Thursday, December 30, 2010

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Axmed Xasan Carwo,oo loo magacaabay La Taliyaha Madaxweynha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Waxaa maanta farxad iyo rayn rayn aniga ii ah, inaan halkan hambalyo iyo bogaadin aan la koobi kareyn aan uga diro , saaxiibkay ,walaalkay,  Axmed Xasan Carwo,oo loo 
Ahmed-Arwo-Hargeisa.jpg
magacaabay, La Taliyaha Madaxweynha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga. 

Mudane Axmed Xasan Carwo , waa aqoon yahan weyn , oo ku talax tegay Cilmiga Dhaqaalaha iyo Maareynta Maal Gashiga,khibrad iyo waayo arrangnimo ballaadhanna leh. Walaw aanan qoraal keliya ku soo koobi karin wax qabadkiisa iyo dadaalka faraha
badan ee Axmed Dalkiisa iyo Dadkiisaba u qabtay, bal aan isku dayo inaan idiin iftiimiyo dhowr qodob:

- Axmed Xasan Carwo, Waxaan qofnaba daah ka saarneyn , inuu qayb laxaad leh ka soo qaatay halgankii iyo  Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantiyey talada Dalka,kana mid ahaa rukumadii ugu waaweynaa ee xisbiga Kulmiye ka hawl gala,Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba.

-Axmed Xasan Carwo, Waxaa marnaba la illoobi karin  qoraaladiisii taxanaha ahaa, ee sida onkodka  iska soo daba dhici jiray , kuna  suntanaa cinwaanka: "Codkaaga ku ciil bax", oo aalaaba intiinna badani aad ka daalacan jirteen Mareegaha  Somaliland,mar kale ayaanan idiin soo gudbin  doonaa qoraaladaas taariikhiga ah,iyagoo dhameys tiran.

-Axmed Xasan Carwo, Wuxuu muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland ee Wales,UK, waxaanu ku guuleystay
inuu isku xidho ,soona casuumo  mudanayaal ka mid ah Dawladda Ingiriiska, oo uu  ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda,
Mudane David Miliband,Mudane Alun Michael MP,oo ay  shirar la yeeshaan jaaliayadda.
Bishii November 25,2008,ayuu Axmed si sharaf leh u wareejiey Xilkii Guddomiyanimada ee Jaaliyadda Wales.

Aan mid kaftan ah raaciyee,Axmedaw sidii Codkii loogu ciil baxay, waa in Somaliland aqoontaada,waayo aragnimadaada iyo khibraddaada, ugu ciil baxdaa, oo Hashii Maandeeq Xoorkeeda beryo qol qolka xaafaddii Laba Nuux , lagu wada dhamaa !!!!!

Mar labaad ,Hambalyo Hambalyo Hambalyo,waxaanan Allaha weyn kaaga baryayaa, in xilkaa culus ee Madaxweynuhu kuu igmaday,Rabbi kugu asturo ,kaana yeelo kii ka midho dhaliya, Aamiin.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist



No comments:

Post a Comment