Friday, May 28, 2010

Loolan Adag Oo Loogu Jiro Ciddii Bedeli Lahayd Madaxweyne Rayaale Iyo Hogaanka Xisbiga Oo Qiranaya Inaanu Ku Guulaysanayn Doorashada

Loolan Adag Oo Loogu Jiro Ciddii Bedeli Lahayd Madaxweyne Rayaale Iyo Hogaanka Xisbiga Oo Qiranaya Inaanu Ku Guulaysanayn Doorashada 

Hargeysa (Golisnews.com)-- Hogaanka sare ee xisbiga UDUB ee dhawaan loo magacaabay dar dar gelinta hawlaha ololaha doorashada madaxtooyada ee uu horkacaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta kulan ay ku yeesheen guriga madaxweyne ku xigeenka waxay si qoto dheer uga wada hadleen qaabkii xisbiga UDUB uu ugu guulaysan lahaa tartanka doorashada
 
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Yaasiin oo hadal ka jeediyey kulanka sida ilo xogogaal ah oo ku dhaw oo si rasmi ah ugu xaqiijiyey shabakadda Golisnews waxay tibaaxayaan inuu Madaxweyne ku xigeenku si cad gudida ugu sheegay inay adagtahay sidii xisbiga UDUB ugu guulaysan lahayd marlabaad tallada dalka "waxaan u arka inay adagtahay in aynu dadka kasbano, inay adagtahay in aynu xita hor istaagno, wax badan ayaa la inaga tabanaya" ayuu ku yidhi guddidaasi madaxweyne ku xigeenka oo hawlaha dar dar gelinta qorshaheeda kala hadlaayey guddida uu guddoomiyaha u yahay.
 
Dhinaca kalana warar xogogaal ah ayaa shabakadda Golisnews news u xaqiijiyey in xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland ay hadda bilaabeenba olole ay ugu jiraan sidii ay u bedeli lahaayeen madaxweynaha ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale kaahin oo u muuqda nin maalmahiisu tirsanyahiin.
 
Xubnaha ololaha ku jira waxaa ka mid ah Wasiirka duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde oo sida Golisnews ay ilo ku dhaw dhawi u xaqiijiyeen dhawaan gurigiisa kula kulmay odayaasha beeshiisa kalana hadlay damaciisa siyaasadeed.
 
Waxaa Sidoo kale tartan ku jira Wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale oo ka mid ah xubnaha ay aadka hadda iskugu dhawyahiin Madaxweynaha xilka sii banaynaaya iyo weliba Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, waxaa sidoo kale dhici karta inuu xilkani u tartamo wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Nuur.
 
Waxaa Iyagana jira siyaasiyiin ruug cadaa ah oo ka maqan hadda saaxadda siyaasadda Xisbiga UDUB iyo xubno kale oo aan kuba jirin oo la fili karo inay u tartamaan oo ay ka mid yahiin Xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan golaha wakiiladda horana u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland, Siyaasiga ruug cadaaga ah Ibraahim Maygaag Samatar horana u ahaa guddoomiyahii golaha dhexe ee ururkii SNM, iyo weliba Wiilkii curdeed ee Madaxweynahii hore ee Somaliland Cali Maxamed Ibraahim Cigaal
 
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo hore ka mid ahaa xubnaha safka hore kaga jira loolanka ayaa hadda u muuqda inaanu damacaasi kuba jirin
 
Mutafe Maxamed Ciise (Dheereeye)
Golisnews, Hargeysa
info@golisnews.com

No comments:

Post a Comment