"Ogaada maanta kol haddii Saaxil timid 80 cod oo la is dheeraanayaa ma jireyso" Amina Weris Xaflad balaadhan oo taageerayaasha KULMIYE ku qabsadeen magaalada Birmingham"Ogaada maanta kol haddii Saaxil timid 80 cod oo la is dheeraanayaa ma jireyso" Amina Weris
Birmingham (Jam)- Xaflad taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ugu ololeynayeen xisbiga, ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee carriga Ingiriiska, taasi oo lagu ururinayey dhaqaale xisbigu ku galo ololaha doorashadda madxatooyada Somaliland ee la filayo inay sannadkan dalka ka qabsoonto.
Haddaba dadkii xafladdaasi ka qayb galay waxa ka mid ahaa Khadar Xasan Cali oo ka tirsan xafiiska Jamhuuriya ee London oo warbixintan nooga soo diyaariyay, waxay munaasabadan oo ahayd mid si ballaadhan oo heer sare ah loo soo agaasimay, iyada oo ujeedadeedu ahayd sidii taageero dhaqaale loogu ururin lahaa ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE, waxaanna ka qayb boqolaal ka tirsan taageerayaasha KULMIYE ee UK oo ay ku weheliyeen Gudoomiye-ku–xigeenka 2aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, xoghayaha arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Marwada guddoomiyaha xisbiga Aamina Weris, xidhiidhiyaha laamaha dibada ee KULMIYE Cismaan Saxardiid (Cadaani), Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Col. Mujaahid Aadan Cadde, xildhibaan Ibraahim Dhaadheere iyo guddida fullinta ee KULMIYE ee dalka Ingiriiska iyo masuuliyin kale.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xafladda ka hadlay, ayaa magaalada Birmingham ee Ingiriiska ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh halgankii dalka lagu xorreeyay, isagoo xusey in barigii aasaaskii ururka SNM ahayd magaaladii shirkii ugu weynaa ay ku qabsadeen, waxaannu intaa ku daray in wanaaga xisbiga uu Sheekhu Baaruud ka markhaati kacay.
"Xisbigan waa mid dimuqraadi ah oo caddaalad badani dhextiisa taallo, waxaannu dalka ku xukumi doonaa caddaalada iyo sinaan oo nabadgalyo oo dalka waxaannu keeni doonaa dad u shaqeeya ee aan ka shaqaysan, qof dambe oo sharci-darro lagu xidhaana jiri mayso, dadkana ballanqaad beena u samaynmayno oo sida qoladan meesha haysata odhan mayno warshad 300 milyan ah ayaanu soo wadnaa," ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, isaga oo intaas ku daray in ay xisbi ahaan aaminsan yihiin in ummadda loo shaqeeyo ee aan laga shaqaysan.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si dulmar ah uga hadlay barmaanijka siyaasadeed ee xisbiga, isagoo si qoto dheer uga warramay caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan aqoonsiga Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa yidhi; "Mushkiladaha ugu waaweyn ee khatarta dalka ku ah waxa ka mid miisaaniyaddii dalka oo la dhaafin kari waayay 42 milyan 7-sanno ee ay tallada dalka hayeen xukuumada caalamkuna maanta waxay isweydiinayaan sidee ayay u dhici kartaa in miisaaniyada intaa le'eg oo aan kobcayn dal madax banana ugu dhisnaan karaa, iyadoo la og yahay in dakhliga dalka soo gala intaasi laba jeer ka badan yahay."
Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay miisaaniyadda dalka oo uu sheegay in ay 60% ku baxdo ciidammada, Wasaaradda Maalliyada iyo qasriga madaxtooyada halka ay waxbarashada tahay 2%, taasi oo uu sheegey inay xisbi ahaan aaminsan yihiin in miisaaniyadda dalka la laban laabi karro, haddii dakhliga dowlada sidiisa loo maamulo oo lacagaha badan ee aan miisaaniyada ku jirin sida dekada, haamaha shiidaalka iyo xoolaha nool lagu soo darro miisaaniyadda.
Sidoo kale waxa uu xusey in xisbi ahaan ay aaminsan yihiin in kharashka badan oo miisaaniyadda si khaldan ugu jira ama loo bixiyo oo sannadkiiba la badbaadin karo 15 Milyan oo dollar, kaasi oo kor u qaadi doona adeega guud. Waxa kale oo uu sheegay in ay dekada Berbera ka dhigi doonaan mid xor ah suuqeedu madax banaan yahay oo hogaamisa ganacsiga gobolka. Dr Maxamed waxa uu intaasi ku daray in xisbiga KULMIYE waxbarsahada kor u qaadi doonaan guud ahaan, gaar ahaana ta haweenka.
Marwada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Marwo Aaimna Weris oo halkaasi ka hadashay ayaa hadalkeedii ku bilowday warbixin guud oo ka waramaysa xaalada guud ee maanta dalku marayo iyo dedaalka ay xisbi ahaan ugu jiraan sidii KULMIYE ugu guuleysan lahaa doorashada madaxtinimada Somaliland.
Waxayna ku dheeraatay taageerada mugga weyn ee xisbiga u soo kordhay, taasi oo bay tidhi aad ka garan kartaan sidii gudoomiyaha Hargeysa loogu soo dhaweeyay iyo Gudoomiye-xigeenka oo isna si aada loogu soo dhaweeyay gobollada Saaxil iyo Togdheer.
Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi; "KULMIYE iyo taageerayaashiisi waa dad dalkan u tudhay oo dan ka leh ee ogaada manta kol haddii Saaxil timid 80 cod oo la is dheeraanayaa ma jireyso oo la iskuma soo dhawaanayo". Waxayna intaasi ku ladhay in aan ina Rayaale ku guuldarraystay inuu dadka iyo dalkan wax u qabto oo aannu Awdalna waxba u qaban oo inta KULMIYE u qabtaa ugu horreyn doonto.
Amina Weris waxa kale oo ay ka hadashay kaalinta muhiimka ah ee qurba joogu xisbigu kaga jiraan, waxayna ku dhiirigalisay in ay kor u qaadaan taageerada dhaqaale iyo maskaxeed ee xisbiga u fidiyaan, iyadoo kula dardaarantay in ay yimaadaan doorasha oo muraaqibiin ka noqdaan.
Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Cabdsiiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay xisbi ahaan bahwadaag la yihiin UDHIS, QARAN iyo isbeddel-doonka UDUB, isaga oo intaasi ku daray in komishanka maanta joogaa kalsoonidooda haysto oo ay taageersan yihiin kaadhadhka cusub ee soo wadaan.
Xidhiidhiyaha Jaalliyadah dibedda ee KULMIYE Mr. Cismaan Saxariid (Cadaani) oo si aada ugu dheeraaday taariikhda guddoomiyaha xisbiga Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), intaasi kadibna waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay guddi dhawr iyo lixdan xubnood ka kooban oo lagu tallogalay ololaha doorashada ee qurbajooga KULMIYE.
Xafladdani waxay qayb ka tahay abaabulka xisbiga KULMIYE ee UK ugu jiro sidii taageero dhaqaale ay uga geysan lahaayeen ololaha doorashada, waxaanay mid la mid ah bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada Manchester ee carriga Ingiriiska.
Jamhuuriya Online
Xaflad balaadhan oo taageerayaasha KULMIYE ku qabsadeen magaalada Birmingham"Ogaada maanta kol haddii Saaxil timid 80 cod oo la is dheeraanayaa ma jireyso" Amina Weris
Birmingham (Jam)- Xaflad taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ugu ololeynayeen xisbiga, ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee carriga Ingiriiska, taasi oo lagu ururinayey dhaqaale xisbigu ku galo ololaha doorashadda madxatooyada Somaliland ee la filayo inay sannadkan dalka ka qabsoonto. Haddaba dadkii xafladdaasi ka qayb galay waxa ka mid ahaa Khadar Xasan Cali oo ka tirsan xafiiska Jamhuuriya ee London oo warbixintan nooga soo diyaariyay, waxay munaasabadan oo ahayd mid si ballaadhan oo heer sare ah loo soo agaasimay, iyada oo ujeedadeedu ahayd sidii taageero dhaqaale loogu ururin lahaa ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE, waxaanna ka qayb boqolaal ka tirsan taageerayaasha KULMIYE ee UK oo ay ku weheliyeen Gudoomiye-ku–xigeenka 2aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, xoghayaha arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Marwada guddoomiyaha xisbiga Aamina Weris, xidhiidhiyaha laamaha dibada ee KULMIYE Cismaan Saxardiid (Cadaani), Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Col. Mujaahid Aadan Cadde, xildhibaan Ibraahim Dhaadheere iyo guddida fullinta ee KULMIYE ee dalka Ingiriiska iyo masuuliyin kale. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xafladda ka hadlay, ayaa magaalada Birmingham ee Ingiriiska ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh halgankii dalka lagu xorreeyay, isagoo xusey in barigii aasaaskii ururka SNM ahayd magaaladii shirkii ugu weynaa ay ku qabsadeen, waxaannu intaa ku daray in wanaaga xisbiga uu Sheekhu Baaruud ka markhaati kacay. "Xisbigan waa mid dimuqraadi ah oo caddaalad badani dhextiisa taallo, waxaannu dalka ku xukumi doonaa caddaalada iyo sinaan oo nabadgalyo oo dalka waxaannu keeni doonaa dad u shaqeeya ee aan ka shaqaysan, qof dambe oo sharci-darro lagu xidhaana jiri mayso, dadkana ballanqaad beena u samaynmayno oo sida qoladan meesha haysata odhan mayno warshad 300 milyan ah ayaanu soo wadnaa," ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, isaga oo intaas ku daray in ay xisbi ahaan aaminsan yihiin in ummadda loo shaqeeyo ee aan laga shaqaysan. Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si dulmar ah uga hadlay barmaanijka siyaasadeed ee xisbiga, isagoo si qoto dheer uga warramay caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan aqoonsiga Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa yidhi; "Mushkiladaha ugu waaweyn ee khatarta dalka ku ah waxa ka mid miisaaniyaddii dalka oo la dhaafin kari waayay 42 milyan 7-sanno ee ay tallada dalka hayeen xukuumada caalamkuna maanta waxay isweydiinayaan sidee ayay u dhici kartaa in miisaaniyada intaa le'eg oo aan kobcayn dal madax banana ugu dhisnaan karaa, iyadoo la og yahay in dakhliga dalka soo gala intaasi laba jeer ka badan yahay." Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay miisaaniyadda dalka oo uu sheegay in ay 60% ku baxdo ciidammada, Wasaaradda Maalliyada iyo qasriga madaxtooyada halka ay waxbarashada tahay 2%, taasi oo uu sheegey inay xisbi ahaan aaminsan yihiin in miisaaniyadda dalka la laban laabi karro, haddii dakhliga dowlada sidiisa loo maamulo oo lacagaha badan ee aan miisaaniyada ku jirin sida dekada, haamaha shiidaalka iyo xoolaha nool lagu soo darro miisaaniyadda. Sidoo kale waxa uu xusey in xisbi ahaan ay aaminsan yihiin in kharashka badan oo miisaaniyadda si khaldan ugu jira ama loo bixiyo oo sannadkiiba la badbaadin karo 15 Milyan oo dollar, kaasi oo kor u qaadi doona adeega guud. Waxa kale oo uu sheegay in ay dekada Berbera ka dhigi doonaan mid xor ah suuqeedu madax banaan yahay oo hogaamisa ganacsiga gobolka. Dr Maxamed waxa uu intaasi ku daray in xisbiga KULMIYE waxbarsahada kor u qaadi doonaan guud ahaan, gaar ahaana ta haweenka. Marwada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Marwo Aaimna Weris oo halkaasi ka hadashay ayaa hadalkeedii ku bilowday warbixin guud oo ka waramaysa xaalada guud ee maanta dalku marayo iyo dedaalka ay xisbi ahaan ugu jiraan sidii KULMIYE ugu guuleysan lahaa doorashada madaxtinimada Somaliland. Waxayna ku dheeraatay taageerada mugga weyn ee xisbiga u soo kordhay, taasi oo bay tidhi aad ka garan kartaan sidii gudoomiyaha Hargeysa loogu soo dhaweeyay iyo Gudoomiye-xigeenka oo isna si aada loogu soo dhaweeyay gobollada Saaxil iyo Togdheer. Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi; "KULMIYE iyo taageerayaashiisi waa dad dalkan u tudhay oo dan ka leh ee ogaada manta kol haddii Saaxil timid 80 cod oo la is dheeraanayaa ma jireyso oo la iskuma soo dhawaanayo". Waxayna intaasi ku ladhay in aan ina Rayaale ku guuldarraystay inuu dadka iyo dalkan wax u qabto oo aannu Awdalna waxba u qaban oo inta KULMIYE u qabtaa ugu horreyn doonto. Amina Weris waxa kale oo ay ka hadashay kaalinta muhiimka ah ee qurba joogu xisbigu kaga jiraan, waxayna ku dhiirigalisay in ay kor u qaadaan taageerada dhaqaale iyo maskaxeed ee xisbiga u fidiyaan, iyadoo kula dardaarantay in ay yimaadaan doorasha oo muraaqibiin ka noqdaan. Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Cabdsiiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay xisbi ahaan bahwadaag la yihiin UDHIS, QARAN iyo isbeddel-doonka UDUB, isaga oo intaasi ku daray in komishanka maanta joogaa kalsoonidooda haysto oo ay taageersan yihiin kaadhadhka cusub ee soo wadaan. Xidhiidhiyaha Jaalliyadah dibedda ee KULMIYE Mr. Cismaan Saxariid (Cadaani) oo si aada ugu dheeraaday taariikhda guddoomiyaha xisbiga Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), intaasi kadibna waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay guddi dhawr iyo lixdan xubnood ka kooban oo lagu tallogalay ololaha doorashada ee qurbajooga KULMIYE. Xafladdani waxay qayb ka tahay abaabulka xisbiga KULMIYE ee UK ugu jiro sidii taageero dhaqaale ay uga geysan lahaayeen ololaha doorashada, waxaanay mid la mid ah bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada Manchester ee carriga Ingiriiska. |
Jamhuuriya Online |
No comments:
Post a Comment