Tuesday, March 23, 2010

Axmed As-hari oo Madaxweyne Rayaale ku Dhaliilay Wax ka Qabasho la’aanta Wasiiraddiisa

Axmed As-hari oo Madaxweyne Rayaale ku Dhaliilay Wax ka Qabasho la'aanta Wasiiraddiisa

Hargaysa (Halganews)- Axmed Ashari oo ka mid ah Xisbiga UDUB ayaa shalay shir-jaraa'id oo uu ku qabtay magaaladda Hargeysa ku dhaliilay wax ka qabasho la'aanta aanu madaxweynuhu waxba ka qabanayn wasiiradiisa ku kaca khaladaadka isaga oo madaxweynaha u soo jeediyay haddii aanu waxba ka qaban Doorashada ka hor inuu codka dadweynaha ku waayi doono.

Wasiiradda uu Axmed As-hari sida weyn u dhaliilay waxa ka mid ah wasiirka Maaliyada, Wasiirka Xoolaha, Wasiirka iyo Agaasimaha Caafimaadka sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo uu ku eedeeyay inaanay Dalka waxba u qaban.

Shirkiisaas jaraa'idna waxa uu ku bilaabay "Marka hore Dawladnimadu waa Nidaam is-xukun iyo kala damabayn seeska isku haya Nidaamka Dawladnimo waa Distoorka shacbigu u codeeyey: kaas oo qof kastaa Xisbiyada Xukuumada Goloyaasha Qaranka iyo ummada oo dhan Xil ka saaran yahay Ilaalintiisa iyo ku dhaqankiisa, cid kasta waxa waajib ku ah inay u hogaansamaan Dastuurka Qaranka Khaasatan Xukuumadu inay si gaar ah u ilaaliso haday diido oo ay jabiso Dastuurka iyo Xeerarkiisa iyaday u daran tahay! Waxa se lagu goblamay Golihii Wakiilada Qaranka ee Ummadu dooratay ee ay ahayd inay ummada matalaan oo ay Sharciga ilaaliyaan ayaa waxay Wakiilo ka noqdeen Saddexdii Xisbi Qaran ay ka soo kala baxeen, markaasuu mid waliba Xisbigiisii u ololaynayaa oo Ummadii soo dooratayna daawanaysaa oo ay leedahay manaa waalan mise cadan baa laga heesayaa.

Waxa hubaal ah in Midnimo mooyee aan si kale lagaga gudbi karin Caqabadaha iyo Carqaladaha baaxada leh ee Qaranka Somaliland hor yaala.

Marxalada maanta aynu joogno, Dalkeena waxa lagu hor marin karaa Maskax midaysan, Cudud midaysan, Niyad midaysan, Qalbi midaysan iyo ujeedo midaysan Gudo iyo dibadba.

Garaadka iyo Garashada wacani! Waxay ina tusayaan in Sharciyadu tahay jidka qudha ee lagaga badbaado Dulmiye, laguna gaadho horumarka.

Somaliland waa Qaran Tisqaaday, waa Dal iyo Dad jira, oo Xukuumad dhamaystiran leh, sidaa awgeed, Dib-u- noqosho ma leh, Gorgortan ma leh, waa lama taabtaan.

Waxa badan baynu qabsanay, wax badan baa inoo dhiman, wax badan oo khaldan baa jira oo u baahan in la saxo. Sida Garashadu ina farayso, Xaqiiqda in la saxo, sida Garashadu ina farayso, Xaqiiqda Biyo kama dhibcaanka ahina waa inaynu la nimaadno si deg deg ah fikir Cusub,Qorshe Cusub,  Istaraatiijiyad cusub oo leh mid dhaw iyo mid fogba iyo Siyaasad cusub si aynu mudo u sii jirno aqoonsi la'aan sida Taywaan.

Sababtoo ah wixii wanagsanaa ee aynu qabsanay Daris wanaagii Jaarnimo, ilaalintii Budhacad badeeda iyo Argagaxisada iska dhawristii iyo Faro galintii Maamulada jilicdasan iyo kuwa Gacan ku rimiska ah ay Beesha Caalamku Aqoonsi inagu siin wayday ay waliba inagu dhisayso Cadawgeena, wajigaa Foosha xun waxa ka soo uraya khataro ah waawayn ee inagu soo wajahan ee aynu wada arkayno in Si Deg deg ah looga hor tago wax ka qabashadeeda Inaga oo isku duuban miyaanay waajib inagu ahayn

Dadwaynoo ul iyo Diir noqo

Dalka horumarkiisiyo]

 Daafaca u taagnow

Abwaan Cabdi Dhuux

1: Wasiir Cawil: waxaanu kuu sheegaynaa ummada Reer Somaliland kaa aqbali maayaan Burco-Giimaar waan ka badali kariwayay Sheeko kale keen, Islaan wayn oo tamaandho Iibisa ayaa tidhi:

Waligiiba hays daddo

Xariir haysa saaroo

Hayska dhigo Nin Daacada

Waan Ogahay Danbiilaha.

Abwaan Cabdi Dhuux

2: Wasiirka Caafimaadka: 11 ka Dhakhtar iyo Agaasimaha Guud iyo waxyaabo kale oo badan, Shaqadii waan ka joojiyay Hargaysi kaa Aqbali maysee Sheeka kale keen

3: Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha: Waalidiintu Danbi malaha ee Dhalinyaradu idigay kaa tahriibtee Sheeko kale keen

4: Wasiir Idiris (4 Kiilo) Shacbiga Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba sinaba kaaga aqbali mayaan Wasiir baan ahay Golaha Wakiiladana hortagi maayo, taasi kaa socon maysee sheeko kale keen.

Xoolihii Dadwaynaha

Ka Durduuranaayee

Shicibkiina Diif iyo

Dacar iyo Dhunkaal iyo

Deebaaqda Quutee

Darxumona la jiifaan

Abwaan Maxamed Jaamac Gaaxnuug

Shacbiga Somaliland ee Samirka badan waxay si rasmi ah oon meermeer lahayn idiinka " Xukuumada"  sugayaan wax aad iyo aad u faro badan hadii aynu doonayno inay codkooda ina siiyaan oo ay u horeeyaan Balanqadyadii aynu hore ugu balan qadnay inta ka horaysa Doorashada

Guul iyo Midnimo

Prof. Ahmed AL-Azhari

No comments:

Post a Comment