Saturday, May 29, 2010

DAWLADA ETHOIPIA OO XAFIIS KA FURATAY MAGAALADA GAROOWE

DAWLADA ETHOIPIA OO XAFIIS KA FURATAY MAGAALADA GAROOWE

Garoowe 29 May 2010 THN

Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Puntland C/samad Cali Shire ayaa maanta furay xafiis ay ka furtay dawlada Itoobiya magaalada Garoowe.

Furitaanka xafiiskan Itoobiya ee magaalada Garoowe ayaa xafalad loo qabtay laguna qabtay Xarunta wasaarada Haweenka waxaanaka soo qaybgalay Saraakiil ka socota Lbada dhinac ee Dowladda Itoobiya iyo Puntland.

Wakiilka Dowladda Itoobiya ee u fadhiyi doona Puntland ayaa ka hadlay munaasabada,wuxuuna sheegay in munaasabadan ay tahay mid labo weji leh kuwaas oo kala ah furitaanka Xafiiska iyo dabaal dega ay ugu dabaal degayaan guulaha ay ka gaadheen doorashooyinka ka dhacay wadanka Itoobiya maadama ay yihiin Xisbiga talada haya.

Wakiilkan oo lagu magacaabo Asmalaash ayaa sidoo kale sheegay inuu hambalyo iyo salaan uu ka wado Wasiirka arimaha dibadda ee Dowladda Itoobiya isagoo intaa raaciyey in xafiiskaan uu u sahli doono dadka reer Puntland ee doonaaya in ay u safraan wadanka Itoobiya safarkooda kuwaas oo halka ka heli karaa fiisooyinka.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in xafiiskaan uu noqon doono mid sii hagaajiya xidhiidhka Puntland iyo Itoobiya hadii ay noqoto mid ganacsi iyo daris wanaag.

Waa markii ugu horeysay oo ay Dowladda Itoobiya ay ka furato Xafiis degaanada Puntland.

Baashe Maxamed

No comments:

Post a Comment