa, taas oo u muuqata inay qulubaa-gadiyeen wajibkii iyo xilkii ummaddu u igmatay, ooy u dhaqmaan siday yihiin xisbi mucaarad ah, madasha siyaasadeed debed iyo gudabana ay hagayaan xisbiyada mucaaradku. Bal taas ag dhig sida xisbinimada ah ee Ku-simihii Guddoomiyahu Muuse Bixi iyo Talsika sare ee xisbigu ay isku-duubnaan iyo foojignaan u muujiyeen, siday u abaabuleen dadweynaha, iyo siday shukaanta sayaasadeed ula wareegeen iyagoo mucaarid ah, iyo kaalinta uu buuxiyey Gud. Axmed Siilaanyo oo xilkasnimadiisu dhaaftay inuu u doodo xisbi, bal se uu u tafaxeytay inuu qaranka uu u soo halgamay aanu cidna ku halayn ee uu u talaabsado danta guud iyo ictiraaf-raadinta iyo qiimeynta himilada shacbiga. Waa astaan wacan iyo bushaare ay isku hambalyeeyaan dhammaan inta jecel Qaranka Soomaliland, kana naxeen cadow iyo danayste ku naaxa xaaraan-maalka iyo sharci darro.


Maqaalkan oon habaarka ku soo gunaanadi doono, waxa aan ku eegi bal hay'adaha kale ee dawladeed sida ay iyana u dhaqmaan, oo u eeg mid iyana habaar haysto.


GOLAYAASHA BARLAMAANKA

1- Golaha Guurtida

Waxa ayaamahan socday khilaaf si ku-soo-boota ah u yimid isagoo Gud. Sulaymaana dalka ka maqan yahay. Haddaba iyadoo ayna weli dhammaan, bal se la badh qabtay oo is-casilaadii Gud. Xigeenka la baajiyey, ayaan si guud wax uga tilmaamayaa qodob ay mas'uuliiyn iyo xubnha Guurtida qaar ku hadlayn.

Waxay leeyihiin xubno weliba raba inay xilalka ugu weyn ee Golaha qabtaan, Golahau ma aha Gole siyaasi!

Xubnaha sidaas qabaa waa dar aan fahmin xilka ay hayaan, iyagoo ah Gole barlamaan, oo shaci-dejin ah. Haddaan barlamaan iyo sharci-dejintu ahayn siyaasad , maba jirto siyaasadi. Waxay xubnahani ku gafeen dastuurka iyo hawshii loo igmaday.


Malaha waxay u jeedaan Golahu ma aha xisbi. Waa dhab oo Golahani kuma iman hab xusbi ee waxuu ku yimid hab beelaad, taasi se kama dhigeyso Gole ka duwan kan Wakiilada kolka loo eego hawsha ay hayaan. Weliba iyaga waxa u gaar ah mas'uuliyadda ay sida quraanka u xafideen ee ku cad qodobka 83…kuna saabsan korodhsiimada muddada madaxtooyada iyadoo la raacaayo shuuradaha qodobkaas ku cad. Waa maxay siyaasadda ka weyn inay noqdaan kuwa muddada u kordhin kara mansabka dalka ugu sareeya. Sidoo kale ayey arrimaha nabadda oo ah qodobka ugu muhiimsan ee siyaasad dal leeyahay uu xil gaar ihi ka saran yahay.


Waxa waajib ah in xubnaha Guurtidu darsaan dastuurka ooy bartaan xilka saran iyo in hawshoodu ka weyntay ooyna ku koobnayn qodobka 83naad ee ay sidoo kale u gutaan wajibaadka ku cad qodobada kale oon qaar, halkan ku dhejin doono qodobka caddaynaaya xilkooda oo ah inay ka horeysiiyaan wax walba waxa ka mid ah:

QODOBKA 61AAD

AWOODDA IYO WAAJIBMDKA

GOLAHA GUURTIDA

1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

2. Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.

3. Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.

4. Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madax­dhaqmeedka beelaha.

5- U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydjinta gudashada xilkooda.

6- Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go'aana uga gaadho.


Qodobada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah77 iyo 78 dhammaan qayaxaaya in Golahani yahay Gole siyaasi, ninka taas aan ku dhaqmini yahay nin aan fahmin waajibka saran iyo xilka uu qaaday.


2- GOLHA WAKIILADA


Inkasata oo Golaha ay curyaamisay wado-shaaqyn l'aanta iyaga iyo Guurtida iyo Golaha Fulintu si gaar ah madaxtooyadu, waxa ka muuqata gaabis iyo niyad jab aan loo baahnayn.

- Miisaaniyadda oo ah xil iyaga dastuurku si gaar ah u siiyey ansixinteeda iyo xisaab celinta xukuumadda oo waajib ku ah, ilaa maanta wax wadwadaa ma jiraan, kuwii hore si habaq ah oon lahayn raadraac iyo xisaab cad laguna dabogeli karo xukuumadda ayna jirin ayaa loo ansixiyey.

- Ansixinta Wasiirada. Waxay caadaysteen inay ku qancaan cid kasta oo la hor-keeno, iyagoon baadhis waafii ah ku samayn CVga oon soo xajiijin amba shaacin si dadweynahu uga marag furan waxa ay sheegteen. Ma jiraan su'aalo dabogal leh iyo xaqiijin barnaamaj tooni. Xataa kuwa muddo-dhaafa wey sii daayaan. Waxay siiyeen Wasiir walba muddo 5mirir ah inay hadlaan ooy sheegaan taariikhdooda, deedna waxa lagu ansixiyaa gacan tag. Waa arrin ay ka muuqato xilkasnimo darro iyo dhayalsi.

- U-yeeddhista madaxda xukuumadda ma aha mid barnaamajkooda ka mid ah, si habaq ah ayey ugu yeedheen deedna su'aaalo ayey weydiiyeen wax`dabosocod ahna kuma sameeyaan. Cidda diida ma mariyaan sharciga oo dacwad kuma oogaan. Taas oo ka dhigtay karaamadii shacbigu siiyey mid aan waxba ka jirin. Dunida dumuquraadiga ah, cid yeedhista barlamaanka diidi kartaa ma jirto, xataa qof shacbi ah oon xil hayn, diidmaduna waa dambi xadhiga ugu yari yahay shan sano metal dalkan UK.

- Miisaaniyadda, iyo ansixinta Wasiirada iyo hawlkha culus ee ay u foodaan, waxa habboon inay miisaan u yeelaan ooy ka daayaan gacan tag, bal se ay noqoto mid qarsoon oo warqad sanduuq lagu rido ah…waa habka ugu habboon ee qofku uu u codeeyo damiirkiisa, amba dhaameel ha qaato siday sheegaan amba yuuna qaadane.

- Labada Gole Wakiilada iyo Guurtidu waxay ka siman yihiin inay iska moosi kari-waayeen farogelinta Golaha Fulinta, iyo inay ka baaqdeen waajibka dastuuriga ah ee ah inay la xisaabtamaan Golaha Fulinta iyagoo wakiil ka ah sahacbiga. Waxa muuqata sax iyo qaladba in xubnahu u kala baxeen muxaafid iyo mucaarid. Kolka sharci jabin iyo musuq laga doodaayo arrintu waa mid qaran oo ka weyn xisbi iyo is-garbin.

- Gole-fadhiisigooda oon ka badnaan in kooramka la buuxiyo ilaa ay jirto arrin dhaameel waa sida ay afkooda ka sheegaane.

- Asluubta Golha oo aan sharci la marin, ilaa ay gaadho in yooyootan iyo xataa bastoolad la soo baxa aan ciqaab la marin. Kolka Golahu sharcigiisa fulin waayo, siduu u dhowri karaa sharciga qaranka?


3- Waaxda Garsoorka


- Waa Waaxda ugu fadhiidsan, hawsha qarankuna ku hoobatay. Xilalka ay hayaan taliska boliska, xeer-ilaalinta iyo maxkamaduhu, waxay noqdeen qaar hoos taga halkii laga ilaalin jiray, waxa ay noqdeen gacan u adeegta Golaha Fulinta (Xukuumadda), si gaar ah Madaxtooyada..

- Waxaad maqlaysaa boliska oo leh hebel waxa na amray inaanu xidhno..Wasiir hebel…waa gef iyo dambi ay qiranayaan bolisku, una baahan in sidiisa loo sheego, ciqaabtana la mariyo iyaga laftooda.

- Sidoo kale ayey u dhaqmaan Xeer-ilaalintu oo ma aqbalaan dacwad ayna madaxa u ruxin Madaxtooyadu, imisa dacwadood ayey qadimeen mucaaridku oon midna galkii laga furin. Iyana waxaay galayaan dambi la-xisaabtankiisu sugaaya.

- Sidoo kale ayey yihiin maxkamadahu, wax kale iska daa ee maamaulkooda ilaa erigooda waxa walaaqda Wasaaradda Cadaaladda, kolka dastuurku u sameeyey hawshaas `Guddiga Cadaaladda..haddaba kolka ,maxkamaddu maamaulkeeda ilaa eriga xukaamta ay si sharci darro u fulinayso, ma cid kale ayey sharci marin kartaa? Hadduu xaakimku ogalyahay in si sharciga ka baxsan loo eryo ma cid kale ayuu sharci ugu hiilin karaa?


Habaarku intaas kuma koobna oo waxa ka mid ah shaqaalaha iyo ciidamada darajo la'aanta ku hawl gala, haddana sida xaq-darrada ah farta loogu yeedho, lagana dhigto gacanta sharci darrada fulisa. Waxa ka mid ah idaacadda qaranka iyo Tvga cayda iyo ceebeenta caadaystay. Iyana waa dar gees maray xaq dastuurku siiyey ee madaxbanaanida ah. Waana mid lagala xisaabtami, ooyna noqonayn waa ley amray mid ka badbaadin karta kolka xaqqu soo laabto.

Cali Doob-ilkoole ayaan ana maalin kale weedhii uu yidhi ku ceshay…"waar Caliyow manta ayaa anna habaarkii deyrka iiga soo dhacay..". Waxay ahayd maalintii Cali-Guray UDUB ku biiray, waxaan se raacsaday.."Tolow Cali siduu UDUB ula shaqayn.", anigoo la yaaban sida arrintani u dhacday welina aan garan, haddana maanka aadmiga lama maleeyo…


Yaa ina habaaray, waxay tahay weedh kolka waxaadan fileyn oon marna maankaaga ku soo dhicin, ood weydo meel aad u af-saarto iyo meel aad ku tiiriso, ayey noqonaysaa meesha keliya eed u riixi karto.

Habarka aan ku soo jarno duco aynu wadajir u ducaysano oon Alle barino inuu habacsanaanta naga dul-qaado, inuu naga yeelo kuwa `xaqqa arka, ku camal fala kuna dhaqma. Allow daalin, beenaale, iyo laaluush cune naga xoreeye. Allow naga yeel kuwa aan damiirkooda la baayicin.Aamiin.


Dhinaca kale fariimo badan ayaa igaga yimid akhristayaasha oo iga dalbay inaanan joojin maqaaladii ahaa CODKAAGA KU CIIL BAX… iyagoo leh waa ishaaro xun ee ha joojin, oo yaan xaalku noqon CUDUDAADA KU CIIL BAX…waan qaatay waana sidii hore iyo innagoo ku toosan sidii loo heli lahaa in CODKAAGA AAD KU CIIL BAXDO…toosi cid kasta oo arrinkaas hor-taagan, buuxi meesha madhan, taageer cidda u hawlan, kana qabo kuwa carqaladeenaaya…waa inoo doorasho xalaal ah oo xaq ah, mid kii Codkiisu Cadowga ku Noqday ku ciil baxo, mid ay ku rumowdo himmilada shacbiga si walba u haraadani, ka qatan qabnigooda, ka qaawan tacliin, kana fog cadaalad iyo sinnaan.


Waa inoo maqaal kale Insha Allah,


Ahmed Arwo


samotalis@gmail.com

Join SAMOTALIS at:

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf

http://samotalis.blogspot.com/



No comments:

Post a Comment