Saturday, May 29, 2010

Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad Balaadhan U Sameeyey Beesha Reer Shirdoon Oo Muujiyey Taageerada Ay U Hayaan Xisbigaas.

Xisbiga KULMIYE Oo  Xaflad  Balaadhan U Sameeyey Beesha Reer Shirdoon  Oo Muujiyey Taageerada Ay U Hayaan Xisbigaas.

Hargaysa (Ramaas) May 29, 2010 - Xisbiga mucaaridka ah siilaanyoee KULMIYE ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal tiro badan oo sheegay inay xisbiga hore uga mid ahaayeen, balse ay taageeradooda u muujinayaan xisbiga.

 

Munaasibad balaadhan  oo lagu qabtay barxada hore ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland iyo dadwayne tiro  badan.

 siilaanyo

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Xisbigii UDUB uu baaba'ay, isla markaana uu tartanku ka dhaxeeyo Xubno uu sheegay inay shaqaale dawladeed yihiin, waxaanu soo dhaweeyey taageerayaasha beesha reer shirdoon oo uu sheegay inay u baahnaayeen, waxaanu yidhi " Raga maanta nala tartamayaa waa Wasiiro iyo Xubno kale oo shaqaale dawladeed ah oo aan sharcigu u banayn  inay xafiisyada ummada cid ugu olaleeyaan, waxaanse idin sheegayaa inay UDUB meesha ka baxday oo aanay jirin.

 siilaanyo

Waxaanu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata "Qoladaa wasiirada ah waxaan leeyahay anagaa dhawr jeer dhacnay oo  hadana waanu nool nahay, markaa soddon sanadood ayaan mucaarid ahaa ceebna kuma qabo ee waxaan leeyahay wuxuun baydun cuniye qalaanqalka inaga daaya.

siilaanyo 

Dadwaynaha waxaan leeyahay doorashadaa aynu si nabad  ah u galno oo iska ilaalino danbaabudha UDUB iyo qoladaa xukuumada, qolada maanta xisbiga taageerada u muujinaya aad baan u soo dhawaynayaa."

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna sheegay inay Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay, isla markaana Xukuumadu tartanka kula jirto, waxaanu u mahad celiyey taageerayaasha cududooda muujiyey oo uu ka dalbaday inay codka siiyaan, waxaanu yidhi " Walaalayaal waxaan idin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay oo burburay, cida inala tartamaysaa waa Dawladii oo sidaa walaalkay Muuse Sheegay aan sharcigu u ogalayn inay xafiisyada ummada ku olaleeyaan. Walaalayaal hadaad codkiina iigu ridaan wax badan ayaan idin qaban doonaa sida aad ka akhrisateen  barnaamijka Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE ayaa xafiis cusub ka furtay degmada Abaarso ee galbeedka magaalada Hargaysa, iyadoo uu xafiiskaas cusub xadhiga ka soo jaray guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee gobolada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe.

 

Ramaasnews/office

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment