Thursday, April 1, 2010

Madaxweyne Rayaale oo Kulan Shan Daqiiqo Qaatay la Yeeshay Sallaadiinta iyo Cuqaasha reer Awdal

Madaxweyne Rayaale oo Kulan Shan Daqiiqo Qaatay la Yeeshay Sallaadiinta iyo Cuqaasha reer Awdal

Boorama (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale kaahin oo booqasho ku jooga magaalada Boorama ayaa shalay kulamo la yeeshay sallaadiinta, cuqaasha Gobolka iyo laamaha dawlada, sidoo kalena waxa uu booqday dhawr xarumood oo ay ka mid yihiin cusbitaalka guud ee Boorama iyo xarunta laga dhisayo kawaanka casriga ah ee magaalada loo qorsheeyay.

Rayaale ayaa barqadii hore ee shalay xarunta maamulka Gobolka waxa uu kula kulmay sallaadiinta iyo cuqaasha Gobolka oo la filayay inay ka wada hadlaan waxyaabo badan iyo tabashooyinka jiri kara ee ay labada dhinac isu qabaan iyo wixii danta guud ah ee u baahan in wada jirka looga shaqeeyo, balse kulankaasi uma dhicin sidii la filayay.

Isla markii uu furmayba waxaa hadalka qaatay madaxweyne Rayaale oo sallaadiinta iyo cuqaasha ku wargaliyay in socdaalkiisa ujeedadiisu ahayd sidii uu uga qaybgali lahaa aaskii marxuun Maxamed Xasan Mataan oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska ee magaalada Booramana Isniintii lagu aasay, sidaa awgeedna aanay qorshihiisa markii hore ugu jirin wax kulamo ballaadhan ah oo uu yeesho, balse uu hadana go'aansaday intaanu noqon inuu sallaan iyo xogwaran guud la yeesho qaybo bulshada ah oo ay salladiinta iyo cuqaashu ka mid yihiin.

Madaxweyne Rayaale waxa uu odayada u jeediyay hadal kooban oo guud oo aanu ku soo qaadin wax la xidhiidha arrimaha siyaasadeed iyo xaalada uu dalku ku sugan yahay, waxa uu soo qaaday goobo uu booqday iyo waxyaabo horumar ah oo uu arkay inay soo kordheen sida Jaamacadda Camuud, Isbitaalka Xayaat iyo goobo kale, isaga oo si gaar ah u soo qaaday wadada isku xidha magaalada Boorama iyo caasimada oo ay urur mutadawiciin ahi ku hawlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa, waxaanu sheegay inuu ka warhayo dhaqdhaqaaqa la doonayo in wax lagaga qabto jidka Diila iyo Boorama iyo jidadaka kale ee gobolka.

Waxaanu Md. Rayaale sheegay in arrimahaas oo kale ay wax ka qaban karaan deeqo caalami ah kuwaas oo uu heli karo wadan haysta aqoonsi caalami ah, ama shirkado caalami ah oo cashuur marka dambe saarta jidkaas iyo cida adeegsanaysa, "Mar hadii aynaan maanta awoodaas lahayn waan soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax qabsanaysa, waxaanan balan qaadayaa inaan inta u badan ku darsan doono,"ayuu yidhi; madaxweyne Rayaale.

Markii ay hadaladaasi afka madaxweynaha ka soo baxeeni, waxaa hadalka ka dhexgalay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ku dhawaaqay erayo ay ka mid ahaayeen; "Madaxweyne shirkadaha aad sheegtay ee waddooyinka wax ka qabtaa waanagii keenay ee uu maamulkiinu hor istaagay."

Rayaale ayaa u holaday inuu jawaab ka bixiyo hadalka suldaanka ka soo yeedhay, waxaanu sheegay in shirkada uu suldaanku ka hadlayo ay u arkeen kuwo ku hawlan arrimo kale iyo inay badda sun ku aasaan, sidaa awgeedna ay u hor istaageen.

Madaxweynaha waxa kale oo uu odayada ku guubaabiyay in nabadgalyada la wada ilaaliyo, isaga oo sheegay inuu dhawaan soo laaban doono kulamo intan ka ballaadhan oo qorshaysana uu la yeelan doono iyaga iyo bulshada inteeda kaleba, hadalkaa kooban oo qaatay waxka yar toban daqiiqo ka dibna madaxweynuhu shirkii wuu soo xidhay iyada oo aan wax hadal ah la siin cuqaashii iyo sallaadiintii shirka ka qaybgalay.

Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu halkaa kula kulmay laamaha dawlada ee gobolka oo uu ujeediyay hadal guubaabo iyo dardaaran xambaarsanaa, iyada oo masuuliyiinta dawladda ee uu la kulmayna ay uga xog warameen baahiyaha la xidhiidha adeegyada bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Mdaxweynaha ayaa kulankaa ka dib waxa uu booqday isbitaalka guud ee magaalada Boorama halkaas oo uu warbixin kaga dhagaystay isku duwaha caafimaadka gobolka Dr. Cabdi Daa'uud iyo agaasimaha isbitaalka guud ee Boorama Dr. Ismaaciil X. Muxumed oo sheegay in caafimaadka Gobolku uu ku sugan yahay marxalad wanaagsan isbitaalka iyo MCH-yada caafimaadka ee Gobolkuna ay adeegyo caafimaad oo ballaadhan u fidiyaan dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa isaguna ku ammaanay sida wada jirka ah ee ay u sheqeeyaan, isaga oo sheegay in iskaashiga iyo wax wada qabashadu ay shaqada wanaajiyaan, waxaanu u ballan qaadayna inuu wax kala qaban doono wixii baahiyo ah ee ay tabayaan.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu booqday xarun laga dhisayo bariga magaalada Boorama oo noqon doonta kawaan casri ah oo loo adeegsan doono qaliiinka xoolaha caadiga ah ee magaaladu isticmaasho iyo qayb labaad oo loogu talo galay in lagu qalo xoolaha hilibkooda oo qalan dibadaha loo dhoofiyo.

4



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment