Monday, March 29, 2010

Shir Balaadhan Oo Gudida Iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Toronto Ku Soo Dhaweeyeen Xildhibaan Cumar Sanwayne

Shir Balaadhan Oo Gudida Iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Toronto Ku Soo Dhaweeyeen Xildhibaan Cumar Sanwayne( Daawo Sawirada)

 (Toronto,Kulmiye.org)  Gudida iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Toronto ayaa maalintii Sabtidii si weyn shir balaadhan ugu soo dhaweeyay xildhibaan Cumar Sanweyne oo booqasho khaas ah ku jooga maagalada Toronto.  Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee golaha wakilada Somaliland ayaa hada booqasho bil ah ah ku jooga magaaladan Toronto. Shirkani wuxuu oo ka dhacay bariga magaalada Toronto ee xaafada Scarborough halkaas oo ugu horayn ay ku furtay khudbad isugu jirtay mahadnaq soo dhawayn, gubaabo iyo warbixinba marwo Saynab Yusuf Xaji Adan oo ah gudoomiyaha xisbiga ee laanta Toronto isla markaana ah xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye  ee waqooyiga Maraykan. Marwo Saynab waxaa ay si faahfaahsan uga hadashay doorka iyo mas'uuliyada qurba joogga reer Somaliland ka saaran qaranimada iyo hana qaadka dimuqraadiyada ee dalkii hooyo. Marwo Saynab waxay ka warantay in xisbiga Kulmiye ku tiirsan yahay kuna dhaqdhaqaaqo kaalmada iyo tibaruca ay ka helaan taageerayaashooda qurbejoogga ah halka ay xisbiga Udub ee talada hayaa ay si sharci darro ah u isticmaalaan dhaqaalihii qaranka oo iyaga Udub iyo dawladiina ay isku milmeen. Ugu dambayn  marwo Saynab waxay ka codsatay dhamaan taageerayaashii in guntiga dhiisha la iskaga dhigohawshii olalahana loo wada diyaar garoobo waxaanay  hadalki ku soo dhawaysay xildhibaan Cumar Sanwayne.

 

Xildhibaan Cumar Sanwayne ayaa ugu horayn u mahadnaqay gudidii iyo taageerayaashi halkaa isugu yimid ugana waramay  waxay tahay bal hada xukuumadu  iyo xilka xildhibaanada golaha wakiilada saarani wuxuu yahay. Xildhibaan Cumar Sanwayne ayaa si faahfaahsan uga waramay in dawladu ay tahay sedex laamood oo kala ah xeer dejinta ( labada gole ee wakiilada iyo guurtida), garsoorka (maxkamadaha) iyo fulinta oo ah madaxweynaha iyo wasiiradiisa. Mudane Cumar waxaa uu sheegay sedexda lamood sida  uu distoorku qeexayo in ay yihiin sedex laamood oo isu misaaman si siman awood u wada leh.  Md Cumar waxaa u sheegay in qayb ka mid ah awoodihii laamaha ee xeer dejinta iyo garsoorkiibba ay laanta fulinto (Madaxtooyada iyo wasiiradu) ay xoog ku qaadateen. Waxaana uu mudane Cumar tusaale arintaas uga soo qaatay in madaxtooyada Somliland ay sanadkii inna dhaafay ay albaabada u xidhatay golihii sharciga ahaa ee shacabku soo doortay. Md Cumar Sanwayne waxaa kale oo kaa waramay doorashooyinka hadba dib u dhacay iyo xeeladaha ay wado xukuumada Riyaale ee ah in  khalkhal ay galiso geedi socodka dimoqraadiyadeed si aan doorashooyin dalka uga dhicin.

Ugu dambayn waxaa uu xildhibaanku aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira dalkii oo masuqmaasuqu ka mid yahay, shaqo li'do ka mid tahay cadaalad xumadu ka mid tahay iyo dhalintii ahayd kariimkii dalka oo badaha isku biimaynaya. Mudane Cumar waxaa u sheegay in xukuumada Daahir Riyaale aanay sideedii  sanadoodna aanay horena wax shaqooyin ah ugu samayn dhalinyarada dalka ku shaqo la' imikana aan la ga rajo qabin in yihiin kuwii shaqooyin abuuri lahaa.

 

Waxaa ugu damabyntii halkaa ka hadlay Md Ducaale Maxamed Xirsi oo ah odayaasha magaalada Toronto halkaasna kaga waramay in dalku aad ugu baahanyahay isbadel siyaasadeed . Md Ducaale Maxamed Xirsi waxaa uu ka waramay in shacab ahaan aynu ilaashano geedi socodka dimuqraadiyaadeed taas oo ah furihii ama muftaaxii aqoonsiga qaranimada jimhuriyada Somaliland. Md Ducaale waxaa uu aad uga digay khatarta ku xeeran jamhuuriyada Somaliland iyo sidii shacab ahaan la isakaga kaashan lahaa in dalka laga ilaaliyo cadowyada kala duwan ee u soo hanqal taagaya. Md Ducaale waxaa u aad u amaanay muwaadiniinta reer Somaliland oo nabadooda ka soo shaqaystay walina si adag u ilaashada , waxaana ku dhiiri galiyay dadweynihii halkaa isugu yimid inay isbarbar taagaan xaqa iyo dimuqraadiyada si dalkii ay uga qabsoonto doorashooyin xor oo xalaalii. Waxaana shirkii lagu soo gabagabeeyay su'aalo loo soo jeediyay md Cumar oo la xidhiidha dalkii halkaasna uu si hufan uga jawaabay xildhibaan Cumar Sanwayne.

 

Maxamud Lafcanbe

Toronto, Canada 


No comments:

Post a Comment