Sunday, March 28, 2010

Madaxwayne Riyaale Iyo Qaar Kale Oo Ka Mida Xukuumaddiisa Waa In Maxkamad La Soo Taagaa Markay Ay Xilka Ka degaan.

Madaxwayne Riyaale Iyo Qaar Kale Oo Ka Mida Xukuumaddiisa Waa In Maxkamad La Soo Taagaa Markay Ay Xilka Ka degaan.

Salaan Qiimo Iyo Qaayo Leh Ayaan Idinku Salamayaa Dhamanba Shacabka Somaliland, Intiina Xaqa Iyo Xaqdarada Kala Taqaan.

Maal Dadwayne Lahaa 
Haddii Ay Midigtaadu
Musuq Maasaq Ku
Qaaday Sherciguna
Waa Manaxaane
Isna Kaa Mano Qaatey
Oo Maanigaa Xidhan.

Eryadani Waxay Ku Jireen Riwaayadii uu Sameeyey Abwan Xasan Xaaji Cabdilaahi(Xasan Ganey) ee la odhan jiray Masiibadu Aduunyad iyadaa u macalin ah. Abwaanku wuxu  tilmaamayay in qofkii xoolo dadwayne leeyahay cunaba maalin uun laga daba imanayo oo aan la samaxayn.

Sidda aynu wada og nahay  Riyaale iyo kooxdiisu  waxay galeen daniyo  iyo jariimado aan marnaba la saamixi karin haddii la   iska dhaafona hadhow midkii ka danbeeya ee kursiga fuullaa Sidaa oo kale  yeeli dooni.Hadaba In Riyaale Iyo Qofkii Kale ee dowladiis ka mid ah ee danbi galayba Maxkamad la keeno Waxay leedahay Faa'iidooyin badan waxaana ka mida.

  • In Sharciga Dalkan U yaallaa  Shaqeeyo oo uu qof walba Ka sareeyo,Sidoo kalena Qof waliba sharciga ka baqo.
  • In haddii qof danbi galay  maxkamad la soo taago dadk kale  ku quus qatan oo aan qofna ku dhicin danbi qaran.
  • Iyo In Qofkii Danbi Qaran Galay Cadaalada la  kor keeno si loo muujiyo in aynu nahay qaran cadaalad ku dhisan.

Hadaba   Danbiyada aan  xaga  Alle iyo Xaga Bulshada Dhexeeda Midna Ku fiicnayn ee Kooxdan Riyaale Hogaamiyaa Gashay waxaa ka mida

1)Dil Joogto ah Sida Dadkii Hargeysa mudaharaadayey, Inantii gaadhiga dhexdiisa lagu dilay iyo Dadka La laayo maalin kasta ee Amark Riyaale Lagu dillo.

2)Dilalka Qorshaysan Ee Lagula Kaco Saraakiisha Ciidanka Qaranka Sidii Taliyihii Qaybta 12aad Iyo Taliyihii Sahanka Qaybta 12aad iyo Wareerkii Dhicisoobay Ee la doonayey In Lagu Dillo Xildhibaan Qabile.

3)Hanti Boobka  Xoolaha ummada Sida Dhamanba Hantidii Maguurtada ahayd ee ummada, sida guryo, schoollo xaalufinta Bada oo Riyale ruqsadeeda bixiyo lacagtana Keligii QaatO, Babuur, cashuur, Dhaqaalihii Dalkani Lahaa Oo Debeda Guryo lagaga Dhistay.

4) Xadhig joogto ah  sidoo kalena xaqdaro ah oo aan kala sooc lahayn  hadii ay tahay caruur iyo hadii ay tahay dumar, xitaa aad ogaydeen In Gabiley lagu xidhxidhay Dumar Ummulo ah.

5) Dastuur jabin iyo iskala waynaansho Dastuurkii ay ummadani Dhigatay,Taas oo Keliiftay siddii aan Wada ogayn in Golihii Wakiilada Sanadkii La soo dhafey Inta qafil lagu jebiyo Furuhiina Riyaale Jeebka Ku Qaato.

6) Cabudhin iyo Cago Juglayn Lagu Hayo Dhamanba Bulshada Somaliland,Taas oo Source geedu yahay   Xukuumadii Riyaale Iyo  Kooxdani Ku Soo Ababeen Ee Afwayne Barre.

Haddii Inta Aan Halkaa Ku Qoray Iyo Inta Qarsoon Ee  Kooxdani Gashay La  Samaxo Waxay  Ina Tusaysaa In Aan Wax Sharci La Yidhaahaa Ka Jirin Somaliland, Qofkii Danbi Galla  haddii la qaban waayo Ummaduba Wixii Ay U soo Halgantay Been ayay ahaayeen.

Amaano Allah.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

No comments:

Post a Comment