Monday, September 20, 2010

Xildhibaano Ku Tilmamey Dawalada Silaanyo Mid Diicifa Oo Jahawareersan

Xildhibaano Ku Tilmamey Dawalada Silaanyo Mid Diicifa Oo Jahawareersan

Borama- Xildhibaana reer Awdal ee Jamuuriyada Somaliland badankooda ayaa si weyn u dhaliilay xukumada Silaanyo sida ay u hugaaminayso dalka taniyo markii xukunka dalka ay la wareegtey oo dalkani galay jahawareer iyo amaan daro. Xildhibaan Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ku hadlayey afha xildhibaanada reer Awdal ayaa maanta shirjaraa'id ku qabtey Huteel Rays oo ku yaala magaalada Borama waxaanu xildhibaanku si weyn uga hadlay diciifnimada dawlada Silaanyo oo isku bisho shubatey mid eedaymo usoo jeedisa gobolada galbeedka Somaliland kuna eedaysay in xeebaha Awdal ay yihiin wado ay kasoo degaan Argagixida caalamiga ah iyo Jabhadaha ka dagaalama wadamada Somaliya iyo Itoobiya.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle ayaa dawlada dariska ah ka raali galiyey mashaqadii halka mar dhacday ee ka dhacday xeebaha Awdal isla markaana sheegay in danta gobolada Awdal iyo Selel ay ku xidhan tahay danta wadamada dariska ah ee Itoobiya iyo Jabuuti. Waxa uu xildhibaanku sheegay oo kale in dawlada Silaanyo ayna u socon dan qaran ayna ku ekaatey oo kaliya eedaymo iyo tuhun ay kala dhex dhigto wadamada dariska ah iyo gobolada galbeed ee Somaliland.

Xukumadu marnaba kama ayna fiirsan in goboladani ay ka mid yihiin Jamuuriyada Somaliland isla markaana eed kasta oo been abuur ah oo lagu sheego goboladani ay ka dhigan tahay mid taaban doonta guud ahaan sharafta amaanta Jamuuriyada somaliland ee ayna goboladi gaar u heli doonin colaad kaga timaad wadamada dariska ah.

Saladiinta reer awdal iyo Xildhibaanada gobolka ayaa aad uga cadhooday hadalo been abuur ah oo Madaxweyne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdiraxman Saylici uu ku eedeeyey gobolka Awdal inuu waligeedba ahaa meel argagixisadu hubab kala soo degto.

Sidoo kale dadweynaha Borama ayaa cadho weyn ka muujiyey Cabdiraxman Saylici oo hadda ku sugan Borama inuu TVga qaranka Somaliland u sheego hadalo ka dhan ah Gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal.

Dhawaan ayaa la filayaa in wufuud gobolka Awdal oo iskugu jirta Saladiin iyo Waxgarad kaleba u socdaalaan K5aad si ay wadahadalo dheeri ah oo arinkan ku saabsan ula yeelan lahaayeen Ismaamulka Somaliyeed ee K5aad

Source: saylac.com

No comments:

Post a Comment