Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Beel Ku Biirtay Xisbiga UDUB
Xariirad(Bnn)-Waxa maanta abaaro 12:30 duhurnimo lagu soo gabagabeeyey xarunta hoolka dugsiga farsamada gacanta ee degmada Xariirad xaflad aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dawlada oo uu ku jiro wasiirka hidaha iyo dhaqanka C/risaaq Waaberi Rooble, Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin, Gudoomiyaha ololaha siyaasadda ee xisbiga UDUB Cismaan Hindi, badhasaab ku xigeen ka gobolka Salal Cali Alaale,iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Salal Md. Colhaye, Gudoomiyaha Degmada martida looyahay ee Xariirad Axmed Aaden Bile (Geesh), cuqaal ,martisharaf iyo dadweyne farabadan oo reer Xariirad ah.
Xafladani oo ahayd mid ka mid ah xaflado baryahani danbe dalka caanka ka noqday ee ay kolba beeli kamida beelaha Somaliland ugu biirayaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxa maanta loo qabtey beesha bahabar celi (samaroon) oo kamida beelaha dega Gobolada Awdal iyo Salal ee galbeedka Somaliland.
Kuwaasi oo sheegay in ay kusoo biireen xisbiga UDUB. Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay islamarkaana ay beeshu ku muujinaysay taageerada ay u hayaan xisbiga UDUB iyaga oo dhanka kalena sheegay in ay ka soo go'een xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Aayado Quran ah ka dib waxa si is xig-xigta makarafoonka uga hadlay salaadiinta beesha Bahabar celi iyo suldaan ka guud ee beeshaasi kuwaasi oo ku tiraabay in ay ka go'antahay taageerada ay u hayaan xisbiga UDUB miyi iyo magaalaba iyo meelkasta Oo ay joogto beeshu, waxa ay salaadiintaasi sheegeen in ay iyagu matalaan beesha guud ee bahabar celi afarteeda waaxood sidaasi daraadeedna ay beeshu maanta meel fagaaro ah uga cadaysay mawqifkeedii.
Waxa kale oo madasha ka hadlay gudoomiyaha ololaha xisbiga UDUB, Cismaan Hindi oo isagu si ba'an u weeraray axsaabta mucaaridka ah ee iyaga xafiiltanku dhanka siyaasada ahi ka dhexeeyo isaga oo ku ee deeyay in go'aankii diwaan galintii dalka ka dhacday ee ay axsaabta mucaarid ahi ku in ay sax ahayd natiijadii Serverku soo saarey ay hada qirteen ayuu yidhi in khalad ay ahayd natiijadaasi taasina ay hada garwaaqsadeen axsaabta mucaarid ka ahi ayuu yidhi Cismaan Hindi.
Waxa ku xigay oo isna halkaasi ka hadlay wasiirka hidaha iyo dhaqanka C/risaaq Waaberi Rooble iyo xoghayaha guud ee xisbiga Udub Jaamac yaasiin Faarax oo labadooduba si badheedha u weeraray Xildhibaan Cali Macalin Aareeye oo dhawaan isagu ku eedeeyay xukuumada Rayaale in ay musuq maasuqeen raashin deeqa oo loogu talo galey dadkii ay abaaraha xumi ku dhufteen ee gobolka Salal loogu talo galay isaga oo dhanka kalena canbaarayn dusha uga tuurey madaxweynaha dalka Djbouti oo uu ku sheegay in uu suldaarayo nabad galyada ka jirta Somaliland, Xildhibaankani waxa laga soo doortaa Degmada Xariirad.
Waxa wasiirka iyo xoghayuhuba ku eedeeyeen in uu ka been sheegay deeqahaasi uu khiyaamay dadkii soo doortey isla markaana aysan garanayn ujeedada iyo danta uu ka lahaa warkaasi uu siiyay saxaafada todobaad ka hor.
Dhanaka kelena waxa jirta sida la ogyahayba in xubno kale oo beesha kamid ahi ay iyaguna raacsanyihiin xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, kuwaasi oo uu horkacayo abwaanka weyn ee reer DJabuuti iyo reer somalilandba ah ee Afgudhiye oo todobaad ka hor joogay isla magaaladani ay maanta xafladu ka dhacaysay ee Xariirad. kaasi oo isaga iyo taageerayaashiisuba sheegayeen in ay taageersanyiihin xisbiga Kulmiye, waxaana la xidh-xidhay xubno dhowra oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah todobaadkii tagay. Hase ahaatee waa la sii daayay xubnahaas iyadoon wax danbi ah lagu soo oogin.
Ugu danbayntiina waxa ay xafladu ku soo dhamaatey si nabada waxa wafdigii maanta qado sharaf loogu sameeyey guriga Maayarka Degmada Xariirad Axmed Aadan Bille (Geesh) kuwaasi oo galabtana la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ugala xaajoodaan howlaha abaabulka xisbigu halka uu marayo iyo xaaladaha amaanka iyo nabadgalyada ee gobolka iyo duruufaha kale ee ay bulshadu u baahantahay in wax lagala qabto.
RamaasNews
No comments:
Post a Comment