Sunday, August 29, 2010

TACSI: GEERIDA MARXUUM MUJ CABDILAAHI ASKAR

TACSI: GEERIDA MARXUUM MUJ CABDILAAHI ASKAR
Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan  tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan halgamayaashii SNM.

Cabdilaaahi waxuu ahaa tiir ka mida kaabayaashii ay ku taagnayd halgankii ummadda Soomaliland ee ay horseedka ka ahayd ururkii halganka ee SNM. Waxuu yahay dhamac iftiimaysa oo ku xardhan taariikhda qaranka Soomaliland. Lama ilooban iyo dhacdo muujisay geesinimada SNM kuna noqotay jab iyo hoog taliskii faashiga ahaa, waxay ahayd dharaartii sida badheedhka ah xabsiga loogala baxay Muj. Cabdilaahi Askar.
   
Alle ha u naxariistee Marxuum  Cabdilaahi Askawaxuu ku geeriyooday magaalda Hargeysa maanta oo Axad ah 29 August 2010.
 Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu marxuum Cabdilaahi u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Axmed Xasan Carwo
HARGEYSA
409 64 21

No comments:

Post a Comment