Wafti Ka Socda AxsaabtaSomaliland Iyo Diblamaasiyiin Maraykan Ah Oo Jabuuti Kulan Uga Furmi Doono Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadli Doonaan
Hargeysa March 23, 2010 (Haatuf)-Wafti ka socda saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa shalay Jabuuti ugu socdaalay kulan la sheegay in dalkaasi ay ku wada yeelan doonaan diblamaasiyiin maraykan ah oo ka tirsan safaaradaha USA ee Jabuuti iyo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Waftigan saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Udub oo shalay caasimada dalka ka dhoofay una kicitimay dalkaasi Jabuuti ayaa waxa ka mid ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha Guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faarax, gudoomiyaha guddida siyaasada Udub Cumar Jaamac Faarax.
Si rasmiya looma oga ujeedada waftiga saddexda xisbi ee u socdaalay dalka Jabuuti waxyaalaha uu salka ku hayo, balse ilo xogogaala oo lagu kalsoon yahay waxay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen, in ujeeda waftiga axsaabtu ka dhashay dalab kaga yimid dawlada Maraykanka oo La sheegay in dalkaasi Jabuuti ay kulan kula yeelan doonaan diblamaasiyiin maraykana oo ka socda safaardaha Jabuuti iyo Nairobi u fadhiya dawlada maraykanka, waxayna intaas ku dareen ilo wareedyadu inay kaga wadahadlin doonaan kulankaasi oo ka dhici doona safaarada maraykanka ee Jabuuti la filayo inay kaga wadahadlaan arrimo ku saabsan doorashada madaxtooyada Somaliland iyo arrimo la xidhiidha budhcad badeeda iyo guud ahaanba xaalada nabadgelyo ee mandaqada dalalka geeska Africa, waxayna noo sheegeen in muddo saddex maalmood ah ay waftigaasi axsaabta siyaasada Somaliland uu qaadan doono muddada ay socdaalka ku joogi doonaan.
No comments:
Post a Comment