Sunday, August 29, 2010

“Guddidii Loo Saaray Dayntii Cawil Way Soo Celiyeen Arintii.....

"Guddidii Loo Saaray Dayntii Cawil Way Soo Celiyeen Arintii, Laakiin Wali Arin Dhamaatay Maaha Hawshaasi, Waana Arin Baadhitaan Danbe U Baahanaysa"

Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi


Hargeysa, August 27, 2010 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyada Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in guddidii loo saaray dayntii Wasiirkii hore Ee maaliyada Mr. Cawil uu sheegay in lagu leeyahay Wasaarada Maaliyada ay soo celiyeen, isla markaana aanay ahayn arin dhamaatay.

Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in isbedelka ku yimid lacagta doolarka ay tahay wax caadi ah oo mar marka qaar marna kor u kaco marna hoos u dhac ku yimaado.

Wasiirka Maaliyadu waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu xalay khadka Telefoonka uu kual yeeshay Wargeyska Haatuf, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S: Ma ku talo jirtaan xukuumad ahaan in aad is waafajisaan Doolarka iyo Miciishada kala socda ee aan wada socon?

J: Horta Doolarku mar mar uu iska kaco iyo mar uu hoos u dhacaaba way jiraan, hada waxa iskhilaafkooda keenaya waxa weeyi, waxa aad hada inooga dhoofa xoolaha nool ee aynu u iibgeyno Caalamka, markaa waxa farabatey doolarkii, Baddiina wali may furmid oo doonyihii way maqan yihiin wali, kolkaa xaalado badan oo caynkaas ah ayaa jira taas ayaana keenaysa isbadbadalka doolarka.

S: Waxa dhacday bishii dhawayd in aad shaqaalaha dawlada qaarkood musharaharkii ay Somaliland-ta ku qaadanayeen aad ku siiseen Doolar arimahaas maxaad tafaasiil naga siinkartaa?

J: Arintaasi way jirtaa, shaqaalaha aanu mushaharka Doolarka ku siinayna waa kuwa bariga ee aanay lacagteenu gaadhin, waayo shaqaalaha dawlada ee deegaanadaas aanay lacagteenu ka socon wax kale oo lagu siiyaa musharka ma jiraan.

S: Waxa nagu maqaala ah, in aad cashuurtii dawlada ee awal lagu qaadi jiray doolar aad ka wada dhigteen Shiling Somaliland, arimahaas maxaa ka jira?

J: Figrad sidaas aad sheegtey ahi ma jirto, laakiin waxa jira Ashyaa doolar lagu qabto iyo qaar lagu qabto Somali, Doolarka waxa lagu qabtaa wixi Dakada, Maraakiibta ka yimaada iyo Airport-ka ka yimaada, kuwaas Doolar baynu  ku qabanaa, xoolaha Xoolaha dhoofa iyo Shidaalkana Doolar ayaa lagu qabtaa oo aanu ku qabanaa, kuwaa Acount-ka gaara ayaanu u furnay oo Doolarka ah, wixii kalena Somali ayaa lagu qabtaa, waxa jira oo aanu imikana bixinaynay mushaharkii shaqaalaha ee isgaadh-gaadhay, markaa waxa laga yaabaa in lacag intii hore ka badani ay suuqa soo gashay mar qudha ileyn sadex bilood oo mushahar ah ayaanu bixinay oo isgaadh-gaadhay.

S:Tan iyo intii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kuu magacaabay xilka wasaarada Maaliyada waxa soo xarooda dakhli ka badan kii markii hore ku soo dhici jiray qasnada dawlada, xagee ayaa la odhan karaa wuu u leexan jiray dakhligaas wakhtigii dawladii Rayaale talada dalka haysey?

S:In badan ayaan hore uga hadlay arimahaas, Madaxwaynihii hore ee Somaliland lacagta dakada isagaa qaadan jiray, lacagta shidaalkana isaga ayey jeebkiisa ku dhici jirtey, Xoolaha dhoofaya lacagta ka soo xarootana isaga ayaa qaadan jiray, lacagta Airport-kana isaga ayey jeebkiisa ku dhici jirtey iyo faraqa qiimaha $2 waxa u dhaxeeya, markaas xukuumadii hore waxaas oo dhan iyada ayaa qaadan jiray, anaguna cashuurtii maanu kordhine soo ururinteedii ayuun baanu xooga saarney oo aanu kordhinay.

S:Waxa aad magacawdey Agaasimkii Kastamka iyo Agaasimkii Dakada, kalsooni intee leeg ayaad ku qabtaa masuuliyiinta aad u magacawday in ay xilkooda u gudan doonaan sida ugu macquulsan ee dalka iyo dadkaba u dan ah?

J:Waxa aan xooga saarayaa in aad anigu xafiiska cid walba uga horeeyo oo aan daba galo cida aan shaqadeeda si fiican u gudanayn.

S:Maanta madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa masuuliyiinta uu magacaabay ka mid ah Maareeyihii dakada Berbera, kaslooni intee leeg ayaad ka qabtaa masuulkaasi in uu ka leexdo dhabihii dawladii hore ee Rayaale?

J:Horta dakada oo ah meesha dhaqaalaha ugu badani dalka ka soo baxo, dhaqaalaha ka soo baxaa dawladii hore qasnadeeda kumuu dhici jirin ee waxa uu toos u gali jiray jeebka Madaxtooyada, markaa waxaan aad ugu hanwaynahay in aanay wax walba sidi hore u dhicin oo ay dhabaha saxda ah maraan, masuulkan cusubna waxaan ka rajaynayaa wada shaqayn wanaagsan, waxa aananu ku rajo waynahay in aan la arag wax kooto ah.

S:Waxa aad hore uga dhawaajisay in aad shaqaalaha dawlada mushaharka u kordhin doontaan, arimntaa maxaa  idiinka meel yaala ilaa hada?

J:Arintaas waxa ka wayn oo aanu hada la rafanaynaa sidii loo bixin lahaa wixii hore.

S: Dayntii uu wasaarada ku wareejiyey wasiirkii kaa horeeyey Xuseen Cali Ducaale, Gudidii loo saaray wax natiijo ah wali ma ka soo saareen waxa laga yeelayo arintaas?

S: Gudidii arintaas loo saaray way soo celiyeen arintii, laakiin wali arin dhamaatey maaha hawshaasi, waana arin baadhitaan danbe u baahanaysa, baadhitaankaasna ka hortagi maayo.

S:Waxa la sheegeyaa in xukuumadu wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil ay ka xayirta socdaalada dibada, arintaas maxaad tafaasiil naga siin kartaa?

J:Xayiraadaas anigu wali maan maqal, kamana war hayo arintaas.

No comments:

Post a Comment